Home Blog Page 1348

Kooxdii qabsatay markabkii kalluumaysi ee laga lahaa Shiinaha oo iska fogeeyay inay yihiin Burcad badeed.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Mid kamid kamid ah kooxdii qabsatay markabkii kalluumaysi ee laga lahaa dalka Shiinaha ee maalmo ka hor lasii daayay, ayaa iska fogeeyay inay yihiin Burcad badeed.

“Ma nihin budhcad-badeed, ma nihin dambiilayaal. Waxaan nahay bulsho go’doonsan,” ayuu yiri Liibaan, oo Aljazeera khadka taleefoonka kula hadlayay xilli uu saarnaa dusha sare markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay oo ay gacanta ku dhigeen bishii December ee sannadkii hore.

Liibaan ayaa ku eedeeyay maraakiibta Ajaanibta ah inay inta badan kalluumeysi sharci darrada ah ka wadaan xeebaha Soomaaliya, iyagoo xaalufinaya kheyraadka badda, islamarkaaasna wasakheeynaya xeebaha, taasoo khatar ku ah nolosha kalluumaysatada deegaanka.

“Wayna na toogtaan, waxay burburiyaan doomahayaga, waxayna naga hor istaagaan quudinta qoysaskeena,” ayuu yiri Liibaan, isagoo muujiyay xaalada xun ee soo food saartay kalluumaysatada deegaanka.

25-kii November Liibaan iyo kooxdiisu ayaa qaaday weerar afduub ah. Ka dib toddobaadyo ay dabagal ku hayeen markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo ka howlgalayay meel 3.2km oo keliya u jirta xeebta Garmaal.

Saddexdii subaxnimo, ayuu sheegay inay fuuleen markabka. Askartii Soomaalida ahayd ee ilaalinaysay markabka ayuu sheegay inay si degdeg ah isugu soo dhiibeen, isagoo sheegay inay ku sameeyeen hub ka dhigis.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya Iyo Caalamka 16-01-2025.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY  

Madaxweyne Trump oo isku dayaya inuu badbaadiyo Aaladda TikTok.

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Mike Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isla markaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee la-taliyaha amniga qaranka, ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha cusub uu sahminayo siyaabo TikTok ay uga sii jiri karto Mareykanka.

Waltz ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey weriyaha Fox News Bret Baier, kadib markii Baier uu waydiiyay warbixin lagu daabacay The Washington Post oo sheegtay in Trump uu ka fakarayo inuu soo saaro amar madaxweyne si uu hakad u geliyo dhaqan-gelinta sharci federaal ah oo laga yaabo inuu ka mamnuuco TikTok guud ahaan dalka Axadda soo socota.

Todobaadkii hore, Maxkamadda Sare ayaa dhageysatay doodaha sharci ee dacwad ay gudbiyeen TikTok, shirkadda leh ee ByteDance ee Shiinaha, iyo dadka isticmaala.

Garsoorayaasha ayaa u muuqday kuwo ay u badan tahay inay taageeraan sharcigaas, kaas oo shirkadda ByteDance ku amraya inay iibiso TikTok sababo la xiriira amniga qaranka, haddii kale ay wajihi doonto in laga mamnuuco Mareykanka.

“Haddii Maxkamadda Sare ay soo saarto go’aan taageersan sharciga, Madaxweyne Trump warkiisa wuu cad yahay: Marka hore, TikTok waa bar aad u wanaagsan oo ay isticmaalaan dad badan oo Mareykan ah, waxayna door muhiim ah ka qaadatay ololihiisa iyo faafinta fariintiisa. Marka labaad, wuxuu ilaalin doonaa xogtooda,” ayuu yiri Waltz.

“Waa qof heshiisyo sameyn kara. Ma rabo inaan ka hordhaco amarrada madaxweyne, laakiin waxaan abuuri doonnaa fursad lagu dhammaystiro heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Arbacadii, Pam Bondi oo ah Trump u xushtay in ay noqoto xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa ka meer-meertay su’aal la weydiiyay intii lagu guda jiray dhageysi Senate-ka oo ku saabsaneyd inay taageeri doonto mamnuucista TikTok.

Trump ayaa bedelay mowqifkiisa ku aaddan TikTok kadib markii uu isku dayay inuu mamnuuco intii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisii hore, sababo la xiriira amniga qaranka.

Intii lagu jiray ololihiisa doorashada 2024, Trump ayaa ku biiray TikTok, kooxdiisana waxay u adeegsadeen si ay ugu xirmaan cod-bixiyeyaasha da’da yar, gaar ahaan ragga dhalinyarada ah, iyagoo faafinayay muuqaallo ujeedkeedu ahaa inay si weyn u faafaan.

Wuxuu ballan qaaday inuu “badbaadin doono TikTok” intii lagu jiray ololaha, wuxuuna u mahadceliyay bartan isagoo sheegay inay ka caawisay kasbashada codadka dhallinyarada.

SOURCE  VOA

{DAAWO MUQAALKA} Waab-weyn oo Geel laga waraabinayo iyo dhaqashada Geela Baadiyaha.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Waab-weyn oo Geel laga waraabinayo iyo dhaqashada Geela Baadiyaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Cali Gudlaawe oo daah-furay mashruuca daryeelka bulshada nugul

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Cali Gudlaawe oo daah-furay mashruuca daryeelka bulshada nugul

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamza

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamza

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka ka dhacay Deegaanka Xalaalaay ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiye Muuse oo Gaaray Jiida Hore.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC}  Dagaalka ka dhacay Deegaanka Xalaalaay ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiye Muuse oo Gaaray Jiida Hore.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Xamar waa inay ka amni fiicnaataa Roma, Nairobi iyo Itoobiya” Taliye Macalin Mahdi

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Xamar waa inay ka amni fiicnaataa Roma, Nairobi iyo Itoobiya” Taliye Macalin Mahdi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} RW Xamse “Waa in aan Musliminaa Xeerka Ciqaabta Soomaaliyed”

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} RW Xamse “Waa in aan Musliminaa Xeerka Ciqaabta Soomaaliyed”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo war ka soo saartay heshiiska xabbad joojinta ah ee XM iyo Israel.

0

Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} DFS oo war ka soo saartay heshiiska xabbad joojinta ah ee XM iyo Israel.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.