Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Oo saxiixay go’aan uu dalkiisa kaga saarayo Hey’adda Caafimaadka Adduunka
Dalka Tanzaaniya oo ka Dilaacay Fayraska Marburg
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Dalka Tanzaaniya , ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dilaacay Fayraska Marburg, kaas oo soo ritay qaar kamid ah dadka kunool dalkaasi, waxa ayna dowladda durba bilowday dedaalo looga hortagayo in feyruskaasi sii faafo.
Madaxweynaha dalka Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan , ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayraska Marburg oo ah fayras la mid ah Ebola, waxa ayna xustay in loo xaqiijiyay in dad uu haleelay feyruskaasi lagu arkay gobolka waqooyi-galbeed ee Kagera.
Waxa ay sheegtay Madaxweynaha in ay socdaan dedaalo looga hortagao in cudurkaasi dalka ka dilaacay sii faafo, waxa ayna intaa ku dartay in ay kalsooni badan ku qabto in ay ka gudbi doonaan Fayraska cusub ee Marburg ee dalkooda lagu arkay kiisas kamid ah.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) , ayaa isbuuc kahor sheegay in ay jiraan kiisas looga shakio qabo feyraska Marburg lagu arkay dalka Tanzaaniya, waxaana dalkaasi laga diiwaangeliyay sagaal xaaladood oo cudurkaasi ah, iyada oo ay dhinteen 8-qof shan maalmood gudahood.
Wasiirka Caafimaadka Dalka Tanzaaniya Jenista Mhagama, ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay in feyraska Marburg laga helay dalkooda, waxa ayna xustay in dadka laga shakiyya ee dhintay markii la baaray laga waayay feyruskaasi.
Maraykanka oo Laga Mamnuucay Hay,adda Cunada Aduunka WHO
Talaado 21,jun 2025 {HMC}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waqti kooban iyada oo laga joogo markii loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Dalkaas ee 47aad waxa uu qallinka la dul-tagay qodobo dhowr ah sida ka bixista Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Soogalootig & Cafis uu u sameeyay Taageerayaashiisa kol hore weeraray Aqalka Baarlamaanka ee Capital Hill.
Maraykanka waxa uu safka hore uga jiray Dalalka taageera Hay’addaan Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Caafimaadka, go’aanka Trump ayaa ka dhigaya in Xukuumadda Washington ay ka xiran doonto dhaqalaha badan ay siineysay Hay’addaan, taasi waxa ay shaki weyn gelineysaa sii shaqeynta WHO oo duruufo dhexda ka taagan.
Lacagta Maraykanka uu Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO u siin jiray waxa ay gaareysaa $500 oo Milyaan oo Doollar, dalka ku xiga ee Hay’addaan lacag siiya waa Shiinaha oo bixiya $39 Milyan oo doollar, farqiga bixinta dhaqalahaas kaalmada ah ayay Xukuumadda Washington ku tilmaamtay mid caddaalad darro ah.
Dhanka Soogalootiga:
Hoggaamiyaan inta badan ku hanjabi jiray waqtigiisa ololaha in uu sal goynayo soogalootiga badan ayaa sidii la filayay sameysay, markaan waxa uu kusoo daray in ubadka ay dhalaan dadka kasoo booda gidaarka in aan la siin doonin dhalashada Dalkaas, waa arrin muran badan dhalin karta marka la eego Hay’adaha u dooda xuquuqda dhallaanka.
Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu tarxiilo ama masaafuriyo dadka kasoo booday gidaarka ama darbiga kuwaas oo sifo sharci darro ah ku galay Dalka Maraykanka, waxaa tallaabadaan hoos imaan doonna in lagu dari doonno ubadka ay ku dhaleen Dalkaas dadkaan kasoo gudbay xadka uu amray in la adkeeyo si looga hortago tahriibayaasha.
Hoteello ku yaalla Turkiga oo Dab ka kacay Iyo Qasaaro Xoogan oo Ka Dhashay
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Ali Yerlikaya ayaa faah-faahin ka bixiyay dab ka kacay Hoteello ku yaalla Magaalada Bulo ee dhacda Waqooyiga Dalkaas, inta la xaqiijiyay waxaa dabkaas ku dhintay 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 32 kale.
260 ruux oo isugu jiray Shaqaalaha Dowladda iyo Dad kale oo ka socday Hay’ado ayaa ka qaybgalay howlgalka lagu damiyay Dabkaas iyo in goobaha Caafimaadka loo qaado dadka dhaawacyada si ay u helaan daryeel Caafimaad.
Guddoomiyaha Gobolka Dhibaatada ka dhacday oo lagu magacaabo Abdulaziz Aydin ayaa tacsi u diray ehelka Dadkooda ku dhintay dabkaan halka uu caafimaad degdega ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay ee la dhigay goobaha kala duwan.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa sheegay in muddo la sugayay kooxaha gurmadka degdega ah si ay u damiyaan Dabkaas maadaama si fudud isaga kala gudbay dhismo isku dhow.
{DAAWO SAWIRADA } Dalalka DRC iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Sara u Qaadista Xiriirka ka Dhaxeeya labada Dal
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabilsan Qaramada Midoobey Er, Zénon Ngay Mukongo, ayaa kala hadlay sara u qaadista xiriirka ka dhaxeeya labada wadan iyo horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka dhaqaale, dhowrista midnimada dhuleed iyo qaranimo ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoquraadiga Koongo, iyagoo dhinaca kale la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in aragti lagu xaliyo caqabadaha gobolka, iyo xaqiijinta badqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku ah DRC, loona fududeeyo habraacyada lagu ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Kumanaan dad rayid ah oo ka qaxaya dagaal ka socda bariga dalka Congo
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Kumanaan dad rayid ah oo ka qaxaya dagaal ka socda bariga dalka Congo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Halkee Ayuu Marayaa dhismaha Garoonka Diyaadaha Balad-Xaawo.
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Halkee Ayuu Marayaa dhismaha Garoonka Diyaadaha Balad-Xaawo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo War Kasoo Saartay Howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan.
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} DFS oo War Kasoo Saartay Howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Culimmada Soomaaliyeed oo Taageero iyo Dhiirrigelin u Muujiyey Ciidamada Puntland.
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Culimmada Soomaaliyeed oo Taageero iyo Dhiirrigelin u Muujiyey Ciidamada Puntland.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Askartii ku dhawacantay Dagaalka Puntland iyo Daacish oo dalka dibadiisa loo qaaday
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Askartii ku dhawacantay Dagaalka Puntland iyo Daacish oo dalka dibadiisa loo qaaday



