Home Blog Page 1393

{DAAWO MUQAALKA} Sidee U arkaan Shacabka Baladweyne in Amaanka Maga

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Sidee U arkaan Shacabka Baladweyne in Amaanka Maga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Dadka Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyey Geerida Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Dadka Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyey Geerida Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} “Dayax dalnuurshe garabkaaga ayaan taaganahay walalkey dumaashi Allah u naxariisto”.Fanaan Albakri.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} “Dayax dalnuurshe garabkaaga ayaan taaganahay walalkey dumaashi Allah u naxariisto”.Fanaan Albakri.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} DF oo maanta la wareegtay 700 oo tan oo gargaar ah.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} DF oo maanta la wareegtay 700 oo tan oo gargaar ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Askari Booliis Ah oo Lagu Dilay Magaalada Gabilay ee Soomaaliland.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Askari Booliis Ah oo Lagu Dilay Magaalada Gabilay ee Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Mursal “Fanaanka Dayax Dalnuurshe waxaan la qeybsaneynaa murugada Illaahay ha unaxariisto Farxiyo”

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Mursal “Fanaanka Dayax Dalnuurshe waxaan la qeybsaneynaa murugada Illaahay ha unaxariisto Farxiyo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{ DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Qaabilay Safiirka Turkiga u Fadhiyo Soomaaliya

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.
Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.

Guddoomiyaha cusub Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Maanta Lagu Wareejiyay Xilka

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub Hay’adda Qaxootiga Qaranka & Barakacayaasha & guddoomiyhii Xilkaan laga qaaday.

Axmed Xuseen Cilmi ayaa xilka kala wareegay Safiya Xasan Maxamed oo xilkaan dhowaan laga qaaday, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa bogaadiyay Guddoomiyihii hore ee Hay’addaan.

Cali Xoosh ayaa Guddoomiye Axmed Xuseen faray in uu sii wado howlaha shaqo ee horyaalla si Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha ay wax uga qabato duruufihii loo aasaasay sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xilka la wareegay ee Axmed Xuseen Cilmi ayaa si kooban u sheegay in uu dardargelin doonno dedaalka lagu dhinac istaagayo dadka tabaabaleysan gaar ahaan Barakacayasha, Qaxootiga Dalka ku sugan & Dadka dib ugu soo laabtay Waddanka.

Maxaay Tahay Sababta Wiilka Sheekh Yuusuf Al Qaradaawi oo loogu gacan galinayo Imaaraadka?

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) –  Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay Talaadadii in ay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Wang Yu iyo Wafdi la Socday oo Boosaaso kula kulmay Madaxweyne Deni

Talaado 8, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Wang Yu iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Siciid Deni iyo Amb. Wang Yu , ayaa kulan gaar ah ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen horumarka ka jira deegaannada Puntland iyo sida Shiinaha maamulkaasi uga taageeri karo mashaariic.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa uga mahadceliyay safiirka Shiinaha booqashada uu ugu yimid magaalada Boosaaso, waxa uuna ka codsaday dowladda Shiinaha in maamulkiisa ka taageerto mashaariicyo waxtar u leh dadka iyo deegaannada Puntland.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland u dhaxeeyay ayaa go’ay labadii sano ee lasoo dhaafay , Madaxweynaha Puntland ayaana wakiiladda beesha caalamka si gaar ah ula kulmayay , isaga oo kala hadlayay xaaladaha ka jira Puntland iyo taageerada ay uga baahan yihiin.