Home Blog Page 1385

FAAH FAAHIN Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka maamulka Puntland.

Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid maleeshiyaadka ay ku doonayeen in xabsiga ay kaga soo furtaan maxaabiis halkaas ku xiran oo qaarkood ku xukuman dil toogasho ah.

Wararka hodhaca ah ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay dagaal mudo kooban dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo kooxaha hubeysanaa weerarka ku qaaday xabsiga.

Ilaa iyo hadda ma cadda in maleeshiyaadka ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen iney ka furtaan gudaha xabsiga, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Puntland.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ay yihiin maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xabsiga, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor xabsigan iney ka baxsadeen maxaabiis tiro badan oo la sheegay iney ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka saakay ay geysteen maleeshiyo beeleed hubaysan oo doonayey iney xabsiga kala baxaan rag horay u dilay Allaha u naxariiste ganaccsade lagu magacaabi jiray Ahmed Tahliil, kuwaas oo Maxkamada sare ee Puntland dhawaan ku riday xukuno isugu jiray dil iyo xabsi.

Wararkii ugu dambeeyey ee dabka Los Angeles

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Los Angeles — Dab ballaaran oo ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida.

Magaalada Los Angeles, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo in ka badan 10,000 dhisme la sheegay inay ku gubteen, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

“Wax walba waan waayay. Gurigaygii waa gubtay, waxna igama harin,” ayay tiri Hester Callul, oo ku jirtay goob barakac ah kadib markii ay ka qaxday gurigeeda oo ku yaallay xaafadda Altadena.

Dabka ayaa laga daminayay meelo badan iyadoo la adeegsanayo diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suuragashay kaddib markii dabeylaha yaraadeen. War ka soo baxay xafiiska baaraha dhimashada ee Los Angeles County ayaa lagu sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 10.

Iyadoo dhacdooyin boob ah lagu soo warramay, ayaa lagu soo rogay bandow habeenimo, halka Ciidamada Qaranka ee gobolka lagu howlgeliyay inay roondeeyaan goobaha dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in ciidamadaas ay qayb ka yihiin in ka badan kun shaqaale dowladeed ah oo loo daabulay aagga dabka.

“Wax walba ayaan adeegsanaynaa -– oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka -– si aan u ilaalino bulshada maalmaha soo socda,” ayuu yiri.

“Ciddii isku dayda inay ka faa’iideysato xaafadaha la barakiciyay, waxaan u sheegayaa si cad: boob ma aqbali doonno.”

Sarkaalka ugu sarreeya booliska Los Angeles County, Robert Luna, ayaa sheegay in booliiskiisa ay si dhow u ilaaliyayaan goobaha barakaca, isla markaana la xirayo cid kasta oo aan u fasaxnayn inay halkaas joogto.

Dabka ayaa illaa hadda ku baahay dhul dhan in ka badan 14,160 hektar, gudaha Los Angeles, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

Maaddaama aaggan ballaaran uu gubtay, dadka barakacay ayaa ka walaacsan in aanan si ku filan loo qaban shaqada gurmadka, taasi oo keentay in qaarkood ay isku dayaan inay gacmahooda wax ku qabsadaan.

Nicholas Norman ayaa hubkiisa qaatay kaddib markii uu arkey dad shaki leh oo xaafadda dhex marayay xilli habeen ah.

“Waxaan sameeyay waxa America caanka ku tahay: waxaan qaatay qorigayga, banaanka ayaan fariistay, waxaanan shiday nal si ay u ogaadaan in dad joogaan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxweynaha Rwanda oo iska fogeyay in uu Taageero fallaagada M23 ee ka dagaallanta Congo

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku adkeystay in fallaagada M23 ee dagaallada ka wada Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo aysan wax dhaqaale ah ka helin dowladdiisa sida uu sheegay.

Madaxweyne Kagame ayaa ku macneeyay in dagaalka ka socda bariga Kongo uu sanado badan soo socday, waxaana uu waydiiyay “Dadka halkan jooga miyaanay ogayn sida uu dagaalkani ku bilowday, dagaalkani waxa uu bilowday sanado badan ka hor mana ka iman dalka Rwanda”.

Waxa uu intaasi ku daray “Xitaa ma hayo wax aan sheego sababtoo ah dagaalka waxaa bilaabay kooxo ku sugnaa Congo oo laga yaabo in qaarkood ay asal ahaan ka soo jeedaan Rwanda balse u soo haajiray Congo ilaa xilligii gumeysiga”.

Madaxweyne Kagame ayaa sheegay in inkasta oo madaxda Congo ay u muuqdeen kuwo qiraya in fallaagada ay ka soo jeedaan Kongo, haddana waxaa la yaab leh in ay ku andacoonayaan in dagaalkan ay taageerto Rwanda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dagaalyahannada aysan ka imaan Rwanda, balse ay yihiin kuwo salka ku haya taariikh hore oo la xiriirta xilligii gumeysiga.

Hadalka Madaxweyne Kagame ayaa imaanaya kadib markii kooxda M23 ay saddex maalmood ka hor la wareegeen magaalada Masisi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Dadka dhaleeceeya Rwanda ayaa ku eedaynaya inay M23 u adeegsato macdanta laga soo saaro bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida dahabka, iyo macdanno kale, kuwaas oo lagu sameeyo telefoonnada gacanta iyo baytariyada baabuurta korontada.

Bishii hore, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay sheegtay inay shirkadda Apple ku dacwaynayso isticmaalka “macdanta “, taas oo keentay in shirkadda weyn ee tignoolajiyada ay sheegto inay joojisay macdantii ay ka heli jirtay labada waddan.

Rwanda ayaa beenisay in ay qayb ka tahay dhoofinta sharci darrada ah ee macdanta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

{DAAWO MUUQAAKA} R/W Cabdi wali ” Dhaawacyada AS waxaa lagu dabiibaa Soomaliland”

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} R/W Cabdi wali ” Dhaawacyada AS waxaa lagu dabiibaa Soomaliland”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA

Madaxweyne ay si weyn u diidan yihiin Maraykanka iyo Reer Galbeedka oo maanta markii sedexaad xilka loo dhaarinayo

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo xafiiska joogay tan iyo 2013-kii ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah markii sedexaad loo dhaariyo xilka, inkastoo mucaaradad xoog leh ay kaga imaanayso gudaha iyo dibaddaba.

Hoggaamiyaha mucaaradka Maria Corina Machado oo dhuumasho ku jirtay ayaa dibadda is keentay iyadoo hoggaaminaysay isu soo baxyadii shalay ka dhacay caasimadda Caracas sida ay ku warantay wakaaladda warrarka ee AFP.

Hoggaamiyahan ayaa muddo kooban xirnayd kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada oo mugdi badan iyo wax isdaba marin hareysay.

Dawladda ayaa diiday eedeynta xariga.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hoggaamiyayaasha mucaaradka halgamayaal xornimo doon.

Waxa uu yiri “waa in aan la dhibaatayn, waa in ay nabad ahaadaan oo ay noolaadaan” ayuu ku qortay barta bulshada ee loo yaqaano True.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump waxa uu cunaqabtayno ad adag ku soo rogay taliska madaxweyne Maduro oo uu sheegay in uu ka horyimid nidaamka dimoqaraadiyada.

Cunaqabataynada qaar ayaa waxa qaaday madaxweynihii isaga badalay ee Joe Biden, waxana laga yaabaa in Trump uu markale soo celiyo.

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-01-2025}

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Beerayaal.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Beerayaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Muxuu ka yiri Guddoomiye Xirsi Wadahadalno Soomaaliya.?

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha xisbiga talada haayo ee Soomaaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iska difaacay eedo loo soo jeediyay oo sheegayay in uu Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud.

Xirsi ayaa sheegay in safar uu dhawaan ku tagay dalka Jabuuti aanu kula kulmin Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana hadii ay wada hadlayaan ay barnaamijka xisbigooda ku jirto oo ay toos u wadahadlayaan.

“Waxa aan arkayay qolo lahayd Xirsi ayaa Xasan Sheekh la shiray horta ismanaan arag Xasan Sheekh, iimana qorshaysnayn, imana baahnayn in aanu is aragno, hadii aanu u baahano barnaamijkayaga ayay ku qornayd in aanu wadahadal la galayno ee u dhuumanmayno” ayuu yidhi Xirsi.

Mudaharaado lagaga soo horjeedo safarka Xirsi ee Jabuuti ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, mudaharaadyaasha ayaa ku andacooday in guddoomiyuhu uu si qarsoodi ah ula kulmay Madaxweyne Xasan oo ay ku wada suganaayeen caasimada dalkaas.

Dhinaca kale, waxa ay kasoo horjeedsadeen in uu safar ku tago dalka Jabuuti oo xurgufi sannadkii u danbeeyay ka dhaxaysay Somaliland, dadwaynaha ayaa sheegay in Xirsi uu galay booskii wasiirka arrimaha dibadda taasina ay tahay qalad.

Xirsi oo kamid ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa kamid ahaa dadkii horseedka ka ahaa in uu wadahadal dhexmaro Somaliland iyo dowlada Soomaaliya markii ugu horaysay.

Lakiin kadib guuldarada kulamo badan oo muddo 10 sanno ka badan dhex maray labada dhinac, waxa jira dad badan oo wakhti lumis u arka in wadahadalada lasii wado.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN” Nin Caan ah oo Lagu Dilay Baladweyne

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} FAAH FAAHIN” Nin Caan ah oo Lagu Dilay Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.