Home Blog Page 1364

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay hanaanka kamid noqoshada Guddiga Tacliinta Qaranka Soomaaliya.

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda waxbarashada iyo Hidaha tacliinta Sarre ee Dalka ayaa lagu cadeeyay in fursadaan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa bayaankeedi ku faah faahisay waajibaadka Guddiga oo ay noqon doonaan, Dejinta siyaadaha qaran ee Tacliinta Sare, oo la jaangaadi kara ujeeddooyinka guud ee Qorshaha Qaranka, Ka talabixinta horumarinta Tacliinta Sare iyo ku xirideeda baahida suuqa, Dejinta halbeegyada qarán ee ogolaanshaha baraamijta kala duwan ee hay’adaha Tacliinta Sare.

Waajibaadka Guddigaan waxaa qeyb ka ah, Korjoogtaynta siyaasadaha dowladda, ee ku aadan Tacliinta Sare, Qiimaynta shaqa gudashada hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, Fududaynta iskuxirka Hay’adaha Tacliinta Sare, Dejinta xeerarka qaran ee khuseeya Tacliinta Sare, Korjoogtaynta xinirka dibadda ee hay’adaha Tacliinta Sare, iyo

Dejinta qorshayaasha fog ee iskaashiga hay adaha Tacliin- ta Sare iyo kuwa caalamiga ah.

Shuruudaha xubinnimada Guddiga waxaa ka mid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo, iyo cilmibaarisyo hore.

Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare, gaar ahaan Qodobka 12aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada iyadoona codsiyada la xareyn doono illaa 30ka Janaayo 2025, waxaan a ay Wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA WASAARADA WAXBARASHADA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa dhaxmaray Gudoomiye Shuute iyo Askari u Shaqeynaayay AS oo Qarax Loo soo dhiibay?

0

Isniin, 13, Jan,2025 {HMC} Askari Qarax ku Xasuuqi Rabay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Sacuudiga oo bacraminayo uraniumka Nukliyeerka.

0

Isniin, 13, Jan,2025 {HMC} Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan, ayaa sheegay Isniinta maanta ah in in boqortooyada ay qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan, oo ay ku jirto iibinta uranium-ka.

“Waan bacramin doonnaa, waana iibin doonnaa, waxaana samayn doonnaa ‘doolshada huruudka ah,’” ayuu Amiir Cabdulcasiis ka sheegay shir ka dhacay Dhahran, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka.

Maadadan ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay.

Sacuudi Carabiya waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka.

Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho.

Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso.

Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay.

Boqortooyada ayaa sheegtay sannadkii hore inay qorsheyneyso inay meesha ka saarto kormeerka fudud ee ay hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, ayna u wareegto kormeer caadi ah dabayaaqada 2024-ka.

Riyadh weli ma shidin warshadeedii ugu horreysay ee Nukliyeerka, taas oo qasbeysa in barnaamijkeeda la kormeero iyadoo la raacayo hab-raaca SQP, oo ah heshiis ay la gashay Wakaaladda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah (IAEA) oo dalalka aan sidaa u horumarsanayn ka reebaya waajibaadyo badan oo warbixin iyo kormeer ah.

XIGASHO VOA

Qunsuliyadaha ku yaala Garowe iyo Hargeysa oo ay ka Heshiiyeen murankii ka taagnaa Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Isniin, 13, Jan,2025 (HMC) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyadaha Itoobiya ee ku yaalla Garowe iyo Hargeysa oo ay dowladda hadda ka hor amartay in la xiro.

Wasiir u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo wareysi siinayay VOA Soomaali, ayaa sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo qunsuliyadaha labada magaalo.

Dhawaan, Puntland ayaa sagootisay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Garowe, kaddib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu dhamaaday waajibaadkiisii shaqo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay qeyb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad u xumaaday.

Sanadkii la soo dhaafay , Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay Itoobiya in ay xirto Qunsuliyadaha ay ku leedahay Garoowe iyo Hargeysa, kadib markii ay ku eedaysay Itoobiya inay faragelin ku hayso madax-bannaanideeda.

Dowladda Itoobiya uma hoggaansamin amarka dowladda Federaalka Soomaaliya xiligaas ka soo baxay ee ahaa in la xiro labada qunsuliyadeed ee Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Maxaa Ka Jiro in Daacish Ciidamada Puntland u Adeegsadeen Diyaaradaha drone-Ka

0

Isniin, 13,Jan,2025 (HMC)  Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal xooggan u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal,iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaaniib, afar ka mid ah ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, saddex kalena ay ka dhaawacmeen, kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay.

Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlay dagaalka.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd, laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah, ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Abdul Qadir Mumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta “Khaliifka” ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh.

Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Abdul Qadir Mumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya.

SRCC welcomes restored diplomatic relations between Somalia and Ethiopia

0

Monday  13, Jan 2025 {HMC} The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and Head of the African Union Transition Mission in Somalia (AUSSOM), Ambassador Mohamed El-Amine Souef, has praised the recent restoration of full diplomatic ties between Somalia and Ethiopia.

The announcement was made in a joint communiqué on January 11, 2025, in Addis Ababa, following a meeting between Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The two leaders agreed to re-establish full diplomatic representation in their respective capitals to strengthen bilateral relations.

Ambassador Souef described the agreement as a key milestone that underscores the enduring commitments made under the Ankara Declaration. He emphasized the importance of renewed diplomatic ties, enhanced security cooperation, and greater economic integration in fostering regional peace, stability, and prosperity.

“AUSSOM remains committed to supporting Somalia’s stabilization efforts and regional partnerships, in alignment with the aspirations of the Somali people and the African Union’s vision for a peaceful and prosperous Africa,” Souef stated.

Relations between Somalia and Ethiopia were strained in April 2024 when Somalia expelled the Ethiopian ambassador amid a contentious Somaliland port deal. The dispute centered on a memorandum of understanding that granted Ethiopia access to a Somaliland port in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence. The tensions escalated until they were resolved through the Türkiye-brokered Ankara Declaration in December 2024.

The Ankara Declaration was reached last December during talks hosted by Turkish President Recep Tayyip Erdogan, with Somali and Ethiopian leaders in attendance.

The restoration of diplomatic relations between Somalia and Ethiopia is seen as a crucial step toward building trust, enhancing security, and promoting economic growth in the Horn of Africa.

SOURCE

 

Markab Ku Afduubnaa Xeebaha Somalia Oo La Sii Daayay

0

Isniin, 13,Jan,2025 (HMC)  Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya bishii November, la sii daayay isaga iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa.

Safaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniintaka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”

“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November waxaana lala aaday degmada Xaafuun ee dowlad-goboleedka Puntland, oo ah dhul ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Burcad-badeedda afduubatay markabka ayaa markii dambe dalbaday madax-furasho dhan $10 milyan. Lama oga in lacagta la bixiyay iyo in kale.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in “dowladda Shiinaha ay wadashaqeyn iyo iskaashi dhow kala lahayd” mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul-goboleedka Puntland dadaallada lagu soo bad-baadinayay markabka iyo shaqaalihiisa.

Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.

Dhacdooyinka, si kastaba ha ahaatee, si aad ah ayay hoos ugu dhaceen tan iyo markaas, taas oo inta badan ay sabab u aheyd joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee biyaha caalamiga ah.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 13-01-2024

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish Oo ka dhacay Gobolka Bari.

0

Isniin, 13,Jan,2025 (HMC)  Dagaal culus ayaa ka socda dhulka buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland, oo maalmahan waday duullaan qorsheysan oo ka dhan ah Daacish, ayaa la wareegay dhowr fariisin oo ay kooxdaasi ku sugnaayeen.

Wararka kasoo baxaya dagaalka maanta ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay dileen xubno ka tirsan Daacish, oo ay ku jiraan ajaanib.

Sawirro iyo muuqaallo lasoo dhigay barta Telegramka ee howlgalka ciidanka Puntland, ayaa lagu arkayaa maydadka Dagaalamayaasha Daacish.

Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay inay qabsadeen ugu yaraan afar saldhig oo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ka howlgalaysay.

Dagaalkaas culus ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada Puntland, inkastoo tirakoob rasmi ah aan weli la shaacin.

Howlgalkan, oo ah midkii ugu xooganaa ee Soomaaliya looga fuliyo ee ka dhan ah Daacish, ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada Puntland ay boqolaal kiiloomitir gudaha ugu galeen deegaanada ay kooxdaasi ku sugnaayeen.

{DAAWO MUQAALKA} Gen, ”Odawaa waa inaad u Diyaar Garowdaan Dagaal Dalka iyo Dadka looga saarayo AS”

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Gen, ”Odawaa waa inaad u Diyaar Garowdaan Dagaal Dalka iyo Dadka looga saarayo AS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA