Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Howlgalada ka socda Hiiraan iyo Taliska Q-27 aad oo Ka hadlay
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Yabooh iyo Mucaarad ama Koox hormarka Soomaaliya Diiday”
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Gudoomiye Yabooh iyo Mucaarad ama Koox hormarka Soomaaliya Diiday”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Jawaahir Baarqab’ “Haweenka Soomaaliyeed waxay a midyihiin ciidaka qaranka ee Furinta jooga”
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Jawaahir Baarqab’ “Haweenka Soomaaliyeed waxay a midyihiin ciidaka qaranka ee Furinta jooga”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal Cusub oo Looga dhawaaqay Degmada Buulo Burde
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Howlgal Cusub oo Looga dhawaaqay Degmada Buulo Burde
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Ciro oo Booqday Taliska Guud ee Ciidamada Soomaaliland.
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Ciro oo Booqday Taliska Guud ee Ciidamada Soomaaliland.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Qaadashada Kaarka Aqoonsiga oo Si Rasmi ah Loo Bilaabay.
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Qaadashada Kaarka Aqoonsiga oo Si Rasmi ah Loo Bilaabay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO SAWIRADA} DFS oo gargaar deg-deg ah u dirtay Puntland.
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada Dowlad Gobolleedka Puntland.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.
Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hay’adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland, halka uu Guddoomiye Maxamuud si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka oo deeqdaan keentay dalka.
Ma aha markii ugu horreysay ee Hay’adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.


{DAAWO MUUQAALKA} Sarakiil ka tirsan cidamada Uganda oo maxkamad loo soo tagay shil diyaradeed oo ka dhacay Soomaaliya
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Sarakiil ka tirsan cidamada Uganda oo maxkamad loo soo tagay shil diyaradeed oo ka dhacay Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed oo Tababar La siiyay.
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo Markabka dagaalka SANTA MARIA F-81ee howlgalka Midowga Yurub ayaa sameeyey tababar kor loogu qaadayo aqoonta fulinta sharciga iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda.
Tababarka ayaa ka qabsoomay gudaha biyaha Soomaaliya, Ciidanka illaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya ayaa loo diyaariyey inay ka jawaabaan xaaladaha deg degga ah, sida la-dagaalka kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad badeedda iyo guud ahaan sugidda amniga badda.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb qaatay seddax kamid ah doomaha nooca howlgallada iyo diyaarad Helicpotar ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo maxkamad loo soo taagay shil diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya
Axad 18, Jan 2025 {HMC} Saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda ayaa lagu eedeeyay dayacaad la xiriirta shil diyaaradeed oo militari oo ka dhacay Soomaaliya Sebtembar 2024.
Diyaaradan oo nooca Helicopter-ka ah oo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxay burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeedday Garoonka Balidoogle, oo 90km dhinaca Waqooyi Galbeed kaga beegan Caasimadda Soomaaliya.
Afar kamid ah nabad ilaaliyaasha ATMIS ee la socday diyaaraddaas ayay dhaawacyo soo gaareen.
Col. George Buga Andruga, 51, Maj. Benjamin Kashumbusha, 43, iyo Lt. Henry Gygenda, 38, ayaa ka soo hor muuqday Maxkamadda Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Makindye ee Kampala January 15, 2025.
Saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay si taxadar la’aan ah u daabuleen diyaaradda AU0-004. Haddii lagu helo dambiga, waxay mutaysan karaan ciqaab dil ah.
Saraakiisha la eedeeyay ayaa beeniyay in ay wax khalad ah sameeyeen intii ay socotay dhageysiga dacwadda oo uu guddoominayay Brig. Gen. Robert Freeman Mugabe.
Afhayeenka ciidamada Uganda Gen. Felix Kulayigye ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Uganda ay sameeyeen baaritaanno ay ku ogaanayaan in burburka diyaarada uu ka dhashay cillad farsamo, qalad bani’aadanimo, ama shirqool cadow.



