Home Blog Page 1362

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Duqeeyn dad Lagu dilay oo ka dhacday Nigeria

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Duqeeyn dad Lagu dilay oo ka dhacday Nigeria

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland ma ka adkaan kartaa Kooxda Daacish?

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}  Puntland ma ka adkaan kartaa Kooxda Daacish?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Shir saddex geesood ah ay martigalin doonto Magaalada Muqdisho.

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka Asmara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo Axaddii kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa arrintaan isla gaaray, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Kulankaas ayaa u daarnaa sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahaayeen fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.

Kulanka Qaahira ayaa waxaa marti-galiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyadoo uu ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibeadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed.

Wasiirrada ayaa markaas si gaar ah uga wada-hadlay amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo weliba taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyey in kulanka labaad ee saddex geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin.

Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.

Shirka Asmara oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii Somaliland, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.

Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu si qoto dheer u faaqidi doono hirgelinta heshiisyada iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda gobolka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.01.2025}

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray Weerarkii xalay ka dhacay Magalada Muqdisho.

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo xalay laga maqlay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Booliska ay sheegeen in wixii la maqlay ay ahaayeen miinooyin been abuur ah.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayo in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho.

War saxaafadeedka Booliska ayaa lagu yiri “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam.”

Booliska ayaa waxa ay tilmaameen in Miinooyinkaas ay xaqiijiyeen inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan geeysan wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Dagaal mar kale dhex-maray ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal xooggan u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal,iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland.

Afhayeenka, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaaniib, afar ka mid ah ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, saddex kalena ay ka dhaawacmeen, kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay.

Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlay dagaalka.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd, laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah, ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Abdul Qadir Mumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta “Khaliifka” ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh.

Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Abdul Qadir Mumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay weerar xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Labo jug oo xoog leh ayaa xalay laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen.

Sida ay ilo wareedyo dhanka amniga ah u sheegeen warbaahinta, jugta la maqlay waa weerar kooxda AS ay ku qaaday degmada Daarusalaam.

Koox ka tirsan AS ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee Boolis-Militeri ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam.

Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen.

Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda.

Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah.

Is-rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay ayaa goor dambe joogsatay, waxaana la sheegay in dhica degmada Deyniile ay u baxsadeen raggii weerarkaas geystay oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin.

Tiktok oo laga xirayo Mareykanka iyo codsi ka yimid Trump…..

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajisay inay diiddi doonaan codsi uga yimid
madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump si looga hortago mamnuucida barta bulshada ee loo yaqaan TikTok.

Shirkadda Tiktok ayaa horey loogu sheegay in la xiri doono haddii aysan iibin shirkadda ByteDance ee iska leh bartan ugu dambeyn maalinta Axadde ee 19 bishan Jannaayo,2025, hasa ahaatee shirkadda ayaa iska diiday in ay iibiso waxa ayna ku adkeysatay mowqifkeedii hore ee ahaan in aysan iibin doonin.

Madaxweyne Trump ayaa uga mahadceliyay TikTok inay door weyn ka qaadatay ololihiisa doorashada uu ku guuleystay markii laga mamnuucay baraha kale, waxa uuna hadda iskudayaya dadaalna ku bixinayaa in la joojiyo go’aanka looga mamnuucayo gudaha Mareykanka , taasi uma muuqato inuu ku guuleysan karo , iyadoo ugu dambeyn Axadda toddobaadka dambe laga saari doono barta TikTok dhammaan adeegyada telefoonnada oo App Store ku jiro ee gudaha Mareykanka.

Isla Trump , ayaa ah qofka furay faylka dacwada ka dhanka ah Tiktok muddo xileedkiisii hore, isagoo ku eedeyay shabakad la shaqeysa sirdoonka Shiinaha, wixii intaa ka dambeeyay shirkadda Shiinaha ee iska leh bartan ayaa lagu cadaadiyay inay ka iibiyo shirkad ama qof Mareykan ah si ay uga dhex shaqeyso gudaha Mareykanka, taa oo ay diidday shirkadda ByteDance.

{DAAWO MUQAALKA} Goormaa la Dhisay Gurigii ugu Horeeyay ee laga Dhiso Halgan?

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Goormaa la Dhisay Gurigii ugu Horeeyay ee laga Dhiso Halgan?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ku dhacay Garaad Jaamac Markii uu is yiri Deegaanada SSC ka gala dhinaca Jigjiga ee DDS.?

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Maxaa ku dhacay Garaad Jaamac Markii uu is yiri Deegaanada SSC ka gala dhinaca Jigjiga ee DDS.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA