Home Blog Page 1332

{DAAWO MUUQAALKA} Koror intee la,eg ayay sameysay miisaaniyadda dalka Sanadkii lasoo dhaafay.? Wasirka maaliyadda DF.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Koror intee la,eg ayay sameysay miisaaniyadda dalka Sanadkii lasoo dhaafay.? Wasirka maaliyadda DF.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Muxuu Fahad Yaasiin Ka Yiri Qilaafka Doowladda iyo Jubbaland?

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC}  Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin , ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku fashilmay dagaalkii uu kula jiray Axmed Madoobe, waxa uuna xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan laheyn kartideeda in uu la dagaallo ama la heshiiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

”Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu intaasi kusii daray Fahad Yaasiin” “Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado”

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ayaa kula taliyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in nabadda iyo colaada ay dhawdahay nabadda, waxa uuna xusay in dowladii hore uu katirsanaa aqbashay in xanuun ku noolaato si xal loo helo.

“Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

 

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaal Ciidan.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS. Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adda Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.

{DAAWO MUUQAALKA}Siddee beesha faramage samatalis ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Ugaas Yuusuf.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Siddee beesha faramage samatalis ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Ugaas Yuusuf.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Safarka Madaxweynaha Jubbaland iyo Qorshaha Dowlada Soomaaliya ay Wado.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Safarka Madaxweynaha Jubbaland iyo Qorshaha Dowlada Soomaaliya ay Wado.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madxaweyne Cirro oo Kormeeray Taliska Booliska Somaliland

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC}Madxaweyne Cirro oo Kormeeray Taliska Booliska Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Hirshabeelle oo Tababar Usoo xiray Ciidamadii ugu Badnaa Oo Daraawiish ah.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Hirshabeelle oo Tababar Usoo xiray Ciidamadii ugu Badnaa Oo Daraawiish ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {19-01-2024}

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow iyo Sahra Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 19-01-2025.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYN

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle oo Tababar Uso Xiray Ciidamo Cusub.

0

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta u soo gunaanuday tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee daraawiishta Hirshabeelle, kuwaas oo qeyb ka noqonayo booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagu soo gabogabeynayey waxa kale oo goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo taliyaha ciidanka booliska maamulka Hirshabeelle.

“Adkeysi iyo dulqaad ayaad muujiseen muddadii tababarka, waxaa la joogaa waqtigii aad xaqiijin laheydeen amniga guud ahaan Dowladda Hirshabeelle. Waxaad aflaxdeen idinkoo agabkiinna idiin dhammeystiran yahay.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ,ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 askari oo maanta tababarka loosoo afmeeray inay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle, kana shaqeeyaan amniga guud ee Hirshabelle.