Home Blog Page 1404

{DAAWO MUQAALKA} Waxaan ku heshiino hadday dhaqan galin waayaan Anagey ceeb nagu tahay.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Waxaan ku heshiino hadday dhaqan galin waayaan Anagey ceeb nagu tahay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Golaha wakiillada Somaliland oo meel mariyay ah golahii wasiirrada ee Madaxweyne Ciro.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Golaha wakiillada Somaliland oo meel mariyay ah golahii wasiirrada ee Madaxweyne Ciro.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu wasiirka Batroolka kala Hadlay qaar kamid Ah Bulshada Baladweyne.?

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC Muxuu wasiirka Batroolka kala Hadlay qaar kamid Ah Bulshada Baladweyne.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sababta maxkamad loo soo taagay madaxweynihii hore ee faransiiska.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Sababta maxkamad loo soo taagay madaxweynihii hore ee faransiiska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.01.2025}

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herrow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Faarax Waare “Askarta Ceelbaraf Lagu Dilay Abgaal iyo Xaawadla Kama wada Hadalin”

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC}  Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa Beesha Xawaadle ayaa yiri “Askarta Ceelbaraf Lagu Dilay DFS ayey u taalla, Abgaal iyo Xaawadlane Kama Hadal.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA NABADOONKA 

Somali region set for transformation with 112,000-hectare irrigation plan

0

Monday 6, Jan 2025 {HMC} Ethiopia has launched an ambitious project to irrigate over 112,000 hectares of land in the Somali region, a move hailed by locals as a game-changer for one of the country’s most underdeveloped areas. The plan, spearheaded by the Ministry of Irrigation and Lowland Areas, is expected to revitalize barren landscapes and improve livelihoods for tens of thousands.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed inaugurated the Gode Irrigation Infrastructure Project in the Shebele Zone today, describing it as a beacon of hope for the region. “Development is the path that unlocks opportunities, improves livelihoods, and transforms communities,” Abiy said during the event.

The Gode project, now operational, will cultivate 27,600 hectares of farmland and benefit over 53,000 people. Crops such as sesame, wheat, corn, and horticultural produce are already being grown, offering a glimpse of the area’s agricultural potential. Minister of Irrigation and Lowland Areas Abraham Belay noted that fewer than 3,500 hectares are currently being farmed in the Somali region, underscoring the need for expanded irrigation.

“By unlocking the full potential of this ecosystem, we aim to transform not just the landscape but the lives of its people,” Belay said. He emphasized ongoing research and design efforts to create irrigation systems that can sustainably develop more than 112,000 hectares.

The Somali region, long overlooked in Ethiopia’s development agenda, is uniquely suited for diverse agricultural production. It’s fertile soil and favourable conditions could position it as a critical contributor to the country’s food security and economic growth. However, realizing this potential requires substantial infrastructure investment and community engagement.

The Gode Irrigation Infrastructure Project is part of a government strategy to modernize agriculture in lowland areas. Ethiopia hopes to address food insecurity, create jobs, and boost rural economies by scaling up irrigation.

While the project has sparked optimism, experts caution that sustainability and equitable resource distribution will be key to its success.

SOURCE

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda oo ay Qeeyb ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyed, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida, Saraakiisha ciidanka boliis military Iyo Aggaasimaha guud ee Xafiiska duqa Magaalada Muqdisho.

Kulankan amniga oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin dardargalinta Amniga Caasimadda, Furista waddooyinka xiran, Taageerida xaquuqda askariga u taaganka sugida amniga, Kobcinta daqliga, u diyaar garowga Doorashooyinka iyo xoojinta isku xirka bulshada iyo hey’addaha amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay hormarka amniga ee kajira Caasimadda isaga oo si gaar ah talaabadaasi ugu amaanay saraakiisha iyo ciidanka qalabka sida ee had iyo jeer u taagan sugida nabadgalyada Magaalada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa tilmaamay in amniga uu fura u yahay horumarinta Caasimadda, sida maalgashiga, dib udhiska, isku socodka magaalada, bilicda, waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta nolasha aas aasiga ah.

Muxuu Yahay Caabuqa Neefmareenka ee ku Faafay Dalka Shiinaha?

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Caabuqa sii kordhaya ee fayraska neefmareenka ee loo yaqaanno metanemovirus (HMPV) ee Shiinaha ayaa walaac ku abuuray dad badan iyo waddamo badan, taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha calaamadaha caabuqa faafa iyo hargabka caadiga ah.

Fayraskani waxa uu dadka soo xasuusiyay xanuunkii Corona ee mar saameeyay dunida oo dhan, kaas oo ka bilowday Shiinaha.

Marka laga hadlayo soo ifbaxa cusub ee fayriska ee Shiinaha, tani waxay muujinaysaa kor u kaca la socodka kiisaska, sida uu sheegay Dr. Dirar Al-Balaawi, oo ah bare sare iyo lataliyaha daaweynta cudurrada faafa.

Al-Balaawi oo u warramayay BBC-da laanteeda Carabiga ayaa sheegay in feyraskaan markii ugu horreysay laga helay dalka Holland sannadkii 2001-dii, balse waxa ay dadku aaminsan yihiin in uu muddo dheer ka hor jiray, inkasta oo uu cusub yahay daahfurkiisa.

Waxa uu intaa ku daray in fayraska loo tixgeliyo sababta labaad ee ugu badan ee cudurrada ku dhaca neefmareenka kuwaas oo si daran dadka u saameeya, cuduradaan ayaa aad u waxyeeleeyay carruurta da’doodu ay ka yar tahay shanta sano ee ku jira rugaha bukaan socodka ee Maraykanka, ka dib fayraskii syncytial breath (RSV), kaas oo ka tirsan isla qoyska.

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in caabuqa uu fido xilliyada gu’ga iyo jiilaalka, sida uu sheegay Dr. Al-Balaawi.

Dadaka aadka ugu nugul caabuqa
Dr. Al-Balaawi waxa uu ku macneeyay in fayrasku uu ku dhaco da’ kasta, balse uu khatar weyn ku hayo carruurta yaryar, dadka da’da ah, dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay iyo dadka qaba xanuunnada neefmareenka sida neefta, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in qofka uu ku dhaco caabuqaan lagu arkayo calaamado fudud oo la mid ah hargabka, sida diif, qufac, cune xanuun iyo qandho, isaga oo intaa ku daray in mararka qaar uu cuduro halis ah ku keeno neefmareenka, sida oof-wareenka iyo burukiitada, oo u baahan kara, isbitaal, gaar ahaan kuwa ugu nugul.

Qaababka gudbinta iyo xawaaraha faafinta
Human metanemovirus (HMPV) waxaa lagu kala qaadaa, sida uu qabo Al-Balawi, iyada oo la soo marsiiyo dhibcaha neefsiga ee ka dhasha qufaca ama hindhisada, ama taabashada tooska ah ee meelaha fayraska wasakhaysan.

Waxa uu tilmaamay in xawaaraha faafitaanka fayraska aan si sax ah loo ogeyn, maadaama hadda la sameynayo daraasado si wanaagsan loogu fahmayo nooca gudbintiisa.

Siyaabaha looga hortagi karo
Waxa uu sheegay in fayrasku uusan hadda u muuqan mid leh khatar wayn oo caalami ah, balse ka warqabka astaamihiisa iyo siyaabaha looga hortagi karo ay muhiim u tahay in la xaddido fiditaankiisa iyo ilaalinta kooxaha halista ugu jira.

Waxa uu xusay in hababka looga hortagayo fayraska ay la mid yihiin kuwa loo isticmaalo ka hortagga caabuqyada iyo hargabka, oo ay kami yihiin kuwaan.

Gacmaha si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi
Ka fogow inaad ku taabato indhaha, sanka, iyo afka gacmo aan la dhaqin
Dabool afka iyo sanka adiga oo isticmaalaya maro ama shay nadiif ah marka aad qufacayso ama hindhisayso, ka dibna isla markiiba iska tuur
Nadiifi oo jeermiska ka qaad sheeyaasha inta badan la taabto
Guriga joog markaad jirran tahay si aad uga fogaato inaad dadka kale qaadsiiso.

Sida uu khatar u yahay iyo sida loo daweeyo
Mar la weydiiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa, si la mid ah tillaabooyinka Corona, Al-Balaawi waxa uu sheegay in xilligan la joogo, aysan jirin cadeymo dhammaystiran oo muujinaya in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin adag, heerka socdaalka caalamiga ah.

Al-Balaawi waxa uu sheegay in aanay jirin dawo gaar ah oo lagu daweyn karo Metanemovirus-ka bini’aadamka, balse daawayntaasi ay inta badan ku xiran tahay in la yareeyo calaamadaha.

Dhakhtarku waxa uu ku taliyay in la nasto oo la cabo dareere badan, waxaa dheer in la isticmaalo dawooyinka aan farmashiyaha laga qorin si loo yareeyo xumadda iyo xanuunka.

Xaaladaha infekshanka daran, wuxuu aaminsan yahay in isbitaal dhigista laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto, halkaas oo laga helayo daryeel, sida ogsijiinta.

Guud ahaan, khubaradu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay la socodka xaaladda iyo in si joogto ah loo cusboonaysiiyo macluumaadka iyada oo la samaynayo cilmibaaris ku saabsan horumarka metanemovirus (HMPV) ee aadanaha, sida uu qabo Al-Balawi.

Shiinuhu muxuu leeyahay?
Shir jaraa’id oo ay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa wax looga waydiiyay su’aalo ku saabsan mowduucan.

Waxa ay sheegtay in kiisas badan oo caabuqyada neefmareenka ah laga soo sheegay qaybta waqooyi inta lagu jiro jiilaalka.

Waxay xustay in “Xarumaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Shiinaha ay dhawaan qabteen shir jaraa’id si ay ugu dhawaaqaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurrada neefmareenka ee Shiinaha inta lagu jiro xilliga qaboobaha.”

Waxay intaas ku dartay, “Marka la barbardhigo sannadkii hore, cudurradani waxay noqdeen kuwo khatar yar oo aan fidin sannadkan, waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo inay ammaan tahay inaad u safarto Shiinaha.”

Walaaca dalalka dariska la ah Shiinaha
Waddamada deriska la ah Shiinaha ayaa si walaac leh ula socda xaaladda, iyadoo wasaaradda caafimaadka Indonesia ay maalmo ka hor soo saartay bayaan, iyadoo sheegtay in Indonesia ay “la soconayso gudbinta HMPV ee Shiinaha, iyo meelaha laga soo galo waddanka, waxaana ka mid ah tallaabooyinka sida karantiilinta rakaabka ka imanaya dibadda ee ay ka muuqdaan calaamadaha hargabka oo kale.

Wakaaladda wararka ee Indonesia ee Antara ayaa sheegtay in afhayeenka wasaaradda caafimaadka Vidya Vathi ay ku amartay dadka deegaanka in ay ka taxadaraan isticmaalka wajixirka iyo in gacmaha lagu dhaqo saabuun.

Si ka duwan Indonesia, Dr. Atul Goyal, oo ah agaasimaha guud ee Adeegyada Caafimaadka Hindiya, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in laga walwalo.

Bayaan uu soo saaray Jimcihii, Goyal wuxuu ku sheegay inaysan jirin kiisas badan oo fayraska gudaha Hindiya.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda, sannadkii hore, ma jirin koror tirada cudurrada bishii December.”

Xarunta Shiinaha ee Xakamaynta iyo Kahortagga cudurrada ayaa daabacday xog muujinaysa koror muuqda oo caabuqyada neefmareenka intii lagu jiray Disembar gaar ahaan taariikhdu marka ay ahayd 16 ilaa 22, sanadkii hore ee 2024.

{DAAWO SAWIRADA} RW Kuxigeenka Dalka oo kormeer ku Tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC}   Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Mudane Saalax Jaamac ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee waaxyaha Wasaaradda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Idaacadda Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka warbixin ka siiyay shaqada socota ee Warbaahinta Qaranku ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heyso.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay markii uu soo gabagabeeyey kormeerkii uu maanta ku yimid Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Madaxda Wasaaradda oo Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ugu horeeyaan iyo dhammaan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku amaanay ugana mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan.