Home Blog Page 1356

SoDMA Assists 120 Vulnerable Families Affected by La Niña Drought

0

Wednesday 15,Jan,2025 {HMC} The Somali Disaster Management Agency (SoDMA) has provided critical assistance to 120 families in Ceelka Daboole, near the Guriel district. The beneficiaries included vulnerable groups such as the poor, orphans, and those severely impacted by the ongoing La Niña drought.

The assistance was part of SoDMA’s ongoing efforts to address the devastating effects of drought across the region, which has left many families struggling to meet their basic needs. The support delivered to Ceelka Daboole aimed to alleviate the challenges faced by these families during this difficult time.

The affected families expressed heartfelt gratitude to SoDMA for the timely intervention, which they said had provided much-needed relief and hope.

SoDMA continues to prioritize vulnerable communities and remains committed to coordinating efforts to mitigate the impact of droughts and other disasters across Somalia. Through partnerships with government institutions and international agencies, SoDMA aims to build resilience and improve livelihoods for affected populations.

Somali Prime Minister commends Puntland forces for progress against ISIS.

0

Wednesday 15,Jan,2025 {HMC} Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre has praised the Puntland Dervish forces for their ongoing military operation to dismantle ISIS hideouts in the mountainous Bari region.

Speaking in Mogadishu on Tuesday, Prime Minister Barre expressed his government’s readiness to support Puntland’s efforts to defeat ISIS. “The Somali Armed Forces and the Ministry of Defense are prepared to provide any necessary assistance to ensure the success of Puntland’s operations against ISIS,” he said.

The Federal Ministry of Information also lauded the people of Puntland for their solidarity with the security forces engaged in the operation. In a statement, the ministry acknowledged the sacrifices made by Puntland forces and offered condolences to the families of fallen soldiers.

“The government sends prayers to the martyrs who have given their lives in defense of the country, its people, and religion. We extend condolences to their families and the Somali people. The Khawarij groups of ISIS and Al-Shabaab are equal enemies of Somalia, and we must unite to eradicate them,” the statement read.

The Puntland forces have reported considerable success in their recent offensive, which has inflicted heavy casualties on ISIS militants. On Monday, Puntland authorities confirmed the killing of several ISIS fighters and the seizure of eight terrorist outposts during operations in the Al-Miskat mountains of the Bari region.

Iraqi and Somali Interior Ministers discuss security cooperation in Baghdad

0

Wednesday 15,Jan,2025 {HMC} Iraq’s Interior Minister, Abdul Amir Al-Shammari, met with Somali officials to discuss a proposed security memorandum of understanding.

During a joint press conference with his Somali counterpart Abdullahi Sheikh Ismail in Baghdad, Al-Shammari revealed that they discussed Somalia’s request for consultancy, training, and experience-sharing in combating terrorism, particularly against groups like Al-Qaeda and ISIS, which continue to operate in Somalia.

Al-Shammari expressed Iraq’s readiness to provide comprehensive support, including training and organizational expertise, to help Somalia address its security challenges, praising Somalia’s efforts to establish security and stability in the country.

For his part, Somalia’s Interior Minister described his visit to Baghdad as successful, noting that he met various officials within Iraq’s Interior Ministry and toured the Border Guard Command to review ongoing efforts.

“We will also visit other units, including intelligence and counter-narcotics,” Ismail added.

Ismail emphasized Somalia’s need to benefit from Iraq’s experience in counter-terrorism, border protection, and combating drug trafficking.

He further extended his gratitude to Iraq for its commitment to providing necessary support to enhance Somalia’s security.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay yihiin Diyaaradaha Puntland ay soo Bandhigtay ee laga qabsaday Kooxda Daacish.?

0

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Maxay yihiin Diyaaradaha Puntland ay soo Bandhigtay ee laga qabsaday Kooxda Daacish.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.01.2025}

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dowladda Federaalka oo Puntland ku ammaantay howlgalka ka dhanka ah Dacish

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta y Tiyaatartka Qaranka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish.

Xamza ayaa si weyn u taageeray howlgallada ka socda gobolka Bari, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland u dhaqaaqay buuraha ay ku jiraan xubnaha Daacish.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumaddiisay ay garab taagan tahay Puntland, isla-markaana taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay.

“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Shalay dowladda dhexe oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa Puntland iyo shacabkeeda ku boggaadisay dagaalka ay u jiheysteen, si ay isaga xoreeyaan kooxaha argagixisada.

“Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda dhexe.

Puntland ayaa howlgalkan oo ka socda gobolka Bari ugu magacab dartay Hilaac, waxaana ujeedka uu yahay in dhulka buuraha looga saaro maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay in tallaabo laga qaadayo Masuuliyiinta ku xad-gudba…

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

“Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumar.

Qodobada Heshiiska xabbad-joojinta Gaza iyo xogo dheeraad ah

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Duniddu waxay sugaysaa ku dhawaaqista xabbad-joojinta taariikhiga ah ee Qasa iyo heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loo soo afjaro 466 maalmood ee duullaan xasuuqa ay Telaabiib ka wado dhulka Falastiiniyiinta ee marinka Qasa.

Marxaladaha heshiiska;

Heshiisku waxa uu u furmi doonaa saddex waji, mid walbana waxa uu socon doonaa 42 maalmood. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay ka xaajoonayso in heshiiska lagu koobo laba waji, sida ku cad qoraal qabyo ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Anadolu.

* Marxaladda 1: Tallaabooyinka bani’aadamnimada

Marxaladdan ayaa socon doonta muddo 42 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa sii deynta 33 maxbuus oo Israa’iili ah oo ay gacanta ku heyso Xamaas, kuwaas oo isugu jira kuwo nool iyo kuwa dhintay, oo ay ku jiraan haween, waayeel iyo dad xanuunsan.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhanka kale isaga bixi doona deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Qasa oo ay maamullaan.

Sii-deynta ugu horreysa ee maxaabiista Israa’iil ayaa dhici doonta toddobo maalmood ka dib markay xabbad-joojintu billaabato.

Madaxweynihi hore ee Kuuriyada Koofureed oo la xiray

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah lasoo xiray madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol.

Xariga Yoon ayaa yimid saacado kaddib marki ay boqollaal ka mid ah baarayaasha waaxdan iyo saraakiil boolis ay galeen hoyga Yoon Suk Yeol. Wuxuu ahaa iskudaygi labaad ee ay ciidamada boolisku ku galaan guriga madaxweynihi hore.

Kolonyo gaadiidka booliska oo kasii baxaya guriga madaxweynihi hore ayaa laga arkay muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Yoon ayaa muddo todobaadyo ah diidaanaa in uu isu dhiibo ciidamada hey’adda la dagaalanka musuqa ee Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo ku soo oogay dacwado la xiriira musuq maasuq iyo isku day afganbi, hase yeeshee qareennadiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa is hor taagay xariga madaxweynihi hore.

Yoon Suk Yeol ayaa 3-di bishaan December dul dhigay waddanka Kuuriyada Koofureed amar deg deg ah, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa meesha ka saari lahaa xakunka madaniga ah, awoodda baarlamaanka iyo booliska, taladana ku koobi lahaa kaliya madaxweynaha.

Hase yeeshee shacabka iyo baarlamaanka ayaa taasi diiday, waxana ay keentay in saacado kaddib uu ka laabto go’aankaasi.

Baarlamaanka ayaa ugu danbeyntii xilka ka xayuubiyay madaxweynihi hore.

{DAAWO MUQAALKA} Xamsa Cabdi Barre“Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanyahay”.

0

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC} Xamsa Cabdi Barre“Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanyahay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.