Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan Idinkugu soo Gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan Idinkugu soo Gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u soo magacawday dalka Hindiya , mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa maanta ugudbiyay Nuqul kamida Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo, Agaasimaha Hab maamuuska Qaranka ee dalka India, Mudane Mr. Anshuman Gaur.
Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowladda Hindiya ku soo dhaweeyay danjiraha cusub.
Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa isna dhiniciisa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo kulanka gudbinta Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo.
Labada masuul ayaa inta uu kulan koodu socday is dhaafsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhaxeeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xidhiidh kale oo bulsho.
Labada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo sii xoojinta iyo sara uqaadida xiriirka labada dal.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Culimada Ahlu-sunna oo baaq kasoo saaray xaalada dalka
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo mudooyinkii la soo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo horay u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan Sate.
Mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi ah uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku ah qaranimada dalka.
Taliyaha NISA ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii mad madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay mad madowga siyaasadeed.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey oo Ahaa Mid kamid ah Madaxweyneyaashii Sheegtay Hiiraan State ee Maanta La Heshiiyay Dowladda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} puntland oo War Cusub kasoo Saartay Howlgalada ka socda Gobolka Bari.
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda si uga qayb galo shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika oo ay martigalinayso Dowladda Uganda.
Wasiirka ayaa waxaa Airport-ka Entebbe kusoo dhaweeyay Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka JFS ee Uganda iyo madax kale.
Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa looga hadlayaa istaraatiijiyada shaqo ee Ururka 10-sano ee soo socota 2026- 2035.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Ruushka ayaa ku andacoonaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada jiidda hore ee Kurakhove ee bariga Ukraine ee gobolka Donetsk.
Magaaladu waxa ay xanbaarsan tahay horumarka Ruushka bilihii la soo dhaafay waxana ay jaranjaro u tahay xudunta saadka ee magaalada Pokrovsk.
Ukraine ma aysan qiran in laga qabsaday Kurakhove, oo 35km koonfur ka xigta Pokrovsk.
Dagaal ba’an ayaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Kursk ee dalka Ruushka kadib markii Ukraine ay qaaday weerar rogaal celis ahaa maalintii Axadda.
XIGASHO BBC
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalalka Afrika ay ” illoobeen” inay u mahadceliyaan Faransiiska sida uu dalalkooda uga badbaadiyay inay maamulaan kooxaha hubeysan.
“Waxaan u maleynayaa inay illoobeen inay noo mahadceliyaan, laakiin waa caadi, waxay imaan doontaa waqtigeeda,” Macron ayaa yiri sidaa.
Midkoodna ma yeelan lahaayeen dowlad madax-bannaan haddii uusan Faransiisku ciidankooda u soo dirin gobolkan,” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha Faransiisku.
Faallooyinkiisa ayuu ku sheegay kulan sanadle ah oo ka dhacay magaalada Paris oo ay isugu yimaadeen safiirada Faransiiska, waxaana diirada lagu saaray siyaasada arrimaha dibadda ee Faransiiska ee sanadkan 2025-ka.
XIGASHO BBC
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Dowladaha Urdun iyo Suuriya ayaa bilaabay iskaashi cusub oo ay ku sugayaan xuduudda ay wadaagaan, si ay uga hortagaan tahriibka hubka iyo daroogada, isla markaana ula dagaalamaan in kooxda Daacish (ISIS) ay dib ugu soo laabato gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun, Ayman Safadi, ayaa ku tilmaamay guddi-wadaagga cusub ee amniga inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul.
“Waa tallaabo loo qaaday dhinaca wada-shaqeynta iyo hagaajinta xaaladda guud ee amniga xuduuddaha,” ayuu yiri Safadi, isagoo sidoo kale ka hadlay muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Al-Shibani, ayaa fursaddan uga faa’iidaystay inuu mar kale ku celiyo baaq uu ku codsanayo in cunaqabataynta Mareykanka ee saaran Suuriya laga qaado.
Wuxuu ku adkeystay in cunaqabatayntani ay tahay sababta ugu weyn ee hor istaagtay dadaallada dib u dhiska iyo soo kabashada Suuriya, taas oo ka dhalatay burburkii dagaalka sokeeye ee muddada dheer socday.
Sida ay wararku sheegayaan, guddiga wadajirka ah ee amniga ayaa xoogga saaraya in si gaar ah loola dagaallamo tahriibka daroogada, taas oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira xuduudda Urdun iyo Suuriya.
Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Golaha Deegaanka Jowhar.