Home Blog Page 1334

Akhriso: Maxaa Kasoo Kordhay Xaalada Gaalkacyo oo Xalay ku Hoyatay Dagaal

0

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa Saaka deggan, kaddib markii xalay si weyn loo xakameeyay xiisad laga dareemay xaafadaha Garsoor iyo Wadajir, taasi oo salka ku haysay colaadda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug oo is kaashanaya ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan xiisaddii xalay laga dareemay Xaafadaha Garsoor iyo Wadajir ee Gaalkacyo, kaddib markii ay dadaal xooggan ku bixiyeen dejinta xaaladda, islamarkaana si wadajir ah ciidamo loo geeyay inta u dhexaysa labada xaafadood.

Xiisadda Gaalkacyo ayaa bilaabatay, kaddib markii xalay dabley hubaysan oo ka soo jeeda dhinaca Puntland ay rasaas huwiyeen xaafadda Wadajir ee dhinaca Galmudug, taasi oo la sheegay in ay salka ku haysay colaad beeleed soo noq-noqotay oo dhawaanahan ka aloosan degaannada galbeedka Gobolka Mudug.

Xakamaynta Xiisaddii laga dareemay Gaalkacyo ayaa muujisay heerka bisaylka Shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo oo si aad ah u ilaashanayaan nabadda iyo xasiloonida magaalada iyo sidoo kale dadaalka labada maamul oo si wadajir ah iska kaashanaya nabadda.

Tiktok oo Laga Saaray Hawada Dalka Mareykanka

0

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Barta bulshada ee Tiktok, ayaa hawada dalka Mareykanka ka baxday , saacado kahor inta aan la gaarin dhaqangelinta sharciga cusub ee guud ahaan dalkaasi looga mamnuucayo in laga isticmaalo barta sida weyn dhallinyarada u isticmaalaan ee Tiktok.

Dadka ku dhaqan dalka Mareykanka , ayaa markii ay isku dayeen isticmaalka barta Tiktok, ku guuldareestay in ay galaan , waxaana gabi ahaan hawada ka baxay bartaasi oo ay isticmaali jireen malaayiin qof oo reer Mareykan ah.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa saacado kahor sheegay inay u badan tahay inuu TikTok siiyo muddo 90 maalmood ah intaan la mamnuucin marka uu xilka qabto maalinta berri oo Isniin ah.

Barta TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gudaha dalka Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil, kuwaas oo adeegsada abka shirkaddan , waxaana dadka isticmaala u badan dhallinyarada , kuwaa oo si weyn ugu xiran.

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug oo Sare u qaadeyso Wax Soo saarka Beeraha Gaalkacyo

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Galmudug oo Sare u qaadeyso Wax Soo saarka Beeraha Gaalkacyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxa dacwad oogaha Maxkamadda ICC oo la kulmay hogaamiyaha cusub ee Suuriya.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Madaxa dacwad oogaha Maxkamadda ICC oo la kulmay hogaamiyaha cusub ee Suuriya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Aadan Maxamed Cilmi Oo Hay’adaha Amaanka Baladweyne ka Raali galiyay eedeyn uu ujeediyay.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC}Aadan Maxamed Cilmi Oo Hay’adaha Amaanka Baladweyne ka Raali galiyay eedeyn uu ujeediyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadow

Farsamadii ::Muse Ali Herrew

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} 14 Sano kadib dad ku nool Waqooyi Bari oo la gaarsiiyay Adeega internet-ka.

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC}14 Sano kadib dad ku nool Waqooyi Bari oo la gaarsiiyay Adeega internet-ka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Xafladda Dhaarinta Trump oo laga dhigay gudaha Aqalka Congareeska

0

Axad 19, Jan 2025 {HMC} Xafladda Dhaarinta Trump oo laga dhigay gudaha Aqalka Congareeska

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Howlgal ka dhan ah Sameecadaha saaran Bajaajyada oo maanta Muqdisho ka bilaawday”

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal ay ku beegsanayaan sameecadaha qeybta dambe ka saaran Mooto Bajaajyada.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkaayay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Mootooyinka ka dejinaya sameecadaha qeybta dambe ugu rakiban Bajaajta oo ay dhageystaan.

Wadayaasha Bajaajyada Muqdisho ayaa ka cabanaya talaabadaan looga dajinaayo sameecadaha u saaran mootooyinka oo ay ku dhageystaan waxyaabo u badan Musiga, iyagoona ku andacoonaya in sameecaduhu door muhiim ah ka qaatan in dadku soo raan mootooyinka.

“Inta badan dadka raaca Bajaajta waxay nagu soo raacaan sameecad inoo saaran mootada, haddii aysan saarneyn Mootada wax Sameecad ah ma kusoo raacaan, laamaha amaanka waxaan dhihi lahaa haka laabtaan go’aankaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Wadayaasha Bajaajta oo la hadlay Warbaahinta.

Ugu dambeyntii talaabadaan ciidanka Booliiska ku beegsanayaan sameecadaha saaran Bajaajyada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan duuleedka magaalada Muqdisho lagu qabtay gaari noociisu yahay Probox oo sameecad saarneyd lagu soo dhex qariyay waxbaayabaha qarxa.

Weerar Mindi Loo Adeegsaday oo Ka dhacay Tel Aviv

Axad 19 Jan 2025 {HMC} Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel, sida ay sheegeen booliiska magaaladaas.

Sida laga soo xigtay booliisku, baaritaan horudhac ah ayaa muujinaya in qof ku hubeysan mindi uu soo galay maqaayad wuxuuna tooriyeeyay qof rayid ah, kaasoo si xun u dhaawacmay.

Qof rayid ah oo hubaysan oo goobta ka dhawaa ayaa toogtay oo dhaawacay ninka weerarka soo qaaday, sida ay booliisku sheegeen inkastoo aan la faahfaahin waxa uu ahaa iyo halka uu ka yimid.

Itai Atias, oo ah afhayeenka adeegga degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA), ayaa sheegay in qofka la dhawacay oo da’diisu ay ahayd 20-sano ay mindidu ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, isaga oo intaa ku daray in la seexiyay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU).

Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo militariga ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza uu dhaqan geli doono 8:30 subaxnimo (1:30am ET) ee beri subax oo Axad ah.

“IDF waxay isku diyaarinaysaa inay qaabilaan la haystayaasha ka dib markii laga sii daayo afduubkii Xamaas waxayna u shaqaynaysaa inay bixiso taageero jireed iyo mid maskaxeed oo ku haboon, iyada oo si taxadar leh loo eegayo faahfaahin kasta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israel (IDF).