Home Blog Page 1336

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Ciro Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Somaliland.

0

Sabti 18 Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamadda Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka Qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka Qaranka ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, “Waxa aan maanta go’aansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa Qaranka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada Qaranka inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,“Inkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.”

Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 18-01-2025

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Sheekh Shariif oo ku Hanjabay in Xisbiga Himilo Qaran ay Doorasho qabsan doontaa.

0

Sabti 18 Jan 2025 {HMC} Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay in doorasho hal dhinac ay damacsan tahay Dowladda Soomaaliya taa uu ku tilmaamay mid xilligaan aan ka dhaqan galaynin Dalka, waxaana uu ku baaqay in wada hadal laiskaga yimaado nooca doorasho ee dalka loo jiheenayo.

Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan damaca Dowladda ee ah in Doorasho hal dhinac ah ay ka qabato Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xisbi kaligiis haduu doorasho qabsado ay Himilo Qaranna ay Doorasho qabsan doonto.

Waxa uu Sheekh Shariif markale ku celiyay in la doono Maamulada Jubaland iyo Puntland taa oo ay ku imaan karto tallo loo wada dhan yahay in Doorasho ay uga qabsoomto guud ahaan Dalka.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday nidaamka hub ka dhigista Siyaasiyiinta waxaana uu tilmaamay in Shaqsi waliba uu dano gaar ah iyo baahi gaar ah uu hubka u wato isagoo ku micneeyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu waardiyeenayo gawaari Qufulan ayna ciidamo Midowga Afrika ay ilaalinayaan.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya iyadoo muran xoogan uu wali ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa Sanadka soo socda inkastoo Dowladda ay ku adkeesanayso inay qabanayso doorasho Qof iyo Cod ah.

 

Maraykanka oo Loo Soo Jeediyay in Ay Xafiis Dibulumaasiyadeed Ka Furato Soomaaliland.

0

Sabti 18 Jan 2025 {HMC} Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada Maraykanka u Qaabilsan Ka Hortagga Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, ayaa soo jeedisay in Maraykanku uu xafiis dibulumaasiyadeed ka furto Somaliland, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.

“Tallaabadani waa mid muhiim u ah horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, iyo ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha,” ayaa lagu yidhi warqad uu golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddida, John Moolenaar, oo 15-ka bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.

Guddidu waxay sheegtay in haddii uu Maraykanku Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, ay suuragal tahay inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keento inuu isagu awood ku yeesho gobolka.

2 sano ee u dambeeyay Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa loo gudbiyay xeerar tilmaamaya in Washington ay si gaar ah ula shaqayso Hargaysa, xeerkaas oo uu goluhu meelmariyay.

Sidoo kale, waxa dhawaan loo gudbiyay xeer ay xildhibaannada qaar rabaan in Somaliland loogu aqoonsado dal madax bannaan.

Waxa kordhay dadaallada ay xildhibaannada qaar iyo dad saamayn ku leh siyaasadda Maraykanku ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh kula yeelato Somaliland, kadib safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Maraykanka 29, March, 2022.

Safarkaas ayuu Biixi golayaasha Maraykanka ugu faahfaahiyay muhiimadda xidhiidhka labada dhinac. Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa ka cabsi qabta in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Toogasho Lagu Dilay Garsoorayaal maxkamaded oo ka dhacday Iran

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Toogasho Lagu Dilay Garsoorayaal maxkamaded oo ka dhacday Iran

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Askari Kenyan ah oo 9 sano kadib la kulmay Qoyskiisa

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Askari Kenyan ah oo 9 sano kadib la kulmay Qoyskiisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Dagaalkii Calaag ka dhacay oo Sababay Khasaaro farabadan.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyey Dagaalkii Calaag ka dhacay oo Sababay Khasaaro farabadan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Foreign Affairs Minister welcomes Director General of the Somali Norwegian Chamber of Commerce.

0

Saturday 18, Jan 2025 {HMC} The Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E Ahmed Mohamed Fiqi, welcomed the Director General of the Somali Norwegian Chamber of Commerce, Mr. Mohamed Abdulqadir, at his office. The meeting was also attended by Mr. Ibrahim Guure Mohamed, Director of the Diaspora and Expatriate Affairs Department of the Ministry of Foreign Affairs.

During the meeting, the Minister accepted an invitation from the Somali Norwegian Chamber of Commerce to attend the opening ceremony of the Somali Norwegian Business Summit. This landmark event is jointly organized by the Somali Norwegian Chamber of Commerce, the Diaspora and Expatriate Affairs Department of Somalia’s Ministry of Foreign Affairs, and Norway’s Ministry of Foreign Affairs.

Minister Fiqi commended the efforts of the Somali Norwegian Chamber of Commerce to strengthen economic and cultural ties between Somalia and Norway. He expressed optimism about the potential of the upcoming international Somali Diaspora Summit, scheduled to take place later this year in Oslo, Norway, as a platform for fostering collaboration and innovation among the Somali diaspora.

The meeting underscored Somalia’s commitment to deepening its economic and diplomatic partnerships with Norway and enhancing engagement with the Somali diaspora for mutual growth and development.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Gorgor Oo Howlgalo ka Bilaabay Gobolka Mudug.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Gorgor Oo Howlgalo ka Bilaabay Gobolka Mudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiisha Dowlada oo Amaro Culus Dul dhigay Shacabka Baladweyne.

0

Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Saraakiisha Dowlada oo Amaro Culus Dul dhigay Shacabka Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.