Home Blog Page 1392

Dabki ugu khatarsanaa oo ka socda duleedka Los Angeles

Khamiis 9,Jan 2025 {HMC}  Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 1,000 gurina ay ku basbeeleen dab xoog leh oo tan iyo Talaadadi ka socda hareeraha magaalada Los Angeles ee dalkan Mareykanka.

Guryo iyo goobo ganacsi ayaa gubtay, iyadoo dadka deegaanka oo ay ku jireen dad caan ka ah Mareykanka ay ka carareen xaafado lagu tilmaamay kuwa ugu qaalisan gobolka California.

Inta badan dabka xooggiisa ayaa billowday Talaadadi, waxana markiiba sii huriyay dabaylaha Santa Ana, oo la sheegay in ay ku socdeen xawaare dan 112 km saacaddiiba.

Dabeylaha ayaa sii socday Arbacadi shalay, waxana diyaaradaha dab damiska qaar ay ku qasbeen in ay gaabiyaan duulimaadka joogga hoose ee biyo rusheynta iyaga oo ka baqayay halista dabka.

Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa sheegtay in waaxdu loo diyaariyay la tacaalista ugu badnaan laba dab oo waaweyn, balse aysan awoodin afar dab.

Wuxuu sheegay dabka oo ka hadda ka socda afar meel oo ah hareeraha magaalada, uu gubay in ka badan 2,000 oo hektar walina uu sii fidayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ansixiyay xaalad deg deg oo heer federal ah, oo la xiriirta dabka ka socda California.

Amarka deg degga ah ayaa u ogolaanaya dowladda federaalka in ay lacag iyo agab deg deg ah geyso halka uu dabka ka socdo. Biden ayaase ka digay in soo kabashada deegaanka ay qaadan doonto waqti.

Wiilka uu dhalay Shiikh al-Qaradaawi oo Lo gacan geliyay Imaaraadka Carabta.

0

Arbaco, 8,Jan 2025 {HMC} Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay Talaadadii in ay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-01-2025.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay 08-01-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Mareykanka oo ku eedeyay Xasuuq Kooxda RSF Cunaqabateyna ku soo ragay hoggaamiyahooda

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) – Mareykanka ayaa ogaaday in ciidamada fallaagada Suudaan iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen kumanaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Cunaqabataynta ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda.

Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay gacanta ku hayso.

Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxayna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka baxsan kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in dadka qaar loo dilay isirkooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

Dowladda Mareykanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

“Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas’uul ka yahay xumaanta iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa,” ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay toddobo shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta isla markaana RSF ay hub ka iibsadaan.

Duqeymaha Israa’iil oo 19 qof ku dilay Koonfurta Qasa, 8 kamid ah ayaa carruur ahaa

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) –  Ugu yaraan 19 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil habeenkii xalay ahaa ka fuliyeen koonfurta Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka maxalliga ah.

Wararka ayaa sheegaya in hooyo iyo afarteeda carruur ah lagu dilay markii xero barakacayaal oo ku taal al-Mawasi la duqeeyay. Sidoo kale, qoys kale oo isugu jiray waalid iyo carruurtooda ayaa ku naf waayay magaalada ku dhow ee Khan Younis.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro dhowr ah oo lagu beegsanayay dagaalyahanada Xamaas ee ka qeyb qaatay weerarkii 7-dii October 2023 ee ka dhanka ahaa Israa’iil, kaas oo sababay dagaalka Qasa.

Duqeymo dhimasho sababay ayaa sidoo kale laga soo sheegay bartamaha iyo waqooyiga Qasa, halkaas oo wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay sheegtay in guud ahaan 51 qof lagu dilay Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dowlada Lubnaan oo wiilka Sheekh al-Qaradawi u gacan gelinaysa Imaaraadka

Arbaco, 8,January 2025 (HMC) – Beirut — Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay Talaadadii in ay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

{DAAWO MUQAALKA} Sidee U arkaan Shacabka Baladweyne in Amaanka Maga

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Sidee U arkaan Shacabka Baladweyne in Amaanka Maga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Dadka Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyey Geerida Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Dadka Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyey Geerida Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} “Dayax dalnuurshe garabkaaga ayaan taaganahay walalkey dumaashi Allah u naxariisto”.Fanaan Albakri.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} “Dayax dalnuurshe garabkaaga ayaan taaganahay walalkey dumaashi Allah u naxariisto”.Fanaan Albakri.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} DF oo maanta la wareegtay 700 oo tan oo gargaar ah.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} DF oo maanta la wareegtay 700 oo tan oo gargaar ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.