Home Blog Page 1327

{DAAWO MUUQAALKA} Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiiradaBeesha Caalamka

0

Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiiradaBeesha Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Kalluumeysatada Soomaaliya oo wajahaya caqabado dhanka saadka ah

0

Talaado 21, Jan 2025 {HMC Kalluumeysatada Soomaaliya oo wajahaya caqabado dhanka saadka ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01/21/2025}

Talaado 21,Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::C.Raxmaan Maaskaro

Farsamadii ::Abdirahman Muse Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu Khudbadiisa Diirada ku Saaray Madaxweyne Trump.?

0

Talaado 21, Jan 2025 {HMC Muxuu Khudbadiisa Diirada ku Saaray Madaxweyne Trump.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee ayey Qoysaskooda ula Midoobeeyn Dadli Falastiiniyiin ahaa ee Laga Si daayay Xabsiga Israa’iil

0

Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Sidee ayey Qoysaskooda ula Midoobeeyn Dadli Falastiiniyiin ahaa ee Laga Si daayay Xabsiga Israa’iil

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Trump oo la wareegay xilka madaxweynaha Mareykanka

Talaado 21,jun 2025 {HMC} Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka.

Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan.

Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale.

Waxa uu ku dhowaaqay bilowga “xilli cusub oo xiiso leh oo guulo qaran ah” maadaama “mowjadaha isbedelka ay dalka ka socdaan,” sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah khudbadiisii caleemo-saarka.

Awaamiirta fulinta ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee uu Trump ugu yeeray “dib u soo celinta dhamaystiran ee Ameerika iyo caqliga saliimka ah.”

Cimilo qabow darteed ayaa keentay in dhaarinta loo raray gudaha Capitol Rotunda – markii ugu horreysay muddo 40 sano ah.

Xarunta Capitol, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa markii hore lagu dhaariyay, isaga oo uu dhaariyay garsooraha Maxkamadda Sare Brett Kavanaugh.

Trump ayaa ku xigsaday daqiiqado ka dib, isaga oo isticmaalaya laba bible oo mid ay leeyihiin qoyskiisa iyo kii lagu dhaariyey madaxweyne Abraham Lincoln 1861-kii, waxaana dhaariyey garsooraha ugu sarreeya maxkamadda sare John Roberts.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay maal-qabeeno ay ka mid yihiin; Mark Zuckerberg, Jeff Bezos, Tim Cook and Sundar Pichai, iyo sido kale Elon Musk oo aad ugu dhow Trump.

Caleema-saarka Trump waxa ay xaqiijisay dib u soo laabasho siyaasadeed oo aan horey uga dhicin taariikhda Maraykanka.

Afar sano ka hor, waxaa loo codeeyay in laga saaro Aqalka Cad intii lagu jiray burbur dhaqaale oo uu sababay cudurka dilaaga ah ee COVID-19. Trump wuu diiday guul-darradiisa, wuxuuna isku dayay inuu xukunka ku dhegnaado.

Waxa uu taageerayaashiisa ku amray in ay socod ku maraan xarunta Congress-ka xilli ay sharci-dajiyayaashu ansixinayeen natiijada doorashada, taasoo dhalisay rabshado sababay in ay carqaladeeyaan dhaqankii dalka ee ahaa in si nabad ah xukunka loogu kala wareego.

Laakin Trump waligiis ma lumin gacan ku hayntiisa xisbiga Jamhuuriga mana niyad jabin kiisas dambiyeed oo lagu soo oogay iyo laba isku day dil, wuxuuna si awood leh uga adkaaday kuwii la loolamayey, kuna guuleystay doorashada.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Xoosh “Madaxweyne Xasan Sheekh kama liito Erdogan ee aan waqti siino.”

0

Isniin 20 jun 2025 {HMC} Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cali Xoosh ayaa caawa yiri ” Madaxweyne Xasan Sheekh kama liito Madaxweynayaasha Erdogan iyo Mahatir Maxamad ee aan waqti siino iskana dhaafno Naartaan aan ku ordeyno.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Tirada Shaqaalaha Soomaalida ah ee loo dirayo Sacuudiga bisha dambe iyo shaqada ay qabanayaan

0

Isniin 20 jun 2025 {HMC} Bartamihi Bishii December ee sanadkii tagay, waxaa dalka Sacuudiga heshiis ku wada gaaray wasiirada shaqada ee labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kaas oo dhigaya in Soomaaliya shaqaale u dirto dalka Sacuudiga.

Sida uu BBC-da u sheegay wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan, labada dal ayaa ku heshiiyey in nidaam ka duwan kuwii hore ee shaqaalaha Soomaalida loogu diri jiray Sacuudiga hadda loo maro kaas oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha ee caalamiga iyo kuwa labada dal u yaalla.

“Runtii dowladda Soomaaliya Sucuudiga shaqaale ayaa loo diri jiray inkasta oo uusan ahayn heshiis rasmi ah oo ahaa mid afka ah iska ahaa, khaladaad badana ayaa dhici jiray oo dadkii meesha la geeyo aysan xaquuqdodi helin, Kufis, khaladaad badan ayaa jiray. Wasaaradduna door kuma lahayn taas ayaana keentay markaa imaanay wixii ugu horreeyey ee qabanay inaa joojino Shirkadihii khaladaadas sameeyey markii safaaraddeena noo soo gudbiysay,” ayuu yiri wasiir Yuusuf.

Wuxuu intaa raaciyey in xilligii hore ay shirkado si gaar ah loo leeyahay oo labada dal ka shaqeeya ay iyagu lahaayeen doorka shaqaalaha Soomaalida ee loo dirayo Sacuudiga balse shirkadaha Soomaalida ee howshaas qabayey ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo sharciyo ka haysta wasaaraddda shaqada iyo shaqaalaha ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in “Shirkaddo Sacuudi ah ayaa heshiis la gali jiray kuwa Soomaaliya jooga, marka kuwa Soomaalida ah ayaa dadka ay raadsanayeen Sacuudiga gaynayey”

Maxay yihiin noocyada shaqaalaha dowladda Soomaaliya u dirayso Sacuudiga?

Kumannaan qof oo Soomali ayaa siyaabo kala duwan uga shaqaysta dalka Sacuudiga kuwaas oo isugu jira kuwo iyado iskood ugu shaqa tagay iyo kuwa shirkado Soomaali ah ay geeyeen dalkaasi.

Waxaana marar badan la maqlaa cabashooyin ay muujiyeen dad Soomaali ah oo dalka Sacuudiga ka shaqaysa oo warbaahinada la hadlaa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in shaqaaluhu noqon doonaan laba qaybood oo kala ah Xirfadleyaal iyo Xoogmaal.

Wuxuu sheegay in dadka xoogsato ah ay qabanayaan shaqooyn ay ka mid yihiin ka shaqaynta guryaha, ilmo haynta, dadka waayeelka ah, dadka caawinta u baahan iyo shaqooyinka la mid ah.

Dadka xirfadlayda ayuu sheegay inay noqonayan kuwa shahaado ka haysta xirfadooda kuwaas oo ay ka mid yihiin Kalkaaliyaal, dhaqaatiir, Injineero, dadka bartay culuumta Computarada iyo dadka haysta oggolaanshiyaha gawaarida waaweyn lagu kaxeeyo.

Wuxuu sheegay inay kordhayso tirada dadka doonayo inay u shaqa tagaan Sacuudiga oo rag iyo dumarba leh.

Yaa damaanad qaadaya xaquuqda shaqaalaha?

Sida uu BBC-da u sheegay wasiir Yuusuf, dowladda Soomaaliya ayaa leh masuuliyadda shaqaalaha Soomaalida ee loo dirayo dalka Sacuudiga.

“Dadku inta aysan bixin waxaa la barayaa xaqa uu leeyahay iyo xaqa lagu leeyahay iyo nidaamka Sacuudiga, Wasaaraddu waxay magacowday u qaabilsanaha oo horrey u jiran, qofkastana xogtiisa waa haynaa,”ayuu yiri Yuusuf.

Wuxuu intaa raaciyey in qofka shaqaalaha la cadayn doono xaqiisa, mushaaarkiisa inta uusan ka bixin Soomaaliya.

“Qofku maba baxaayo wasaaradd ayaa hayso heshiiska,” ayuu yiri wasiir Yuusuf.

Wuxuu sheegay in la dhisay nidaam App ah oo qofku u oggolaanaya inuu cabashadiisa ku soo gudbiyo haddii uu dhibaato kala kulmo halka uu u shaqaynayo kaas oo ay helayaan safaarada iyo wasaaradduba.

Xillgii hore ayuu sheegay in dadka shaqaalaha ee loo qaadayo Sacuudiga iyaga lacago laga qaadi jiray balse hadda aysan taasi jirin.

“Sacuudiga la gayn doonna, Sucuudigu intuu joogo mushaarkiisu qadanaya isagoon nus dooar ka isticmaalin oo wadankiisa ku soo celin karaa, caymis caafimaad ayuu leeyahay, fasax caafimaad ayuu leeyahay, gunno ayuu leeyahay, siddeeed saacadood ayuu shaqaynayaan, cunadisa, iyo meesha uu seexanayo qofku u shaqaynayaa laga rabaa,” ayu BBC-da u sheegay Yuusuf.

Xiliga shaqaalaha Soomalida ee ugu horreya baxayaan iyo sida lagu qaadanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Yuusuf Maxameed Aaden ayaa BBC-da u sheegay in ay filayaan in horraanta Bisha Febraayo ee sanadkan ay shaqaalaha ugu horreeya ay aadi doonaan dalka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay inay qiyaasayaan in dadka bixi doona ay dhammaan doonaan ilaa shan iyo tobban kun oo qof oo shaqaale isku jira Xoogsato iyo Xirfadlayaal.

“Dadka ugu horreeya laba sano ayay shaqayn doonaan iyaga oo laba sano heshiis ah saxiixaya laakiin heshiiska aan la galnay Sucuudiga waa shan sanadood,” ayuu inta raaciyey wasiir Yuusuf.

Yuusuf, ayaa xusay in wasiirka dhigiisa ee Sacuudigu u sheegay inay u baahan yihin sanadkan in ka badan 100,000 oo shaqaale ah.

Mar BBC-du waydiisay sida shaqaalaha loo qaadanayo ayuu ku jawaabay in shirkadaha howshan qabanaya shirkadaha labada dhinac iyaguna doorkooda qaadanayaan si loo hubiyo in heshiiska iyo habraacyadii loo baahnaa la maray.

Ilaa sagaal iyo toban shirkadood oo Soomaali leedahay ayaa ka shaqayna howsha shaqaalaysiinta kuwaas kaliya ay u dhiman tahay shuruud wasaaraddu ku xirtay oo ah inay Bangiga dhexe ku shubaan ilaa 25 kun oo dollar oo wax loogu qabanayo haddii dadka la dirayo haddii ay ku dhintaan dalkaasi.

Hay’addaha xaquuqda aadanaha u dooda ayaa dalal badan oo kuwa Khaliijka ku eedeyey inay tacdiyo ka kulmaan shaqaalaha ajaanibtaa ee dalkooda ka shaqeeyo.

Dadkii ka horreeyey heshiiskan ayuu sheegay wasiirka Shaqada ee Soomaaliya inay Sacuudiga kala hadleen sidii xal loogu heli lahaa ayna isla qaateen.

Soomaaliya oo dowladdnimadeedu soo xooggaysanyo ayaa ka mid dalalka shaqaale badan oo ajaabiin ay u shaqa tagaan kuwaas oo ah xirfadlayaal ah.

Ilaa shan kun oo shaqaale xirfadlayaal shisheeye ah ayaa Soomaaliya u shaqa tagay sanadkii tagay sida uu BBC-da u sheegay wasiir Yuusuf.

XIGASHO BBC

Nuxurka khudbadii uu jeediyey Trump iyo waxyaabihii uu ka hadlay.

0

Isniin 20 jun 2025 {HMC}  Madaxweynaha cusub ee Maryakanka Donald Trump ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynimadda Maraykanka ka dib xafladii caleemasaarkiisa ah oo ka dhacday Aqalka Congress-ka ee Capitol Hill ee magaaladan Washington DC.

Xaflada caleemasaarka Trump, waxaa ka qayb galay madax hore oo Maraykana, dad magac leh oo ay ka mid yihiin Elon Musk, iyo Mark Zuckerberg, Jeff Bezos,Tim Cook ,Sundar Pichai iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee UK Boris Johnson.

Madaxda iyana ka soo muuqday goobta calameesaarka Trump waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Argentin Javier Milei and iyo Raysal wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Dhaarinta ka dib Madaxweyne Trump ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu kaga hadlay arrimaha miiska u saaran ee hortabinta u leh marka uu fariista kurisga Aqalka Cad kuwaas qaar ka mid uu horrey uu u balan qaaday inuu samayn doono maalintiisa ugu horreysa ee xilka la wareego.

Waxybaaha uu ka hadlay waxaa ugu weynaa arrimaha xaduudaha, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, iyo dhismaha Maraykan awood badan.

Ganacsiga: Trump waxa uu sheegay in uu si degdeg ah u bilaabi doono dib u habeynta ganacsiga, iyo in uu dhisayo “Adeegga Dakhliga Dibadda” si ay u ururiyaan dhammaan canshuuraha iyo dakhliga.

Wuxuu sheegay in dakhligaas uu ka imaan doono “ilo shisheeye”.

“Riyada Maraykanku mar dhow way soo noqon doontaa waxayna u fiicnaan doontaa si aan hore loo arag,” ayuu yiri.

“Kadib sanado iyo sanado aan sharci ahayn iyo xayiraad aan dastuuri ahayn oo ku saabsan hadalka, waxaan sidoo kale saxiixi doonaa Amarka Fulinta si aan u joojiyo dhammaan faafreebka oo aan u soo celiyo xoriyada hadalka Ameerika,” ayuu yiri.

Waxa uu u sheegay dadweynihii ka soo qaybgalay xaflad, “Waxaan si degdeg ah u bilaabi doonaa dib u habeynta nidaamkayaga ganacsi si aan u ilaalino shaqaalaha iyo qoysaska Maraykanka. Halkii aan canshuur ka qaadi lahayn muwaadiniinteena si aan u hodminno wadamada kale, waxaan canshuur iyo canshuuro ku canshuuri doonaa wadamada shisheeye si aan u hodmino muwaadiniinteena.”

Xaduudaha: Trump ayaa faahfaahinayey qaar ka mid ah tallaabooyinka fulinta ee uu qorsheynayo inuu qaado hadda oo uu madaxweynaha yahay.

Maanta, ayuu saxeexi doonaa amar fulineed oo ku dhawaaqaya xaalad degdeg ah oo qaran oo ka dhacda xuduudka Maraykanka iyo Mexico.

Dhammaan gelitaanka sharci darrada ah “isla markiiba waa la joojin doonaa” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in dawladdu ay bilaabi doonto hannaanka dib loogu celinayo malaayiin “shisheeye dambiilayaal ah” halkii ay ka yimaadeen.

Trump wuxuu khudbadiisii ugu horeysay uu ku weeraray maamulka Biden iyo sida uu u maareeyey dhibaatada soogalootiga.

Waxa uu sheegay in caqabadaha dalka ka jira ay “dabar goyn doonaan”, isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu wajahayo qalalaase ah “kalsoonida xagjirnimada iyo aasaaska musuqmaasuqa”.

Maamulkii hore, ayuu yiri, wuxuu hoy iyo ilaalin u fidiyay “dambiilayaasha halista ah” ee sida sharci-darrada ah ku soo galay dalkeena.

Trump wuxuu sheegay isagoo ka hadlayey kanaalka Panama, “hadyad nacasnimo ah oo ay ahayd inaan waligood la samayn” Panama, ayuu yiri.

“Ma aynaan siin Shiinaha. Dib ayaan u soo celinaynaa,” ayuu sheegay Trump.

Gunaanadkii khudbada uu jeediyey ayuu mahadnaq u jeediyey dadka Maraykanka Trump, waxa uu qiray dib u soo laabashadiisa siyaasadeed waxana uu yiri “Dadka Maraykanku way hadleen”.

“Waxaan hortiina u taaganahay caddayn inaan marnaba rumaysan in wax aan macquul ahayn in la sameeyo. Ameerika, samaynta wax aan macquul ahayn waa waxa ugu fiican,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Ameerika aan la qabsan doonin oo aan la cabsi gelin doonin

“Ma guuldareysan doono, laga bilaabo maanta, Mareykanka wuxuu noqon doonaa qaran xor ah, madax-bannaan iyo madax-bannaan,”

“Mustaqbalka annagaa leh, casrigeenna dahabiga ahna hadda wuu bilaabmay.”

Xigasho BBC

 

Somalia and Panama Explore Ways to Strengthen Relations.

0

Monday 20 jun 2025 {HMC}   The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, met today in New York with the Deputy Minister of Foreign Affairs of Panama, H.E. Mr. Carlos Ruiz-Hernández, and discussed with him strengthening bilateral relations and exploring various areas of cooperation between the two countries.

The meeting provided an opportunity to review existing ties and identify new avenues for collaboration.