Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Ugaas Yuusuf oo soo dhaweyntiisa safaf dhaadheer loogu jiro Buulo_barde.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Ugaas Yuusuf oo soo dhaweyntiisa safaf dhaadheer loogu jiro Buulo_barde.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Howlgalo ka dhan Ah AS oo ka socda Gobolka Hiiraan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadow
Farsamadii ::Abdirahman Muse Osman
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u mahad celiyay ra’iisul wasaaraha Qadar Sheekh Maxamed bin Cabdul Raxman Al Thani “doorkii muhiimka ahaa” ee uu ka qaatay dadaaladii dhex dhexaadinta ee ugu dambeeyay ee lagu gaaray xabad joojinta Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
“Xoghayaha ayaa muujiyay baahida loo qabo in la sii wado horumarinta heshiiska si meesha looga saari colaadda Qasa, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay kaalinta ra’iisul wasaaraha Qadar uu arrintaan ka qaatay.
Mr Blinken ayaa u rajeeyay Sheekh Maxamed bin Cabdul Raxman Al Thani inuu sii wado dadaalka lagu dhisayo nabad waarta oo ka dhacda gobolka.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Odayaasha dhaqanka Puntland oo war kasoo saaray Colaada Gobolka Mudug.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Daanta Galbeed iyo bariga Qudus oo lagu soo dhaweeyey Falastiiniyiintii u Xernaa Israa’iil.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Saacado ka hor inta aanan xilka loo dhaarinin, ayuu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump xalay magaalada Washington D.C kula hadlay kumannaan ka mid ah taageerayaashiisa.
Isu soo bixi dadweyne ee xalay uu Trump ku qabtay garoonka kubadda koleyga ee Capitol One Arena, ayuu Trump kaga dhawaaqay qaar ka mid ah waxyaabaha uu ahmiyadda koowaad siin doono gelinka danbe ee Isniinta maanta ah marka uu xafiiska Aqalka Cad tago, xafladaha dhaarinta kaddib.
Wuxuu sheegay in uu saxiixi doono dikareetooyin madaxweyne oo tiro badan, kuwaas oo ballan qaaday in uu uga farxin doono shacabka Mareykanka ee soo doortay.
“Dadka Mareykanka waxay na siiyeen kalsoonidooda, taasi baddalkeeda waxaan siin doonnaa maalinti ugu wanaagsaneyd, todobaadki ugu weynaa iyo 100-ki maalmood ee ugu xiisaha badnaa ee uu sameeyo madaxweyne taariikhda Mareykanka.” Ayuu yiri Trump.
Ilo wareedyo la socda wareegtooyinka madaxweyne ee uu Trump saxiixi doono ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in Trump uu isu diyaarinayo saxiixa in ka badan 200 oo amaro madaxweyne ah.
Awaamirta ayaa la filayaa in ay ugu muhiimsanaan doonaan amniga xuduudaha, masaafurinta baaxadda weyn ee uu wacadka ku maray, cafis uu u fidin doono eedeysanayaasha weerarki Aqalka Koongareeska ee lixdii January 2021, kor u qaadida wax soo saarka saliidda iyo gaaska, iyo beddelidda kumanaan shaqaalaha dowladda federaalka ah iyo qodoboo kale.
Wuxuu kaloo sheegay in uu isla marka uu xafiiska tago uu meesha ka saari doono amar kasta oo xagjirnimo iyo nacasnimo ka muuqato oo uu horay u soo saaray madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Joe Biden.
Trump ayaa taageerayaashi uu xalay la hadlay hortooda ka sheegya, in maamulkiisa uu shaaca ka qaadi doono dukumintiyada sirta ah ee u keydsan dowladda ee la xiriira shirqoolladi lagu dilay madaxweynihi hore ee Mareykanka John F. Kennedy, Senator Robert Kennedy hogaamiyihii dhaq-dhaqaaqa madaniga Mareykanka Martin Luther King Jr.
Madaxweyne Trump ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimo ee uu dhacday bishi November ee sannadki tagay, markaas oo uu ka badiyay madaxweyne ku xigeenka haweeneyda la yiraahdo Kamala Harris.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} RAMALAH — Todobo saacadood kaddib marki ay Xamaas xoreysay saddex ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta, ayaa xalay saqdi dhexe kaddib xabsiyada Isra’il laga sii daayay ilaa 90 Falastiiniyiin ah.
Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas, kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Mareykanka, Masar iyo Qatar.
Heshiiskan ayaa dhigaya in halki la heyste oo Isra’ili ah ay Xamaas ku baddalato sii deynta 30 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra’il, in xabbadda laga joojiyo Gaza, in gargaarka loo ogolaado Gaza iyo in ciidamada Isra’il ay billaabaan ka bixista Gaza.
Basas waday maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa xalay 1-di habeennimo kaddib gaaray magaalada Ramallah halkaas oo ay kumannaan Falastiiniyiin ah oo lulalay calanka Falastin iyo kan Xamas ay ku soo dhaweeyeen mashxarad iyo damaashaad.
Dhanka Isra’il, saddex ka mid ah la heystayaasha ayaa la midoobay qoysaskooda Axaddii shalay. Saddexda laheyste ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, laguna afduubtay xafladdii muusigga ee Nova, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo laga soo afduubay deegaanka Kibbutz Kfar Aza.
Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la heystayaasha, halka Isra’il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaa laga rajo qabaa in ay socoto muddo 42 maalin ah.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Puntland oo ajaanib katirsan Daacish ku Dishay Howlgalkii ay Ka wadeen Gobolka Bari.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Dadkii ka Barakacay Dagaaladii ka Dhacay Suudaan oo dib ugu laabanaayo Guryahooda.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.