Home Blog Page 136

{DAAWO MUQAALKA} Talaabadii lagu hor istaagay Ciidankii Deni & A-Madoobe, iyo Wararkii ugu Dambeeyay.

0

Axad 1 Feb 2026 {HMC}  FALANQEYN:- Talaabadii lagu hor istaagay Ciidankii Deni & A-Madoobe, Go’aanka labaad Maamul iyo Wararkii ugu Dambeeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA 

Booliska Magaalada Beledweyne oo qabtay saddex Eedeysane oo Tacaddi kula kacay Gabar Soomaaliyeed.

0

Axad 1 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan saddex eedeysane oo ku eedeysan fal tacaddi ah oo ka dhan ah gabar Soomaaliyeed, kaas oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada maalmihii la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Saldhigga Booliska Beledweyne, eedeysanayaashan ayaa lagu soo qabtay eed la xiriirta qodobka 398 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kadib markii lagu arkay muuqaal muujinaya falal wax u dhimaya karaamada iyo xuquuqda gabadha dhibbanaha ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda oo Gacanta ku dhigtay gaadid la doonayey in lagu soo qaadao Ciidamada Puntland iyo Jubaland

0

adax 1 February 2026 {HMC}  Dowladda oo Gacanta ku dhigtay gaadid la doonayey in lagu soo qaadao Ciidamada Puntland iyo Jubaland

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Mucaaradka oo War kasoo saaray tallaabadi cidamada jubaland iyo Puntland looga hor istaagay Muqdisho

0

adax 1 February 2026 {HMC} Mucaaradka oo War kasoo saaray tallaabadi cidamada jubaland iyo Puntland looga hor istaagay Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha wasiirada Jubaland oo kulan Deg Deg leeskugu yeeray.

0

adax 1 February 2026 {HMC} Golaha wasiirada Jubaland oo kulan Deg Deg leeskugu yeeray.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo war kasoo saartay sababta Muqdisho looga ciliyey ciidamada Jubaland iyo Puntland

0

adax 1 February 2026 {HMC} DFS oo war kasoo saartay sababta Muqdisho looga ciliyey ciidamada Jubaland iyo Puntland

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Xiisadda Iiraan, ayaa gobolka bariga dhexe ka dhalisay loollan dib usoo celisay kala jabka Carabta iyo Turkiga.

0

Axad 1 Feb 2026 {HMC} Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Sacuudiga inuu kula taliyay Mareykanka , in laga dhabeeyo hanjabaada Trump ee weerar lagu qaado Iiraan.

• Warbixinnadaa markii ay soo baxeen ; wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa baahiyay sawir uu gacmaha heysto madaxweynaha Turkiga, Erdogan iyo wasiirka arrimaha dibadda , Hakan Fidan , isagoo Turkiga ku tilmaamay walaal , bixinaya dadaal lagu xasillinayo gobolka.

• Waxaa xigatay ; wakaaladda wararka AFP oo baahisay sarkaal ka tirsan dawladda Sacuudiga inuu u sheegay Turkiga inuusan qeyb ka noqon doonin heshiiska difaaca wadajirka ah ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Pakistan.

• Trump ayaa soo baxay oo sheegay in wadahadallo sax ah oo la xiriirta arrinta Iiraan inay socdaan, taa oo ka duwan hanjabaadihii uu Iiraan u dirayay.

• Warbaahinta Mareykanka ayaa soo laabatay oo sheegaysa in 24 saac ee u dambeysay isbeddel uu ku yimid Trump, ayna muuqato suragalnimo in wada-xaajood lagu xallinayo arrinta Iiraan, isla warbixinnadan waxaa lagu sheegay in dadaallada Turkiga iyo Qatar ay u muuqdaan kuwa guuleystay oo lagu hakiyay suragalnimo weerar lagu qaado Iiraan, tani waxay kala soocday Sacuudiga iyo xulafadiisa oo ku talinaya in laga hortaggo nidaamka Iiraan inuu awood yeesho, halka Turkiga iyo Qatar ay iskudayayaan wada xaajood in lagu xalliyo xaaladan.

Suragal ma tahay in lagu guuleysto joojinta weerar lagu qaado Iiraan?

Sida marar kala duwan laga soo xigtay Trump, wuxuu jecelyahay qaabka ay Turkiga iyo Qatar u maareeyaan xaaladda bariga dhexe , si fudud Turkiga iyo Qatar, waxay ka joojiyaan Mareykanka xaalad dagaal iyo burbur dhaqaale inuu arrimaha gobolka bariga dhexe ku wajaho, waxayna faa’iidada uu Mareykanka raadinayo ku siiyaan si ka fudud hab milatari oo ah wada-xaajood, tusaale cad waxaa u ah sida Ankara iyo Dooxa ay uga caawiyeen Trump , wada xaajood faa’iido leh in lagu joojiyo dagaalkii Qasa, kadib Turkiga ayaa abaalmarin u helay Suuriya.

Turkiga , ma wuxuu rabaa inan Iiraan la weerarrin?

Turkiga , ma doonayo in Iiraan meesha laga saaro, sababtoo ah waxay dheeli-tiraysa gobolka bariga dhexe , oo waa xoog cadaadinaya Israa’iil, mana ay doonayaan in la beddelo nidaamka Iiraan, taa oo faa’iido u arko Turkiga , taa beddelkeeda ma doonayo Turkiga inay jirto Iiraan xoog leh , marka wada-xaajoodyada lagu joojin karo dagaalka , kaliya waxay ka fuliyaan dhinaca Mareykanka marka awoodda Iiraan qayb ahaan hoos loo dhigo, halkaana waa meesha uu Turkiga ka helayo faa’iido ka badan in nidaamka Iiraan meesha laga saaro, oo waxa xiga ay noqoto qalalaase xoog leh, tusaale ahaan burbur kasta oo ku yimaada nidaamka Iiraan, wuxuu dib u furi karaa faylka Kuridada ee hadda dhinaca Suuriya uu iska xiray Turkiga iyo fowda uu ka wajaho dhinaca xadka.

Maxay Kadheheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed diyaaradihii laga celiyay Muqdisho

0

Axad 1 February 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxaa ay ugu ka hadleen xaaladda diyaaradihii la celiyay iyo mustaqbalka wadahadalada siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadalada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed uu u socdo si hufan oo ammaan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka, iyadoo qayb ka ahayd ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa si xooggan u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, isagoo ku tilmaamay “qar iska tuurnimo” oo khatar gelisay noloshii wafuudii diyaaradaha saarneyd.

Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada shaqayn iyo ixtiraam, islamarkaana go’aannada halista ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo nabadgelyada guud ee shirka.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo War kasoo saartay Ciidamada laga celiyey Muqdisho.

0

adax 1 February 2026 {HMC} Puntland oo War kasoo saartay Ciidamada laga celiyey Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Somali President Appoints Vice Chancellors of Somali National University

0

Sunday 1  February 2026 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has appointed the following officials as Vice Chancellors of the Somali National University:

Prof. Dr. Abdirisaq Abdullahi Hashi – Vice Chancellor for Academic Affairs
Ms. Deeqa Mohamed Qalib – Vice Chancellor for Administration and Finance
Prof. Dr. Abdullahi Sheikh Rashid – Vice Chancellor for Student Affairs and Community Engagement
Dr. Ali Cawil Ahmed – Vice Chancellor for Research and Innovation
Dr. Fuad Mirre Hassan – Vice Chancellor for Planning and Development
President Hassan Sheikh Mohamud instructed the newly appointed officials to faithfully carry out the responsibilities entrusted to them in accordance with the laws of the country, and wished them success and effectiveness in their new roles.

Source Sonna