Home Blog Page 1399

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-01-2025}

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::mustaf Cadoow & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOSKA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

{DAAWO MUQAALKA} 53 ruux ku dhintay Dhul gariir ka dhacay Shiinaha.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} 53 ruux ku dhintay Dhul gariir ka dhacay Shiinaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Doowladda oo Digniin Kasoo Saartay Deeqaha Bini’adamnimo ee la Siyaasadeeyo

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan deeqaha bini’adamnimo ee siyaasadeeysan, waxaana uu shaaca ka qaaday in Wasaaradda arrimaha dibadda ay qaadan doonto doorkeedi la xisaabtanka Hay’addaga caalamiga ah ee deeqaha siiya Soomaaliya.

“Ma joogno sanadihii 1992 ama 2008 waa ay ka duwan tahay xaalada xilligaan, kuwa indhahaasi nagu fiirinaya inaan sanadahaas aan joogno fadlan ookiyaalaha badasha, waxaa hadda joogta Dowladda Soomaaliyeed oo soo qaangaartay shaqadeedna qabsanaysa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay la wareegi doonto ay qabato Hay’ado magaca Soomaaliya gargaar kusoo qaada haddana geeya goobo aysan baahi ama dhibaata ka jirin.

Sidoo kale Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay inuu ka digaayo deeqaha la siyaasadeenayo, waxaana uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay la socoto kuwa falalkaasi gacanta kula jira.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiir Fiqi mar uu booqanayay Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Taliya odowaa oo Booqday Qeeyba Ka Mida Xeryaha Ciidanka Xoogga ee Gobalka Hiiraan

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqday qaar kamid ah xeryaha duleedka Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ay ku leeyihiin ciidamada Xoogga.

S/Guuto Odawaa Yuusuf ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS, waxa uu sheegay in ay ku garab taagan yihiin saraakiisha hoggaamineysa sidii loogu dhaqaaqi lahaa howlgalladaas.

Taliye Odawaa waxa uu kamid ahaa mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Odayaal dhaqameed ka qaybgalay aas Magaalada Baladweyne loogu sameeyay allaha u naxariistee ciidan katirsan Xoogga Dalka oo Ceel Baraf lagu dilay.

Bilihii u dambeeyay waxaa istaagay howlgalladii ka socday Gobolka Hiiraan, sababta keentay hakadkaas ayaa dad badan su’aal ka keeneen maadaama ciidamada Federaalka, Daraawiishta iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah ay weli joogaan xeryo kala duwan.

Xubno Mudo u Xirnaa Ka Mid Ahasha Daacish oo Madaxweeyne Dani Cafis U Fidiyay

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Ciidamada maamulka Puntland , ayaa buuraha gobolka Bari ka bilaabay howlgal balaaran oo ay ku doonayaan in kooxda Daacish halkaasi looga saaro, waxaana gobolkaasi muddo dheer ku sugan Madaxweyne Deni oo howlgalkan abaabulaya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in kooxda Daacish xiriir la lahaayeen kuwaa oo in muddo ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Siciid Deni , ayaa si gaar ah cafis ugu fidiyay shaqsiyaad kasoo jeedo gobolka Bari ee Puntland, kuwaa oo u xirnaa in ay katirsanaayeen kooxda Daacish ee buuraha gobolka Bari ku sugan, iyo qaarkood oo iyana lagu eedeeyay in ay xariiro la sameeyeen xubno katirsanaa ururkaasi.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiyada laga sii daayo eedaysanayaashaasi oo aysan si toos ah ugu caddayn in ay ka tirsanaayeen kooxaha Daacish, balse lagu eedeeyay in uu macaamil dhexmaray ama xiriir.

Warar kale oo soonbaxaya ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay kooxda Daacish in ay kasoo goosanayeen xubno katirsanaa kooxdaasi, kuwaa oo badankood la sheegay in ay ahaayeen rag kasoo jeeda gobolka Bari ee Puntland.

Magaalo Muhiim u Aheyd Ukraine oo Dagaal kula Wareegay Ruushka

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Ciidamada milatariga Ruushka , ayaa hormaro ka sameenaya dagaalka xooggan ay kula jiraan ciidamada Ukraine, waxa ayna Ruushka isku dayayaan in ay qabsadaan magaalooyin hor leh oo gacanta ugu jira dowladda Ukraine,.

Dagaallo maalmihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyn ciidamada Ruushka ugu suurto gashay in ay kula wareegaan magaalada jiidda hore ee Kurakhove ee bariga Ukraine ee gobolka Donetsk, waxaana magaaladan ka baxay ciidanka Ukraine ee difaaca uga jiray.

Magaalada ciidamada Ruushka la wareegeen ayaa muhiimad gaar ah u laheyd ciidamada milatariga Ukraine, waxa ayna aheyd magaalada ay usoo maraan saadka ciidamada Ukraine ee ku sugan qeybo kamid ah bariga dalkaasi.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, dagaalka ayaana qarxay kaddib markii weeraro rogaal celis ah ay qaadeen ciidamada UKraine oo isku dayaya in ay soo ceshtaan magaalooyin laga qabsaday.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sanbaloolshe”Madaxdii Hiiraan State ee aaday itoobiya Dowladnimada ayaan kusoo celinay”

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Taliye Sanbaloolshe”Madaxdii Hiiraan State ee aaday itoobiya Dowladnimada ayaan kusoo celinay”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} M/Cabdullaai Ganeey”Dowlada soomaaliya iyo anaga waxii Naga dhaxeeyey Manta Xal laga gaaray

Talaado 7, Jan 2025 {HMC}  M/Cabdullaai Ganeey”Dowlada soomaaliya iyo anaga waxii Naga dhaxeeyey Manta Xal laga gaaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Raaxeeye” Dowlada soomaaliya iyo Khilaafka Cabdullaahi Ganeey waan dhameeyneyna.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC}  Xildhibaan Raaxeeye” Dowlada soomaaliya iyo Khilaafka Cabdullaahi Ganeey waan dhameeyneyna.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA