Home Blog Page 1383

Taliyihii Ciidamada oo loo doortay Madaxweynaha Dalka Lubnaan.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Joseph Aoun oo ah Taliyahii ciidamada Lubnaan ayaa noqonaya madaxweynaha cusub ee Lubnaan,kadib markii muddo labo sano ah wadanka Lubnaan uu ahaa madaxweyne la’aan.

61-jirkan ayaa noqday madaxweynihii 14-aad ee Lubnaan, isaga oo buuxiyay booskii madaxtinimo ee in ka badan laba sano oo uu ka tagay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Michel Aoun.

Magacaabista Joseph Aoun waxay ka gudubtay caqabad weyn; Baarlamaanka Lubnaan ayaa kulmay 12 jeer oo hore si ay ugu codeeyaan madaxweyne laakiin waa uu ku guuldareystay inay doortaan madaxweyne oo ay isku raacaan.

Taageerada Aoun ee baarlamaanka ayaa ka timid dhinacyo badan oo siyaasadeed, wuxuuna ugu dambeyntii ku guuleystay 99 cod oo ka mid ah 128 kursi ee baarlamaanka wareegii labaad ee codeynta.

Madaxweynaha cusub ee Lubnaan Joseph Aoun oo aan qaraabo la ahayn madaxweynihii hore Michel Aoun ayaa ku dhashay sanadkii 1964-tii Sin el-Fil, oo ku taal duleedka waqooyi ee Beirut, Aoun wuxuu caan noqday xilligii uu ahaa taliyaha ciidamada Lubnaan, jagadaas oo uu qabtay sanadkii 2017, waxaana uu ka soo jeedaa dadka Masiixiyadda Maronite loo yaqaan.

Ururka Xamaas ayaa ugu hambalyeysay shacabka Lubnaan doorashada ay u doorteen Jospeh Aoun madaxweyne ka dib in ka badan laba sano oo uu dalkooda ahaa madaxweyne la’aan. Sidoo kale Maamulka Isra’iil ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha dalka Lubnaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Jeneraal Muqtaar” Magaaladii aan Kasoo jeeday anoo 80 jir ah in leeygu Caayo Sax maaha “

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Jeneraal Muqtaar” Magaaladii aan Kasoo jeeday anoo 80 jir ah in leeygu Caayo Sax maaha ”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gureey”Amaanka Baladweyne Dowlada Soomaaliya ayaa Wax laga Weydiina”

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Xildhibaan Gureey”Amaanka Baladweyne Dowlada Soomaaliya ayaa Wax laga Weydiina”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijkii Qosolka Badnaa ee Kidis iyo Kaftan. 10-01-2025.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Barnaamijkii Qosolka Badnaa ee Kidis iyo Kaftan. 10-01-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Xil, Buraale “Dadka dhagaxa tuuro ayaan Madax u ahaa laakiin hada waxaan ahay kuwa dhagaxa Qadaa.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Xil, Buraale “Dadka dhagaxa tuuro ayaan Madax u ahaa laakiin hada waxaan ahay kuwa dhagaxa Qadaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Qiso Cajiib ah iyo Mucjisooyinkii Rasuulkeena Maxamed CSW.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Qiso Cajiib ah iyo Mucjisooyinkii Rasuulkeena Maxamed CSW.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 10-01-2025.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaan Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Waligaa Ma Ciyaartay Ciyaarta Oolka ?

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Waligaa Ma Ciyaartay Ciyaarta Oolka ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dadka ku Nool Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyey qaadista Isbaarooyinka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya oo Biri ku kulmi doono Magaalada Qaahira

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Masar ayaa maalinta berri martigelin doonta wada-hadallo saddex-geesood ah oo dhexmaraya Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta Masar.

Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Masar ayaa shir-guddoomin doona kulanka ay ka qeyb-geli doonaan wasiirrada dhigiisa ah ee Soomaaliya, Axmed Moallim Fiqi, iyo Osman Saleh Maxamed oo ka socda Eritrea.

Kulamadan saddex-geesoodka ayaa lagu sii ambaqaadayaa heshiisyadii lagu gaaray shirkii Asmara ee bishii Oktoobar 2024, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka, loo ilaalin lahaa marin-biyoodka Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaalaha.

Madaxda Dalalka Masar, Soomaaliya, iyo Eritrea ayaa bishii Octoobar ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga, kadib markii Itoobiya ay heshiis muran dhaliyey la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaaday inay saldhig ciidan ka dhisato xeebaha Somaliland, talaabadaasi oo dowladda Soomaaliya ay diiday.

Kulanka la filaayo in uu maalinta berri ah uu ka furmaya magaalada Qaahira ee Caasimada Masar ayaa si gaar ah xoogga loogu saari doonaa ilaalinta waddooyinka ganacsiga ee muhiimka ah ee Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb, la-dagaalanka burcad-baddeeda, iyo xakamaynta tahriibinta sharci-darrada ah.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya,  ayaa ku sugan Magaalada Qaahira, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay dhigiisa Masar.

Kulamadan ayaa diiradda saaraya kaalinta Masar ee Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo suurtagalnimada in ciidamada Masar loo adeegsado dadaallada nabadeynta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya iyo Masar ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo kale  bartamaha toddobaadka soo socda si loo dhammeystiro faah faahinta iskaashiga milatari iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee loo baahan yahay.

Bishii Diseembar 2024 ayeey Dowladda Turkiga heshiisiisay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay oggolaatay in ay ka noqoto heshiiska Somaliland, isla markaana loo oggolaado in dekadaha Soomaaliya ay ku isticmaasho heshiis laba-geesood calami ah.