Home Blog Page 1368

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.01.2025}

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Dabka ka kacay mareeykanka.?

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Dabka ka kacay mareeykanka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Odoyaasha Gedo oo DFS Ku eedeeyay Colaada Gobolkaasi.

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Odoyaasha Gedo oo DFS Ku eedeeyay Colaada Gobolkaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wadaad diinta Islaamka aflagaaddeeyay oo talaabo laga qaaday?

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Wadaad diinta Islaamka aflagaaddeeyay oo talaabo laga qaaday?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

faah faahin Dabka Los Angeles oo galay maalinti todobaad

Isniin 13, Jan 2025 {HMC}  Kooxaha dab-damiska ayaa si dar dar leh Axaddii shalay ilaa xalay u sii waday la dagaallanka dab xoog leh oo muddo lix maalin oo xiriir ah ka socda qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Dab-damiska ayaa xoogga saaraya laba dab oo waaweyn oo ka ololaya galbeedka iyo bariga, ka hor inta aysan billaaban dabeylo laga cabsi qabo in ay uga sii daraan ololka dabka hadda socda.

Dabka oo maanta oo Isniin ah galay maalinti todobaad, ayuu guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom Axaddii sheegay in ugu yaraan ay ku dhinteen 24 qof. Wuxuu intaasi ku daray in kumannaan guri ay basbeeleen, halka 100,000 oo qof ay barakaceen.

Xaafadaha uu dabka baab’iyay ayaa waxaa ku jiray kuwo ay ku yaalleen guryo ay daganaayeen dad hodon ahaa. Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa 12,000 oo guri ay gubteen.

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo. Saraakiisha ayaa ka digay in dhammaan shacabka ku nool Los Angeles iyo hareeraheeda oo lagu qiyaaso ku dhawaad 10 milyan ay suuragal tahay in lagu amro in ay guryahooda ka baxaan.

Guddoomiyaha California, Newsom ayaa u sheegay telefishanka NBC News in dabkan uu u muuqdo masiibo dabiici ah tii ugu xumeyd ee soo marto taariikhda Mareykanka, marka loo fiiriyo khasaaraha hantiyeed.

Hey’adda gaarka loo leeyahay ee saadaasha hawada ee AccuWeather ayaa ku qiyaastay khasaaraha hantiyeed ee uu dabkani muddo todobaad ah Los Angeles u geystay, lacag dhan $135 ilaa $150 bilyan oo dollar.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Muqtaar “Gabdhaha Deegaanka waxa ay ku Xaragoonaayeen dhiigiina AS Looga xureeyay”

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Wasiir Muqtaar “Gabdhaha Deegaanka waxa ay ku Xaragoonaayeen dhiigiina AS Looga xureeyay”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dr Shiine oo qaliimo ka bilaabay Magaalada Baladweyne?

0

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Dr Shiine oo qaliimo ka bilaabay Magaalada Baladweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaa kasoo kordhay Wadahadallada xabbad-joojinta Gaza ee Isra’il iyo Xamas?

Isniin 13, Jan 2025 {HMC} Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, in wafdi sare oo dhanka ammaanka ah oo ka socda Isra’il ay Axaddii shalay gaareen magaalada Doxa, si ay uga qeybgalaan wadahadallada halkaasi ka socda ee la xiriira xabbad-joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il.

Wararka kasoo baxaya madasha wadahadallada ayaa muujinaya in ay muuqdaan caalamo muujinaya suurtagalnimada natiijo wax ku ool ah oo kasoo baxdo wadahadalladan.

Wadahadallada oo Doxa dib uga bilowday todobaadki hore ayaa waxaa dhex dhexaadinaya Mareykanka, Masar iyo Qatar, waxana ilo wareedyadu ay sheegayaan, in ay u badan tahay in dhinacyadu ay gaaraan heshiis ka hor inta uusan xafiiska ku soo laaban madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, 20-ka bishaan January.

Dhex dhexaadiyaasha ayaa rajo ka qaba in si deg deg ah loo gaaro heshiis xabbad joojin ah, in gargaar bani’aadannimo la geeyo Gaza iyo in lasii daayo ilaa 98 Isra’iiliyiin ah oo lagu hayo Gaza.

Dagaalka Isra’il iyo Xamaas ee Gaza ayaa socda muddo 15 bilood ah. Wuxuu billowday 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il halkaas oo ay ku dishay 1,2000 oo Isra’iiliyiin ah isla markaana soo afduubtay boqollaal kale.

Isra’il ayaa iyaduna weerar ku billowday Gaza, weerarkaas ayna saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay ku dhawaad 50,000 00 Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.01.2025}

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

Dowllada Soomaaliya oo Qarameysay Boqolaal ka tirsan Ciidamada Deegaanka.

Axad 12, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Badroolka Xukumadda Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo aay wehliyaan Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage Xildhibaanno Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta la wareegay boqolaal ka tirsan Ciidamada deegaanka oo dowladda Soomaaliya Qarameysay.

Ciidamada deegaanka oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka ayaa door fiican ka qaatay howlgalka ka dhanka ah kooxda AS ee ka socday gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo Taliyayaasha ayaa ciidaman dowladda maanta qarameysay u ballan qaadeeen in aay heli doonaan xuquuq walba, ayagana looga fadhiyo in aay laba jibaaraan howlgalka ka dhanka ah kooxda AS.

Ciidamadaan maanta la qarameeyay ayaa laga soo saaray xerada lamagaalay oo ay horay udaganaayen iyagoo ka amar qaadanayay maamulka lamagac baxay Hiiraan State waxanaa si toos ah ula wareegay xerada lamagalaay ciiidamada xooga dalka iyo NISA oo lagu wareejiyay Amniga guud ee Magaalada Baladwayne Saddaxda Bilood ee soo socota.

Wasiirka Batroolka, Taliyaha NISA iyo Xildhibaanada federaalka ayaa maalmahaan Magaalada Baladwayne ujoogay in xal rasmi ah ukenaan Baladwayne oo bilihii lasoo dhaafay ka jireen xaalada isbiirsaday oo Cuuryaamiyay Hormaradii Magaalada.

Dhawaan ayeey aheed markii Ciidamada Xoogga iyo Kuwa NISA ay qaadeen isbaarooyinkii tubnaa inta udhaxaysa Magaalada Baladwayne iyo Degmada Matabaan oo si wayn loohu dhibaatayn jiray Gadiidlayda Safarka ah.