Home Blog Page 139

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan sheekh Maka qeeyb gali Doonaa kulanka Dhacaa Itoobiya.?

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC}  MW Xasan sheekh Maka qeeyb gali Doonaa kulanka Dhacaa Itoobiya.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Abii Axmed oo Socod ku maray waodoyinka Jigjiga

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa gaaaray Magaalada Jigjiga Caasimada DDS.

mas,uuliyiinta ayaa ka qayb-galaya xarig jarka mashuurca Shabeelle ee Dalxiiska kaas dhowaan laga hirgaliyay, sidoo kale waxay ka arrinsan doonan arrimaha Gobolka

Madaxda Soomaaliya, Jabuuti & Itoobiya oo Jigjiga ku kulmaya…

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo Itoobiya u yimid ka qeybgalka munaasabadda furitaanka mashaariic horumarineed.

Labada madaxweyne ayaa si diirran oo maamuus leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, iyadoo ay wehliyeen masuuliyiin sare iyo wufuud heer sare ah. Madaxda maanta iskugu timid magaalada Jigjiga ayaa ka qaybgalaya goobo dalxiis oo dhisay deegaanka Shabeelle ee Deegaanka Soomaalida.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in mashaariicda la furayo ay qeyb ka yihiin qorshayaal ballaadhan oo lagu horumarinayo ganacsiga, isku xidhka gaadiidka, iyo is-dhexgalka gobolka, iyadoo Geeska Afrika loo arko mid istiraatiiji ah balse muddo dheer ay saameeyeen colaado iyo xasillooni darro.

Raysal Wasaare Abiye oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa yidhi: Soo dhawaada walaalahaygii Afrikaanka ahaayow.

Abiye Axmed ayaa inta badan madaxda waddamada jaarka siiba Somaaliya iyo Itoobiya ku martiqaada furitaanka mashaariicda horumarineed, isaga oo hore ugu martiqaaday biyo-xidheenkii wayna GERD ee xadhiga laga jaray sannadkii hore.

Inkasta oo uu soo wanaagsanaanayo xidhiidhka u dhexeeya madaxda Soomaaiya iyo Itoobiya kadib is-afgaradkii aan la fulin ee Itoobiya iyo Somaliland, hadana Itoobiya waxay sheegtay in ay walaac ka qabto xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Masar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Jabuuti ayaa heshiis iskaashi oo la xidhiidha dekedaha oo aan Addis Ababa laga soo dhawayn la gashay Masar.

Qaramada Midoobey oo khatar ugu jirta burbur dhaqaale oo degdeg ah

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adda ay halis ugu jirto burbur dhaqaale oo degdeg ah sababo la xiriira khidmadaha aan la bixin iyo xeerarka miisaaniyadda oo qasba inay soo celiso lacag aan la isticmaalin oo laga yaabo in aysan marnaba helin.

Warqad uu u diray safiirada QM, Antonio Guterres ayaa sheegay in fulinta barnaamijyada Qaramada Midoobay ay khatar ku jirto.

Afhayeen ku-xigeenka QM, Farhan Haq, ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo konton dowladood oo xubno ah ay bixiyeen khidmadahooda. Laakiin wuxuu intaas ku daray in weli hal bilyan iyo lix boqol oo milyan oo doollar ay ka dhiman tahay.

Dowladda ugu deeqda badan QM oo ah Maraykanka ayaa diiday inay bixiso lacagaha waajibka ah isla markaana hoos u dhigtay taageerada iskaa-wax-u-qabso ee hay’adaha QM.

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Xoojinayo Taageerada Millatari uu Siinayo Soomaaliya

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Turkiga oo Xoojinayo Taageerada Millatari uu Siinayo Soomaaliya

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Koox Hubeeysan oo Weerar ku qaaday Garoon diyaaradeed.

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Wasaaradda difaaca Niger ayaa sheegtay in afar askari la dhaawacay lana dilay 20 weerar-yahan, iyada oo telefishinka dowladda uu sheegay in qof Faransiis ah uu ku jiro dadkaas la dilay.

Waxaa sidoo kale la xiray 11 qof oo la xiriira weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Diori Hamani habeenkii Arbacada ilaa Khamiista, halkaas oo rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn laga maqlayay agagaarka garoonka.

Jimcaha, kooxda Islaamiga ah ee ISIS, iyada oo adeegsanaysa adeegga wararka Amaq, ayaa sheegtay in ay ka dambeysay “weerar isku-duwan oo lama filaan ah” oo lagu bartilmaameedsaday “saldhigga militariga” ee ciidanka Niger.

In ka badan 100 qof oo ku dhintay burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen macdan-qodayaal, carruur iyo haween. Qaar ka mid ah dadkaas, ayuu sheegay in la badbaadiyay.

Goobtan ayaa soo saarta qiyaastii shan iyo toban boqolkiiba koltanka adduunka, oo ah macdan muhiim u ah soo saarista taleefoonnada gacanta iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah. Tan iyo 2024, goobtu waxay hoos imaanasay gacanta kooxda fallaagada ah ee M-23.

(In ka badan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa ka shaqeeya warshadaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo shilalka dhimashada keena ay aad ugu badan yihiin.)

Madaxweynah Soomaaliya oo ku wajahan dowlad deegaanka Soomaalida.

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabad xarig-jarka xarunta dalxiiska ee Shabeelley, oo ku taalla gobolka Faafan.

Inta uu ku sugan yahay halkaasi, Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona xarunta laga dhaliyo korontada dabaysha ee ku taalla magaalada Ayshaca ee gobolka Sitti, taas oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.

Safarkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, oo shalay gaaray halkaasi, taas oo muujineysa muhiimadda uu safarkani u leeyahay iskaashiga dalalka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo Dowlad Deegaanka Soomaalida la qaadan doona kulamo gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda deegaanka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka, iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha xuduudaha.

Safarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, isla markaana kor u qaado xiriirka dalalka Geeska Afrika.

Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

0

Sabti 31 Jan 2026 {HMC} Wafuud horudhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah booqashada la filayo inay ku yimaadaan caasimadda.

Wafuuddan ayaa la filayaa inay gogol xaar u sameeyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa berri ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

 

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaraya Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagu ku maqan dalka dibadiisa.

Dood adag ayaa Muqdisho waxaa ay ku dhexmari doontaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Deni, Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka.

Imaanshaha wafuuddan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro is-faham darro iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo ka dhigeysa mid si weyn isha loogu hayo natiijada kulamada ka dhici doono Muqdisho.

Bilateral Meeting Between Somalia and India

0

Friday 30 Jan 2026 {HMC} Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali , held a bilateral meeting today in New Delhi with H.E. Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Minister of External Affairs of the Republic of India.

The discussions focused on strengthening Somalia-India relations and expanding cooperation in trade, education, and health.

The Minister expressed Somalia’s appreciation for India’s continued support for Somalia’s sovereignty and territorial intergrity.

Both sides agreed to sustain close engagement and advance practical follow-up steps that translate this partnership into tangible outcomes.