Home Blog Page 135

{DAAWO MUQAALKA} Jubaland oo Fulisay Dil toogasho ah.

0

Isniin 2  Feb 2026 {HMC} Jubaland oo Fulisay Dil toogasho ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Xaalada Baarlamaanka oo Faraha kasii Baxday iyo Gacan qaad Billowday.

0

Isniin 2  Feb 2026 {HMC}    Xaalada Baarlamaanka oo Faraha kasii Baxday iyo Gacan qaad Billowday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Cusub Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta.?

0

Isniin 2  Feb 2026 {HMC}   Maxaa ka Cusub Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA 

 

dib u dhaca ku yimid shirka wadatashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo niyad jab ka muujiyay

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan dib-u-dhacyada ku yimid diyaar-garowga wadahadal siyaasadeed oo muddo dheer la sugayay oo lagu qaban lahaa Muqdisho.

Di Mauro ayaa ku qortay barta X in ay ahayd arrin ceeb ah in kooxihii hordhaca ahaa ee ka socday laba ka mid ah dowlad-goboleedyada federaalka aysan maanta soo gaari karin Mqudisho, iyadoo sabab uga dhigtay waxa ay ku tilmaantay is-faham la’aan.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay mar kale ku celisay rajada Midowga Yurub ee ah in dhammaan dhinacyadu helaan xal si wadahadalku u sii socdo.

Kulammada wadatashiga ee la qorsheeyay in lagu qabto Muqdisho ayaa qayb ka ah dadaal caalami ah oo lagu doonayo in lagu jebiyo ismariwaaga siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ku saabsan sida Soomaaliya u qaban doonto doorashooyinka sanadkan, ka hor inta aysan dhammaan mudnaanta hay’adaha muhiimka ah.

Maalmihii la soo dhaafay, Ergada Midowga Yurub ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ah inay aqbalaan casuumaadda dowladda federaalka si ay uga qeyb galaan madasha wadatashiga ee ka bilaabanaysa Muqdisho 1-da Febraayo.

Waxay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhisaysa kalsooni, balse waxay adkeeyeen baahida loo qabo jawi ku habboon wadahadallo macno leh.

Khalalaase ka taagan BFS iyo Booliska oo Gacan qaad ku sameeyay Xildhibaanada.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli lagu waday in lagu qabto fadhi lagu falanqeynayo wax ka beddelka Dastuurka.

Xildhibaano diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay aqalka Baarlamaanka, inkastoo 18 xildhibaan oo shalay ganaax la saaray ay maanta qaar ku sugan yihiin, halka kuwa kale ay ka maqan yihiin.

Arrintan ayaa sii hurisay xiisadda iyo khilaafka ka dhex taagan Golaha.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku billowday buuq, sawaxan iyo is-riix-riix, iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkay gudaha xarunta Villa Hargeysa, si ay u sugaan amniga.

Xildhibaano iyo askar ayaa isku hor istaageen qabsoomidda kulanka, taasoo sababtay in fadhigii si caadi ah u furmi waayo.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ciidanka booliska ay gacan qaad ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, taasoo dhalisay caro iyo cabasho.

Xildhibaan Cadar Xareed ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidanka booliska Baarlamaanka ay dhaawac u geysteen, arrintaas oo sii xoojisay walaaca laga qabo xaaladda amni.

Gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka taagan buuq, is-maandhaaf iyo muran xooggan.

Ciidamo badan oo boolis ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda, hase yeeshee ilaa hadda kuma guuleysan inay si buuxda u dejiyaan xasaradda.

Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhalato fowdo cusub haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo lagu qaboojiyo khilaafka, loogana hortago rabshado hor leh.

Waxaa si weyn loo sugayaa go’aannada ka soo baxa hoggaanka Baarlamaanka iyo sida ay wax u maareyn doonaan xaaladdan cakiran.

 

faah-faahin soo baxaysa Dad ka badan 200 oo qof oo ku dhintay Kongo.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} In ka badan 200 qof ayaa ku dhintay burbur ku yimid goob macdanta laga qado oo ku taalla dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, sida ay sheegeen maamulka kooxaha fallaagada ah ee halkaa gacanta ku haya.

Dhulka macadanta laga qado oo ah aagga magaalada Rubaya, ayaa burburay Arbacadii kadib roobab culus, sida uu wariyeyaasha u sheegay Lumumba Kambere Muyisa, afhayeenka guddoomiyaha fallaagada ee gobolka Waqooyiga Kivu. Tirada khasaaraha dhabta ah weli si rasmi ah looma xaqiijin.

Xilligii shilkan dhacay, haween iyo carruur ayaa sidoo kale ka shaqaynayay goobta macdanta laga qado.

Macdanta halkaas laga qodayay waxay ahayd coltan, oo ah macdan muhiim ah oo loo adeegsado soo saarista qalabka elektarooniga ah sida taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada.

Kormeerihii hore ee macdanta ayaa u sheegay BBC in goobta aan si wanaagsan loo dayactirin, taasoo kordhisay halista shilalka.

Wuxuu kaloo sheegay in dayactir la’aanta awgeed ay jiraan caqabado badan oo ku saabsan howlaha gargaarka iyo samatabbixinta marka shil dhaco.

Warbaahinta oo loo diiday kulanka Barlamaanka Soomaaliya.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Warbaahinta waxa ay laf-dhabar u tahay soo gudbinta dhacdooyinka waana marinka Bulshada si fudud ay ugala socon karaan dhacdooyinka jira, waxa ay si joogta ah Dadka ula wadaagtaa xogaha iyo macluumaadka taagan.

Muddo waxa ay Warbaahinta gole joog u ahayd kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo gudbisaa Fadhiga tooska ah iyo waraysiyo gaar gaar ah oo lala yeesho Xildhibaannada kulankooda kaddib.

Maanta waxaa jira kulan Baarlamaanka labadii Aqal uu ka leeyahay Dastuurka gaar ahaan Cutubyada 5aad ilaa 9aad, kulankii kan ka horreeyay waxa uu ka furmi waayay buuq ka dhex dhacay Xildhibaannada oo ugu danbayn la ganaaxay.

Ganaax safmar ah ayuu Guddoonka Baarlamaanka la dulmaray Xildhibaannadii labada dhinac kala ahaa iyo Warbaahintii tabinaysay fadhiga guud, tallaabada Warbahinta looga joojiyay kulanka maanta waxaa dulsaaran su’aalo badan sida waxa uu Guddoonka Bulshada ka qarinayo.

muddo kadib diyaarad rakaab sidda oo ay ka degtay Caasimadda Suudaan ee Khartuum

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Markii ugu horreysay tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suudaan ku dhawaad saddex sano ka hor, diyaarad rakaab ah ayaa ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Khartoum.

Diyaaradda Sudan Airways ayaa ka timid magaalada Port Sudan iyadoo ay saaranyihiin tiro rakaab ah. Tigidhada duulimaadka, oo ahaa diyaaradda kaliya ee shirkadda, waxaa lagu iibiyey qiimo dhiirrigelin ah oo dhan shan iyo konton dollar.

Ciidamada dowladda ayaa dib u qabsaday Khartoum ka dib markii ay ka saareen Ciidamada Taageerada Degdega ah (Rapid Support Forces) bishii Maarso ee sannadkii hore, balse dagaalka ayaa weli ka socda bartamaha iyo galbeedka Suudaan.

Shiinaha oo dil toogasho ah ku fuliyay xubno kale oo maafiya ah.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay, in Shiinaha uu dil ku fuliyay afar xubnood oo ka tirsan mafiyada qoyska Bai, oo ah mid ka mid ah boqortooyooyinka caanka ah ee maamulayay xarumo been abuur ah oo ku yaal Myanmar.

Waxay ka mid ahaayeen 21 xubnood oo qoyska ka tirsan iyo la-hawlgalayaal oo maxkamad ku taal gobolka Guangdong ay ku heshay dambiyo khiyaano, dil, dhaawac iyo dambiyo kale.

Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, maxkamaddu waxay shan ka mid ah ku xukuntay dil, oo uu ku jiro madaxa qabiilka Bai Suocheng, kaasoo u dhintay xanuun ka dib markii xukunkiisa la riday, sida ay werisay warbaahinta dawladdu.

Toddobaadkii hore, Shiinaha wuxuu dilay 11 xubnood oo ka tirsan mafiyada qoysla Ming, taasoo qayb ka ah howlgallada khiyaanada ah ee Koonfur Bari Aasiya oo lagu qabtay kumanaan dhibanayaal Shiinees ah.

Sannado badan, Bais, Mings iyo dhowr qoys oo kale ayaa maamulayay magaalada xuduudda Myanmar ee Laukkaing.

Maxkamaddu waxay sheegtay in falalka dambiyeed ee qoyska Bai ay horseedeen dhimashada lix muwaadin oo Shiinees ah, isdil hal qof iyo dhaawacyo badan.

Reer Bays waxay xukunka ka qabsadeen Laukkaing horraantii 2000-meeyadii ka dib markii dagaal-ooge magaaladaas xilligaas looga saaray hawlgal milatari oo uu hoggaaminayay Min Aung Hlaing – kaasoo hadda hoggaamiya dowladda militariga ee Myanmar.

Nisa oo Sheegtay in ay Dishay 13 ka tirsan Kooxda AS oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.

0

Axad 1 Feb 2026 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.

Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

Ugu dambeyn, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka.

 

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454