Home Blog Page 1388

{DAAWO MUQAALKA} General Indha Cadde iyo soo dhaweyntii Afweyne

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} General Indha Cadde iyo soo dhaweyntii Afweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-01-2025.

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Dagaal ka dhex socda kooxha Turkey ay taageerto iyo Kurdiyiinta

Khamiis 9, Jan 2025 {HMC}  Manbij — Dagaallada u dhexeeya kooxaha ay Turkey taageerto, oo ay taageerayaan duqaymo xagga cirka ah, iyo xoogagga Kurdiyiinta ayaa 37 qof ku dilay Khamiista maanta ah gobolka Manbij ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee la soo weriyey ayaa imanaya inkasta oo Mareykanka uu Arbacadii sheegay inuu ka shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa walaacyada Turkiga ee Suuriya si xulafada NATO ay uga dhaadhiciyaan in aysan kordhin weerarada ka dhanka ah dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Kooxda Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in “dagaalo ba’an ay ka dhaceen baadiyaha Manbij … saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo u dhexeeya Kurdida ay hogaaminayaan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya (SDF) iyo kooxaha Turkey ay taageerto ee Ciidamada Qaranka … oo dusha sare ay ka taageereyso Turkey.”

“Weerarada waxaa lagu dilay 37 qof, sida ku cad khasaaraha horudhaca ah, oo isugu jira dagaal-yahannada Turkey ay taageerto iyo kuwa SDF, iyo shan qof oo rayid ah,” ayey tiri kooxda kormeerka ee fadhiggeedu yahay Britain, taasi oo ilo-wareedyo kala duwan ku leh gudaha Suuriya.

Kooxda Kormeerka ayaa sheegtay in ugu yaraan 322 qof lagu dilay dagaalka ka socda baadiyaha Manbij tan iyo bishii hore.
Arbacadii, Mazloum Abdi, oo madax u ah kooxaha SDF ee uu Maraykanku taageero, ayaa sheegay in kooxdiisu ay taageereyso “midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya”.

War qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee AFP, ayuu ugu baaqay maamulka cusub ee Suuriya “in ay soo farageliyaan si ay xabbad-joojin uga dhacdo Suuriya oo dhan”.

Hadalka Abdi ayaa daba socday waxa uu ugu yeeray shir “wanaagsan” oo dhexmaray hogaamiyayaasha Kurdiyiinta iyo maamulka Dimishiq dabayaaqadii bishii hore.

Kooxaha uu Turkiga taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa dib u bilaabay dagaalka ay kula jiraan SDF, xilli ay kooxaha Islaamiyiinta ah ay bilaabeen 27-kii bishii November weerarkii ay ku afgambiyeen madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, ee qaatay kaliya 11 maalmood.

Kooxaha ay taageerto Ankara ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Manbij iyo Tal Rifaat oo dhacda waqooyiga Xalab, oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen, inkasta oo Mareykanku uu waday dadaallo xabbad-joojin looga sameynayo deegaanka Manbij.

Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markaas, iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha.

Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Turkigu uu “walaac sharci ah” ka qabo xagjiriinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku sugan gudaha Suuriya, wuxuuna ku baaqay in xal laga gaaro dalkaas oo ay ku jiraan ka bixitaanka “dagaalyahannada argagixisada shisheeye”.

“Taasi waa geeddi-socod qaadan doona waqti, inta ka horaysa, waxa aan dani ugu jirin wax kasta oo wanaagsan oo aan aragno oo ka dhacaya Suuriya, waxay noqon doontaa dagaal, waxaana aad ugu dadaali doonaa inaan hubinno in taasi aysan dhicin,” Blinken ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris.

Turkey ayaa Talaadadii ku hanjabtay hawlgal millatari oo ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya haddii aanay aqbalin shuruudaha Ankara ee ku aaddan isbeddel “dhiig la’aan” ah ka dib dhicitaankii Assad.

Kurdiyiinta Suuriya ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka qaniga ku ah saliidda ee waqooyi bari ee dalka, halkaas oo ay ku naaloonayeen is-maamul inta badan intii uu socda dagaalka sokeeye tan iyo 2011-kii.

Hase yeeshee Turkey ayaa ku eedaysa qaybta ugu weyn SDF ee YPG in ay xiriir la leeyihiin PKK, oo waday 40 sano kacdoon ka dhan ah qaranka Turkey.

PKK waxaa urur argagixiso u aqoonsan Turkey, Maraykanka, Midowga Yurub iyo inta badan xulafada reer galbeedka ee Turkey.

Turkey ayaa qaaday hawlgalo badan oo ka dhan ah SDF tan iyo 2016.

{DAAWO MUQAALKA} Alle ka cabsiga iyo dhaqanka wanaagsan oo Lagu Wacyigiliyay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Alle ka cabsiga iyo dhaqanka wanaagsan oo Lagu Wacyigiliyay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Hoowlgalo Lagu Qabtay Hub Sharci Daro.

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Howlgalo ay Ciidanka Boliisku ka sameeyeen Gobalka Banaadir oo lagu soo qabtay Hub sharci darro ah ,eedaysanayaal falal lid ku ah amaanka oo ay gaysanayeen kuwo qaybtood isticmaalayey maandooriye .

Afhayeenka Ciidanka Boliiska G/le Cabdifatax Aadan Xassan ayaa Warbaahinta la hadlay faah faahina ka bixiyey Howlgalka waxaana uu soo bandhigay Digniin iyo amaro cusub oo Taliska Boliiska ku soo rogay Dareewalada Mooto Bajaajta iyo Mooto Faykoonta dadweynuhu adeegsadaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Maareeye oo shir Muhiim ah uga qayb galay dalka Uganda.

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta magaalada Kampala uga qayb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shir-madaxeedka Midowga Afrika oo dhawaan ka dhici doona Kampala, waxaana diiradda lagu saaray istaraatiijiyada dhinaca amniga cunnada ee tobanka sano ee soo socda (2026 – 2035).

Wasiirka waxaa shirka ku wehliya masuuliyeen ay ka mid tahay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika ayaa shirka ka soo jeediyay talooyin ku aadan in Beeraha iyo tacbashadooda loo qoondeeyo 10% miisaaniyadda dal walba si kor loogu qaado wax soo saarka.

Talooyinka shirka ka soo baxa ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo madaxweynayaasha dalalka Afrika ee toddobaadka soo socda shir ku yeelan doona magaalada Kampala.

Maxaa looga Hadlay Kulankii dhaxmaray GuddoomiyeAadan Madoobe Duqa Muqdisho?

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is xogwaraysi xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, kaas oo uu goob joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin Iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay Qaabilada iyo hambalyada isagoo intaa kadib ka dalbaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii uu baarlamaanka u meel marin lahaa Maqaamka Caasimadda iyo bulshada Gobolka Banaadir ee dhowrka milyan ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.

 

-DHAMAAD-

Maxay ka wada hadleen Safiirka UK Ingiriiska ee Soomaaliya Iyo Wasiirka Qoyska ee XFS?

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

 

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, arrimaha la xiriira howlaha wasaaradda qoyska iyo sidii loo hormarin lahaa, iyada oo uu Danjiraha UK ee Soomaaliya uu soo dhaweeyey in Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi loo soo magacaabay Wasaaraddan Qoyska.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxa wasiiradda ku wehliyay oo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mahad celisay taageerrada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaan, iyada oo horay u haysay xilka wasiirka wasaaradda deegaanka.

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Cabdikariin “7 bari kadib ayaan idinla wadaagi doonaa jadwalka doorashooyinka iyo meelaha lagu qabanaayo.

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Cabdikariin Axmed Xassan Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka  ayaa warbaahinta la hadlay, isaga oo sheegay in todobaad wax ka yar ay ku soo shaacin doonaan jadwalka doorashooyinka.

Guddomiyaha ayaa sheegay in uu guudigaan madax banana yahay, ayna shaqadiisa tahay in uu dalkaan doorasho hufanoo qof iyo cod ah ka qabtaan; isaga oo tilmaamay in sannadkii 1969-kii ugu dambeysay doorasho loo dareero.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in uu ujeedka guddiigaan yahay in ay fududeeyaan dadka Soomaaliyeed in ay soo doortaan hoggaankooda, isaga oo sheegay in todobaad kaddib jadwalka doorashada, diiwaangelinta iyo diiwaangelinta codbixiyaasha.

“Waxaan idinla wadaagi doonnaa todobaad gudahood jadwalka weyn ee doorashada, marka uu billaabanayo diinwaangelinta ururada, codbixiyaasha,, waxaan billaabi doonnaa in aan asteyno goobaha doorashada”. ayuu yiri, Guddomiye Cabdikariin Axmed Xassan.

Guddigaan ayaa waxaa la dhisay bishii November ee sannadkii tagay, isaga oo ujeedku yahay in uu dalka ku hoggamiyo doorasha ku saleysan axsaab iyo in ay dhacdo doorasha qof iyo cod.

{DAAWO MUUQAAKA} Murugo iyo Oohin is qabsatay qabriga AUN Xaaskii Dayax Dalnuurshe

0

Khamiis 9 Jan 2024 {HMC} Dadkii ugu badnaa oo ka qeybgalay Salaadda Janaasada ee Xaaska Dayax Dalnuurshe iyo Sheekh Janaasada Tujinayey oo la ilmeeyey hal arrin darteed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.