Axad 19, Jan 2025 {HMC}14 Sano kadib dad ku nool Waqooyi Bari oo la gaarsiiyay Adeega internet-ka.
{DAAWO MUUQAALKA} Xafladda Dhaarinta Trump oo laga dhigay gudaha Aqalka Congareeska
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Xafladda Dhaarinta Trump oo laga dhigay gudaha Aqalka Congareeska
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Howlgal ka dhan ah Sameecadaha saaran Bajaajyada oo maanta Muqdisho ka bilaawday”
Axad 19 Jan 2025 {HMC} Ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal ay ku beegsanayaan sameecadaha qeybta dambe ka saaran Mooto Bajaajyada.
Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkaayay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Mootooyinka ka dejinaya sameecadaha qeybta dambe ugu rakiban Bajaajta oo ay dhageystaan.
Wadayaasha Bajaajyada Muqdisho ayaa ka cabanaya talaabadaan looga dajinaayo sameecadaha u saaran mootooyinka oo ay ku dhageystaan waxyaabo u badan Musiga, iyagoona ku andacoonaya in sameecaduhu door muhiim ah ka qaatan in dadku soo raan mootooyinka.
“Inta badan dadka raaca Bajaajta waxay nagu soo raacaan sameecad inoo saaran mootada, haddii aysan saarneyn Mootada wax Sameecad ah ma kusoo raacaan, laamaha amaanka waxaan dhihi lahaa haka laabtaan go’aankaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Wadayaasha Bajaajta oo la hadlay Warbaahinta.
Ugu dambeyntii talaabadaan ciidanka Booliiska ku beegsanayaan sameecadaha saaran Bajaajyada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan duuleedka magaalada Muqdisho lagu qabtay gaari noociisu yahay Probox oo sameecad saarneyd lagu soo dhex qariyay waxbaayabaha qarxa.
Weerar Mindi Loo Adeegsaday oo Ka dhacay Tel Aviv
Axad 19 Jan 2025 {HMC} Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel, sida ay sheegeen booliiska magaaladaas.
Sida laga soo xigtay booliisku, baaritaan horudhac ah ayaa muujinaya in qof ku hubeysan mindi uu soo galay maqaayad wuxuuna tooriyeeyay qof rayid ah, kaasoo si xun u dhaawacmay.
Qof rayid ah oo hubaysan oo goobta ka dhawaa ayaa toogtay oo dhaawacay ninka weerarka soo qaaday, sida ay booliisku sheegeen inkastoo aan la faahfaahin waxa uu ahaa iyo halka uu ka yimid.
Itai Atias, oo ah afhayeenka adeegga degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA), ayaa sheegay in qofka la dhawacay oo da’diisu ay ahayd 20-sano ay mindidu ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, isaga oo intaa ku daray in la seexiyay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU).
Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo militariga ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza uu dhaqan geli doono 8:30 subaxnimo (1:30am ET) ee beri subax oo Axad ah.
“IDF waxay isku diyaarinaysaa inay qaabilaan la haystayaasha ka dib markii laga sii daayo afduubkii Xamaas waxayna u shaqaynaysaa inay bixiso taageero jireed iyo mid maskaxeed oo ku haboon, iyada oo si taxadar leh loo eegayo faahfaahin kasta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israel (IDF).
Benjamin Netanyahu” Oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay dib u bilawdo dagaalka”
Axad 19 Jan 2025 {HMC} Raisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay dib u bilawdo dagaalka ay kula jirto Xamaas haddii uu burburo heshiiskii xabad joojinta la haystayaasha ee ay kula jirtay kooxda.
Khudbad laga sii daayay telefishinka oo laga sii daayay saacado ka hor inta aan xabad joojinta la billaabin subaxnimada Axadda, Netanyahu ayaa bogaadiyay heshiiska, kaasoo uu sheegay inuu uga mahad celinayo labada maamul ee Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Raisul Wasaaraha, oo wajahaya duufaan siyaasadeed oo sii kordheysa oo ku hareeraysan heshiiska Israel ay gashay ayaa wacad ku maray inuu gaari doono dhammaan yoolalka dagaalka oo uu qof walba ku soo celin doono gurigiisa.
“Heshiiskani marka ugu horraysa waa natiijada geesinimada Ciidankeena dagaalka ku jira, sidoo kale waa natiijadii aan ku adkaysanay danaha muhiimka ah ee Israa’iil. Joogsi adag oo lagu wajahayo cadaadisyo culus, labadaba gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri Netanyahu.
Ra’iisul wasaaraha ayaa uga digay Xamaas inay jebiso shuruucda heshiiska.
Netanyahu wuxuu sheegay in Biden iyo Trump labaduba ay ku heshiiyeen inay taageeraan “xaqa ay Israel u leedahay inay ku soo laabato dagaalka” haddii Xamaas ay u hoggaansami weydo heshiiska. “Aad ayaan uga mahadcelinayaa taas,” ayuu yiri.
“Haddii aan u baahanahay inaan ku soo laabano dagaalka, waxaan ku sameyn doonaa siyaabo cusub, waxaana ku sameyn doonaa xoog weyn,” Netanyahu ayaa yiri.
{DAAWO MUUQAALKA} Xabbad-joojinta oo saaka 8:30 ka dhaqan galeysa Gaza
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Xabbad-joojinta oo saaka 8:30 ka dhaqan galeysa Gaza
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Maraakiibta Shisheye oo Sanadki lasoo Dhaafay Xaalufin Xoogan ka Sameeyey Xeebaha Soomaaliya
Axad 19, Jan 2025 {HMC} Maraakiibta Shisheye oo Sanadki lasoo Dhaafay Xaalufin Xoogan ka Sameeyey Xeebaha Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Magaalooyinka ugu horreeyo ee madaxweyne Trump ka bilaabayo musaafurinta oo la ogaaday
Axad 19, Jan 2025 {HMC Magaalooyinka ugu horreeyo ee madaxweyne Trump ka bilaabayo musaafurinta oo la ogaaday
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO SAWIRADA} Hub iyo Gaadiid u socday AS oo Lagu qabtay Duleedka Baladweyne.
Sabti 18 Jan 2025 {HMC} Taliska guutada 5aad ee qeybta 27aad ciidanka XDS ayaa maanta lagu soo bandhigay 13 K47 ah iyo gaari yar oo lagu qabtay duleedka degaanka baar dheere ee katirsan gobalka hiiraan.
Hubkan iyo gaariga ayaa usocday argagixizada waxana kawar hayay geesiyaasha ciidanka XDS oo hayay waxana maanta howlgal ay ciidanku sameeyeen usuurata gadhay in laqabto hunkan iyo gaariga .
Taliyaha guutada 5aad ee qeybta 27 aad Ciidanka XDS Col maxamuud Hasan iybrahim (Bakay) oo warbahinta kulahadlay magalada baladweyn ayaa umahad ciliyay ciidanka XDS ee gacanta kusoo dhigay wadaha gaariga hubka saaran ee argagixizada usocday.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {18-01-2024}
Sabti 18, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow
Farsamadii ::Abdiqani Osoble



