Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii :: Abdirahman Macalin Muse
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii :: Abdirahman Macalin Muse
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay inay Israa’iil ka sugeyso liiska 90 maxbuus oo Falastiini ah oo maanta lasii deyn doono iyadoo la dhaafsanayo la heystayaasha Israa’iil.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wax walboo aan ka ognahay – iyo waxa aynaan ka ogeyn – maxaabiistaas:
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal milatari oo saakay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale lagu qabsaday sida saraakiisha ciidamadu sheegeen 48 fariisimood oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Daacish.
Sida ay saraakiishu sheegeen, aroornimadii hore ee saakay ayaa howlgal qorsheysan lagu dilay dagaalyahanno ajaaniib ah.
War qoraal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ayaa lagu yiri “Ciidamada ammaanku waxay la wareegeen 48 fariisimood oo ay ku sugnaayeen kooxda IS, iyadoo dhowr dagaalyahan, oo ay ku jiraan ajaaniib, lagu dilay howlgallada ciidamada.”
Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisii saddexaad, iyadoo Puntland ay dadaal ugu jirto in kooxda Daacish laga xoreeyo deegaannada buuralayda Calmiskaad.
Si kastaba ha ahaatee, Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa u sheegay HOL in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu qaadan karo illaa afar sano.
Sarkaalka ayaa tilmaamay in awoodda kooxda Daacish aysan ahayn mid fudud, isagoo xusay in ku dhawaad laba kun oo dagaalyahan ajaaniib ah ay ku sugan yihiin buuraha Calmiskaad.
“Dhulka ay Daacish ku sugan tahay wuxuu masaafo ahaan gaarayaa in ka badan 400km. Ciidamada Puntland ayaa hadda ku sugan qiyaastii 80km oo ka mid ah aaggaas,” ayuu yiri sarkaalka.
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Wasiiro, odayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland oo maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa tagay magaalada Doolow halkaasi oo kulan kula yeesheen Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Dawladda Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo uu weheliyay Gudoomiyaha Dagmada Doolow, waxaana uu kadhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.
Waxaa xusid mudan in Dolow ay xayiraad dhanka duulimaadka ay kusoo rogtay Dowladda Soomaaliya, waxaana wafdigaan Kismaayo kasoo qaaday diyaarad gaar ah oo kasoo kicitintay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay xogaha sheegayaan.
Waftigaan waxa ay ka koobnayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubbaland, Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, iyo masuuliyiin kale.
Tvga Afka maamulka ku hadlo ayaa ku sheegay ujeedka socdaalka waftigaan ayaa ah inay xoojiyaan hawlaha ay wadaan masuuliyiinta horay ugu sugnaa degmada Doolow, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada gobolka Gedo.
Masuuliyiintan ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda iyo hay’adaha kale ee Jubbaland si loo xoojiyo amniga, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta gobolka Gedo.
Axad 19, Jan 2025 {HMC} WAR DEG DEG AH: Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo looga yeeray Muqdisho ka dib safarkii Axmed Madoobe
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Dibadbax ka dhan ah Donald Trump oo ka dhacay Maraykanka
Axad 1, Jan 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeeratay safiirkeedii u joogay Magaalada Niarobia ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.
U yeerista safiirka ayaa la sheegey in ay la xiriirto safar uu shalay Kenya ku tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo dowladdu ay saartay xannibaad dhanka socdaalka ah.
Faah faahin dheeri ah ma aysan bixin dowladda Soomaaliya iyo tan Kenyaba oo ku aadan safarka Axmed Madoobe ee Kenya.
Saraakiil sar sare oo dowladda Soomaaliya oo Ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in loo yeerey Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya si wadatashi loola yeesho.
Xiriirka dowladda federaalka ah iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilooyinkii u danbeeyay xumaa, waxaana dowladdu ay u jartey amar lagu soo xiraayo taasi oo ay Jubbalan uga jawaabtey amar kale oo madaxweynaha dowladda federaalka lagu soo xiraayo.
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Sheekh Caadle “Waxaa masuuliyad idiinka saaran tahay ilaalinta dalka, dadka iyo Diinteenna suuban.”
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Wafdi ka socdo Mamulka Puntland ayaa Kormeeray Maxjarka xoolaha Bosaaso.