Home Blog Page 1403

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeyay inuu nin ajnabi ah uxiray……..

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Ku dhowaad 100 Xildhibaan ayaa canbaareyn ka soo saaray qorshe ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ganacsiga dhoofinta xoolaha Soomaaliya ugu xiray hal ganacsade oo degan dalka Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ganacsadahaas uu yahay mid shisheeye oo uusanba Soomaali aheyn, iyagoo hoosta ka xariiqay in nolasha bulshada Soomaliyeed ay ku tiirsan tahay dhaqashada iyo dheefsiga xoolaha nool, isla markaana saldhig ama laf-dhabar ay u yihiin qaab-dhismeedka dhaqaalaha dalka.

“Inta ay Soomaaliya jirtay, Xooluhu waxay door weyn ku lahaayeen nolosha dadka Soomaaliyeed, iyagoo si weyn uga soo gaybqaatay xasiloonida quutal-daruuriga, hab-nololeedka iyo dhaqaalaha bulshada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanada ku saxiixan warqadaan.

Xildhibaanada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka jawaabayaan cabasho ka soo yeertay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti,” ayaa lagu yiri eedeyntaan ka soo yeertay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in tani ay tahay markii u horaysay ee ay dhacdo in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed hal shaqsi loo xiro “Hab-dhaqankan iyo maamul xumadaan aan laga firsan ee sida joogtada ah loogu xad gudbayo xaquuqaadka shucuubta Soomaaliyeed, wuxuu cunaqabataynayaa xaqa ganacsiga xorta ah ee muwaadinka, wuxuuna dhabar jab ku noqonayaa kobcinta dhaqaalaha wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in tani ay abuurayso in dad tiro badan oo ku tiirsanaa Xoolaha nool ay waayeen nolol maalmeedkoodi, iyagoo sheegay wadanka ay u horseedayso dhaqaale burbur baahsan oo ka daran kan maanta Soomaalidu wajahayso.

“Go’aankaas qaldani wuxuu saaxada ka saarayaa ganacsato Soomaaliyeed oo tiro badan, ganacsi xor ah, sinnaan iyo tartan cadaalad ah. Wuxuu horseedayaa

musuqmaasuq, burbur dhaqaale iyo shacab Soomaaliyeed oo ku shaqo waaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aankan dowladnimada uusan meelna ka soo gelin, marnaba ma nogon karo mid la aqbali karo. Waxana la wadaagaynaa oo ku boorrinaynaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed, wax-garadka, ganacsatada, culimada, bulsho weynta Soomaaliyeed iyo ururrada rayidka ah, inay si adag uga gutaan waajibka ka saaran wadanka, oo ay si degdega uga hor yimaadaan cunaqabataynta iyo xad gudubkaa dhaqaale ee lagu hayo ummaddaa Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo xoolaheena, hab nolo-leedka bulshada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay caddeynayaan in qalinka iyo shaqada qaran loo isticmaalo “dano gurracan waa dambi Qaran”’sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in loo wada istaago bad-baadinta dhaqaalaha dalka.

Barafka iyo qabowga oo fara-kabax noqday Mareykanka

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Duufaan wata dabeylo qabow iyo baraf ayaa wali ka socda gobollada bariga iyo bartamaha Mareykanka, kuwaas oo intooda badan ku jira xaalad deg deg ah oo la xiriira cimmilada qabow ee aadka u daran.

Isniinti shalay, magaaladan Washington D,C waxaa ka da’ay barafki ugu xooganaa muddo sannado ah, waxaa sidoo kale la mid ahaa gobollada u dhaw sida Maryland iyo Virginia.

Gobollada ku yaalla bartmaha oo ay ka mid yihiin Kansas, Nebraska, Missouri iyo Indiana, waddooyinka waaweyn ayaa waxaa xiray baraf xoog leh halkaas oo ay ku go’doomeen boqollaal gaadiid ah.

{DAAWO MUQAALKA} maxu yahay hanjabaada taliyaha guud ee Ciidamada uganda u jeediyay hogaamiyaha Macaaradka wadanksi.?

Axad 7, Jan 2025 {HMC} maxu yahay hanjabaada taliyaha guud ee Ciidamada uganda u jeediyay hogaamiyaha Macaaradka wadanksi.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muwaadiin Shiinees ah Oo Lagu qabtay Iyaga oo Dahab iyo Lacag Farabadan wato.

Axad 7, Jan 2025 {HMC} Muwaadiin Shiinees ah Oo Lagu qabtay Iyaga oo Dahab iyo Lacag Farabadan wato.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 06-01-2025.

waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Agoon Cabdalle oo go’aan adag ka qaatay isbaaro.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Beesha Agoon Cabdalle oo go’aan adag ka qaatay isbaaro.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoonka Cali madaxweyne “Waxaan balan qadayaa in hal nin wadadaas lagu arkin”

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Nabadoonka Cali madaxweyne “Waxaan balan qadayaa in hal nin wadadaas lagu arkin”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dadka la nool HIV/AIDS oo sameystay dallad Ama Urur ay ku Mideysan Yihiin.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Dadka la nool HIV/AIDS oo sameystay dallad Ama Urur ay ku Mideysan Yihiin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Daahir Shire Muxuu ka yiri Dhibaatada ka jirto Baladweyne.?

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Wasiir Daahir Shire Muxuu ka yiri Dhibaatada ka jirto Baladweyne.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Nabadoon Seefle ”Isbaarada Hadii aanan la qaadin Gobolka Hiiraan Nabad lagama sugaayo”

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Nabadoon Seefle ”Isbaarada Hadii aanan la qaadin Gobolka Hiiraan Nabad lagama sugaayo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA