Home Blog Page 1396

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Gureey “Xarumaha Dowladda ee Baladweyne ee Ciidamada lagu wareejiyo”

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Xildhibaan Gureey “Xarumaha Dowladda ee Baladweyne ee Ciidamada lagu wareejiyo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaro Xoogan oo ka dhashay Dhul Gariir ku dhuftay wadanka Shiinaha.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Khasaaro Xoogan oo ka dhashay Dhul Gariir ku dhuftay wadanka Shiinaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Siyaasigii Midigta Fogaa ee Faransiiska oo Geeriyooday.

0

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Siyaasigii Midigta Fogaa ee Faransiiska oo Geeriyooday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Baladweyne u imaanaya xal u helista tabashada reer Hiiraan.

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan ku wajahan Magaalada Baladweyne halkaas oo la dhigayo gogol lagu dhageysanayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey oo sheegay in uu fariin ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odoyaasha dhaqanka Hiiraan kahor sheegay in ay u diyaargaroobaan wadahadalkaas si xalka loo raadiyo.

Waxa uu tilmaamay in aanay suuragal noqon Karin in siyaasad ahaan la kala qaybsamo iyada oo la heli karo xal waara oo laga gaari karo tabashooyinka ku taagan reer Hiiraan sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey.

“Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in Amniga Dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Baladweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, Dowladda Federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer Ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey.

Odoyaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno kale oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan waxa ay marar kala duwan soo jeediyeen dhaliil ka dhan ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa haatan socda kulamo lagu xalinayo eedahaas.

TRUMP oo ku dhowaaqay in uu awood Milliteri u adeegsanayo saddex dal.

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5.

Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America.

Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka.

Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: “Maya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.”

Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faa’iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay.

Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland.

Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: “Uma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.”

“Hadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham la’aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,” Wasiirka arrimaha dibadda Canada Mélanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X.

Mas’uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.

Shiinaha oo faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay dhul gariirka Tibet

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo halkaasi ka dhacay Talaadadi.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabirka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dhacay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyi kaga beegan buurta Everest oo ah buurta ugu dheer aduunka. Gariirka wuxuu sidoo kale ruxay dhismayaal ku yaal Nepal, Bhutan iyo Hindiya oo deriska la ah.

Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in Talaadadi ilaa iyo saakay oo Arbaca ah lasoo badbaadiyay in ka badan 400 oo qof, halka ilaa 30,000 oo kale dib u dajin loo sameeyay.

Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul gariirka halka dhaawacyadu ay marayaan 188 guud ahaan gobolka Tibet. Dhanka dalka Nepal wali lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sahan hordhac ah ayaa muujiyay in 3,609 guri ay ku burbureen magaalada Shigatse ee Tibet, oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.01.2025}

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maamulada isdiidan ayaa isbaarada dhashay iyagana dhinac ayaan isugu shubeynaa”Odayaasha Hiiraan”

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Maamulada isdiidan ayaa isbaarada dhashay iyagana dhinac ayaan isugu shubeynaa”Odayaasha Hiiraan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Halkee Laga Keenay Maandooriyaha Farabadan ee Lagu Gubay Manta Laascaanood?

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Halkee Laga Keenay Maandooriyaha Farabadan ee Lagu Gubay Manta Laascaanood?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sanbaloolshe “Baladweyne Nabad ka dhiga ama Anaga nagu soo wareejiya.”

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Taliye Sanbaloolshe “Baladweyne Nabad ka dhiga ama Anaga nagu soo wareejiya.”

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY