Home Blog Page 137

Minister of Defense Says Senior As Terrorists Seeking to Surrender to SNA

0

Sunday 1  February 2026 {HMC} The Minister of Defense of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Macallin Fiqi, has said that senior As terrorists are directly contacting the government, expressing their willingness to surrender and requesting amnesty.

“Senior As terrorists are reaching out to us, seeking to surrender and asking for amnesty after losing their safe havens,” Minister Fiqi said.

The minister noted that these developments come after the group came under sustained pressure and lost areas of refuge due to ongoing military operations conducted by the Somali National Armed Forces, with support from international partners.

He added that the government remains ready to receive anyone who renounces extremist ideology and takes advantage of rehabilitation and amnesty programs, allowing them to reintegrate into society.

Source Sonna

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 01-02-2026

0

adax 1 February 2026 {HMC} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 01-02-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Xildhibaanno rabsho ka sameeyay fadhiga Guddoonka Baarlamaanka oo Laganaaxay.

0

Axad 1  February 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa qoraal uu soosaaray ku ganaaxay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo 28kii Janaayo 2026 rabshad ka dhex sameeyay kulankooda oo ugu danbayn lagu kala tagay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay magacyada xubnaha la ganaaxay oo isugu jiray Muxaafid iyo Mucaarad kuwaas oo qaarkood isu gacan qaaday inkasta oo markii danbe ay ka heshiiyeen gacan-qaadkaas balse waxaa lagu qaaday xeer hoosaadkooda.

Xildhibaannadaan ayaa lagu ganaaxay in aysan ka qaybgali Karin 12 kulan oo isugu jira fadhiyada guud ee labada Gole iyo kan gaarka u ah Golaha Shacabka, waxa uu ganaaxa ka billaabanayaa 2da Febaraayo 2026 oo berri ah.

Halkaan ka aqriso Magacyada Xildhibaannada la ganaaxay & kuwa digniinta loo diray:

DG Puntland & Jubbaland oo War kasooo saaray Ciidankodii Manta laga Ciliyey Magaalada Muqdisho .

0

Axad 1  February 2026 {HMC}  War kasoo baxay waqti isku mid ah Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa looga hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ay maanta dib ugu celisay Diyaarado waday Ciidamo aad u hubaysan oo kasoo duullay Magaalooyinka Garoowe & Kismaayo.

Ciidankaas ayaa hordhac u ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa walaac looga muujiyay go’aankaas ciidamada dib loogu celiyay.

Halkaan Hoose ka aqriso Warqadda kasoo baxday DG Puntland.

DFS oo dib u celisay Ciidankii Siciid Deni & Axmed Madoobe oo Kuso Wajahnaa Magaalada Muqdisho.

0

Axad 1  February 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dib u celisay diyaarado waday Ciidamada hubaysan oo kasoo duullay Garoowe & Kismaayo isla markaana hordhac u ahaa Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Daqiiqado kahor inta aan la celin ciidankaan waxaa Baraha Bulshada lasoo geliyay iyaga oo kasoo safraya Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo isla markaana hubaysan halka qaarkood dhammaan jirkooda ay dahaaran yihiin.

Intaas kaddib waxaa soo baxay warka la xiriira in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amartay in ay dib ugu noqdaan Ciidamadaas labadii Magaalo ay kasoo safreen ee Garoowe iyo Kismaayo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ma jiro war faahfaahsan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay sababta ka dambaysa go’aankaan maadaama ay hordhac u ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku martiqaadan shirka ay ku ballansan yihiin Dowladda iyo Mucaaradka.

Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland oo looga falceliyay go’aankaan, waxaana la sugayaa go’aanka Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ka qaataan arrintaan & sida uu noqon doonno safarkooda Muqdisho.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda oo hor istaagtay in ilaalilada gaarka ah Madaxweynayaasha JPL iyo PL ka Degaan muqdisho

0

Arbaco  1 February 2026 {HMC} Dowladda oo hor istaagtay in ilaalilada gaarka ah Madaxweynayaasha JPL iyo PL ka Degaan muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ilaalada Gaarka ee MW Deni oo Gordhow u amba baxay Muqdisho.

0

Arbaco  1 February 2026 {HMC}Ilaalada Gaarka ee MW Deni oo Gordhow u amba baxay Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Culus ka wado sh/Dhexe

0

Arbaco  1 February 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Culus ka wado sh/Dhexe

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Gaalkacyo oo Xabsiga dhigay Dad ka ganacsan jiray Xoolo ay soo xadeen.

0

Arbaco  1 February 2026 {HMC}Booliska Gaalkacyo oo Xabsiga dhigay Dad ka ganacsan jiray Xoolo ay soo xadeen.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

Howlgal qorsheysan oo Laga Fuliyay Deegaanka Abooreey.

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku qaadeen Deeganka Aboorey ee gobolka hiiran

Taliyaha Ururka 8’aad Guutada 18’aad Qeybta 1’aad kuma gorgor Dhamme Naqiib Cabdullahi Xersi oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Xaqiijiyay in jab Xooggan uu Khawaarijta dhiig miiratada ah ka soo gaaray Howlgalka.

Sidoo kalana lagu Khaarijiyay horjoogayaal ku howlanaa Farsameynta qaraxyada iyo Aasidda Miinooyin ay ku dhagri lahaayeen Shacab Masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Howlgalka ayay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah uga fuliyeen Deeganka Aboorey Ee gobolka hiiraan.