Home Blog Page 1391

UAE delivers 700 tons of food aid to drought-stricken Somalia.

0

Thursday 9,Jan,2025 {HMC} The United Arab Emirates (UAE) delivered 700 tons of food aid to Somalia on Wednesday to support families affected by severe drought across the Horn of Africa country, Anadolu Agency reports.

According to the Somali National News Agency, the aid was handed over to Somalia Disaster Management Agency (SoDMA) during a ceremony attended by UAE Ambassador to Somalia, Ahmed Juma Al-Rumaithi, and SoDMA Commissioner, Mahmoud Moallim Abdulle.

Abdulle said that the food supplies will be distributed in multiple drought-affected regions. “Three hundred tons have been allocated to Kismayo in Jubaland State, while 200 tons are designated for Garowe in Puntland State, located in the north-east,” he said.

An additional 200 tons will be transported to secure areas near the capital, Mogadishu, via road to ensure swift delivery to those in need. Another 200 tons will be directed to accessible areas between Mogadishu and Jowhar and surrounding regions, Abdulle added.

The Commissioner expressed gratitude to the UAE for its continued support in addressing Somalia’s humanitarian crises. “The agency is working to strengthen its efforts to combat the impacts of drought and famine in collaboration with friendly nations,” Abdulle said.

Somalia has faced recurring droughts and famine for years, devastating agricultural lands and causing mass livestock deaths due to water and vegetation shortages.

In 2023, approximately 3.9 million people were reported to be affected by these compounding crises.

{DAAWO MUUQAALKA} Khilaaf Culus oo ka dhax qarxay Afgaanistaan iyo Iiraan.

0

Khamiis, 9,Jan 2025 {HMC} Khilaaf Culus oo ka dhax qarxay Afgaanistaan iyo Iiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo shaacisay waxa ay ka yeelayso haddii ajaanib Daacish ka tirsan ay isku soo dhiibaan.

0

Khamiis, 9,Jan 2025 {HMC} Puntland oo shaacisay waxa ay ka yeelayso haddii ajaanib Daacish ka tirsan ay isku soo dhiibaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyaad Dilay Wiil iyo Aabihiis oo Lagu raad joogo.

0

Khamiis, 9,Jan 2025 {HMC} Maleeshiyaad Dilay Wiil iyo Aabihiis oo Lagu raad joogo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii Diiday in uu Duqeeyo Hargeysa oo ka Sheekeeyay Sababta uu ku Diiday.

0

Khamiis, 9,Jan 2025 {HMC} Ninkii Diiday in uu Duqeeyo Hargeysa oo ka Sheekeeyay Sababta uu ku Diiday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Xaadoolle” Qof dil Qabiil geeystay Lama Cabin doono.

0

Khamiis 9, Jan 2025 {HMC} Xildhibaan Xaadoolle” Qof dil Qabiil geeystay Lama Cabin doono.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Puntland: Shacabka oo lagu boorriyay la dagaallanka Daacish

Khamiis 9,Jan 2025 {HMC}  Maamulka magaalada Qardho ee Puntland ayaa dadka ku nool gobolka Karkaar ee Puntland ku boorriyay in ay door ka ciyaaraan, dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay Puntland weerartay fariismaha Daacish ee dhulka buuraleyda gobolka Bari. Warbixintan waxaa Bosaso kasoo diray, Yusuf Maxmud Yusuf.

Dowladda Mareykanka oo awoodeeda isugu gaynaysa xakameynta dabka LA

Khamiis 9,Jan 2025 {HMC}  Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay sameyso wax walba oo karaankeeda ah, si loo xakameeyo dabka cusub ee ka kacay qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California, sida uu sheegay madaxweyne Biden.

Madaxweyne Biden ayaa muujiyay in waqti dheer ay qaadan karto la tacaalidda xaaladda dabka, balse ay wax walba u hurayaan sidii loo xakameyn lahaa.

Wuxuu amar ku bixiyay in dowladda dhexe ay kaalmeyso tan gobolka si ay ugu guulaystaan dadaallada socda ee wax looga qabanayo dabka holcaya ee sida xowliga ah ku baahaya.

Tobnaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza

Khamiis 9,Jan 2025 {HMC}  Ciidamada Isra’il ayaa Arbacadi shalay sii waday duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyadoo oo ay saraakiisha caafimaadku xaqiijiyeen dhimashada ku dhawaad 50 qof.

Madaafiic lagu garaacay xaafadda Sheekh Ridwaan ee magaalada Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay 20 qof. 10 ka mid ah ayaa lagu duqeeyay dhisme ka koobnaa dhowr dabaq.

Todobo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xerada qaxootiga ee Jabaaliya ee ku taalla deegaanka Deyral Balax ee bartamaha Gaza.

War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ciidankoodu ay madaafiic ku bartilmaameedsadeen iskuul ku yaalla Jabaaliya oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen Xamaas. Waxay kaloo sheegeen in ay tallaabo u qaadeen sidi ay u yareyn lahaayeen khasaaraha rayidka.

Colaadda Gaza ee 15-ka bil socota ayaa la sheegay in ay ciidamada Isra’il ku dileen ku dhawaad 50,000 oo Falastiiniyiin ah.

Dhanka kale magaalada Doha waxaa wali ka socda wadahadallada ay dhexdhexaadinayaan Mareykanka, Masar iyo Qatar, ee lagu rabo in xabbad joojin lagu kala dhex dhigo Xamas iyo Isra’il.
Wali heshiis rasmi ah ma aysan gaarin dhinacyada.

Dabki ugu khatarsanaa oo ka socda duleedka Los Angeles

Khamiis 9,Jan 2025 {HMC}  Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 1,000 gurina ay ku basbeeleen dab xoog leh oo tan iyo Talaadadi ka socda hareeraha magaalada Los Angeles ee dalkan Mareykanka.

Guryo iyo goobo ganacsi ayaa gubtay, iyadoo dadka deegaanka oo ay ku jireen dad caan ka ah Mareykanka ay ka carareen xaafado lagu tilmaamay kuwa ugu qaalisan gobolka California.

Inta badan dabka xooggiisa ayaa billowday Talaadadi, waxana markiiba sii huriyay dabaylaha Santa Ana, oo la sheegay in ay ku socdeen xawaare dan 112 km saacaddiiba.

Dabeylaha ayaa sii socday Arbacadi shalay, waxana diyaaradaha dab damiska qaar ay ku qasbeen in ay gaabiyaan duulimaadka joogga hoose ee biyo rusheynta iyaga oo ka baqayay halista dabka.

Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa sheegtay in waaxdu loo diyaariyay la tacaalista ugu badnaan laba dab oo waaweyn, balse aysan awoodin afar dab.

Wuxuu sheegay dabka oo ka hadda ka socda afar meel oo ah hareeraha magaalada, uu gubay in ka badan 2,000 oo hektar walina uu sii fidayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ansixiyay xaalad deg deg oo heer federal ah, oo la xiriirta dabka ka socda California.

Amarka deg degga ah ayaa u ogolaanaya dowladda federaalka in ay lacag iyo agab deg deg ah geyso halka uu dabka ka socdo. Biden ayaase ka digay in soo kabashada deegaanka ay qaadan doonto waqti.