Home Blog Page 1394

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-01-2025}

Talaado 8, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali & Shugri Baryare 

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya.

0

Wednesday 8, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.

                                      DHAMAAD

Strengthening Somali-Libyan Relations.

0

Wednesday 8, Jan 2025 {HMC} His Excellency Ambassador Ahmed Moalim Fiqi, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, held a constructive phone conversation with His Excellency Taher Salem Al-Baour, Acting Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Libya.

The discussion centered on enhancing bilateral relations and fostering collaboration in various sectors. Minister Al-Baour extended warm congratulations to the Somali government for its election to the United Nations Security Council for the 2025-2026 term and commended Somalia’s remarkable progress in key areas.

Both ministers reiterated their commitment to strengthening the fraternal bond between the two nations and agreed to advance joint efforts on regional and international matters of shared importance.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 08/1/2025

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOSKA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Dallacsiisay Saraakiil ka tirsan Ciidamada

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Puntland oo Dallacsiisay Saraakiil ka tirsan Ciidamada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo Xaaskiisa Muqdisho ku geeriyootay

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) – Ilaah ha u naxariistee waxaa barqonimadii maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaskii fannaanka caanka ahaa Dayax Dalnuurshe , waxaana la sheegay xaaska fannaanka ee geeriyootay in maalmihii lasoo dhaafay ay xanuunsaneysay.

Geerida Farxiya The Boss Lady , oo aheyd xaaska fannaan Dayax Dalnuurshe ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada, waxaana geerida gabadhan oo aheyd caan si weyn uga wada naxay dhammaan dadkii maqlay iyo dadkii ehelkeeda ahaa.

Madax hore, kuwa xilal haya, siyaasiyiin, fannaaniin iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed , ayaa si weyn uga tacsiyadeeyay geerida ku timid ilaah ha u naxariistee xaaska fannaan Dayax Dalnuurshe oo ah fannaan reer Muqdisho ah si weyna loo yaqaan.

Geerida gabadhan , ayaa noqotay midda ugu saameynta iyo hadalheynta badan ee dhacda sannadkan bilowga ah, waxaana baraha bulshada meel walbo taala tacsida marxuumad Farxiyo oo aheyd gabar bulshada Soomaaliyeed ay si weyn u yaqaaneen.

{DAAWO MUQAALKA} Qaabkee Odoyaasha dhaqanka Hiiraan ugu Wareejiyeen Amaanka Baladweyne DFS

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Qaabkee Odoyaasha dhaqanka Hiiraan ugu Wareejiyeen Amaanka Baladweyne DFS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo Muqdisho ku Geeriyootay.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo Muqdisho ku Geeriyootay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Askari Booliis Ah oo Lagu Dilay Magaalada Gabilay ee Soomaaliland.

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland, gaar ahaana qaybta nabadgalyada wadooyinka, ayaa shalay galab lagu dilay magaalada Gabilay.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Buux Ismaciil Mirre, ayaa markii la dilay kasoo baxay Jaamacadda Timada Cadde ee magaalada Gabilay, oo uu wax ka baran jiray isla markaana uu imtaxaan ku lahaa.

Cabdi yusuf, oo ay isku fasal ahaayeen ayaa sheegay in uu baabuurkiisa kusii qaaday abaaro 4:30 galabnimo, si ay u galaan imtaxaanka, kadibna ay kasoo baxeen 5:30 galabnimo, lakiin Buux aanu soo raacin oo uu u sheegay in uu soo lugaynayo kadibna la dilay intii uu dhexda soo socday.

“Imtixankii waxaanu ka soo baxnay 5:30 kadibna wuxuu igu yidhi iska tag aniga iyo inamo kale ayaa soo lugaynayna, subxanala sacaada ka buuxday dhexda markan soo marayay ayaa la ii sheegay in la togtay Alle ha u naxaristo” ayuu yidhi Yuusuf.

Xakiin Furre, oo ay aqoon isku lahaayeen Buux, ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay in Buux uu asxaabtiisa u sheegay in ay nin bajaajle ah is laayeen ka hor intii aanu jaamacada iman, isla amarkaana uu doonayay in uu xidho lakiin uu imtaxaanku kasoo gaadhay oo aanu wakhtigu u saamixin.

“Waxa uu u sheegay midka mid ah ardayda in ay nin bajaajle ah islaayeen, isla markaaana uu doonayay in uu xidho lakiin uu wakhtiga imtaxaanku kasoo gaadhay” ayuu yidhi Furre.

Ninka askariga dilay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana ku raadjooga Ciidamada Booliiska Gobolka Gabilay.

President Mohamud heads to Beledweyne to address political disputes in Hirshabelle State,

0

Wednesday 8,Jan,2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud is set to visit Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, to address longstanding grievances between the local community and the Hirshabelle administration.

The visit follows a significant development led by a federal delegation that included Army Chief General Odawaa Yusuf Raage and National Intelligence and Security Agency (NISA) Director Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe. The delegation agreed with Hawadle clan leaders to transfer Beledweyne’s security to federal forces to stabilize the town and address governance issues.

President Mohamud is expected to join the delegation to listen to community concerns, particularly regarding the power-sharing process within Hirshabelle State and related political disputes.

Hiiraan MP Abdirahman Gurey urged local elders to prepare for constructive dialogue, emphasizing the federal government’s intent to address key issues. “The President has conveyed a clear message: security must be handed over to the government and then discussions will be held in Beledweyne to address and rectify grievances.”

Beledweyne has long faced security challenges, including rivalries among factions, armed militias, and clan-based disputes. Federal officials underscored the importance of centralized security in fostering stability and improving regional governance.