Home Blog Page 1405

{DAAWO SAWIRADA} RW Kuxigeenka Dalka oo kormeer ku Tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC}   Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Mudane Saalax Jaamac ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee waaxyaha Wasaaradda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Idaacadda Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka warbixin ka siiyay shaqada socota ee Warbaahinta Qaranku ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heyso.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay markii uu soo gabagabeeyey kormeerkii uu maanta ku yimid Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Madaxda Wasaaradda oo Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ugu horeeyaan iyo dhammaan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku amaanay ugana mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan.

Maxaay Ka Wada Hadleen Hay,adda Sodma & Qaramada Midoobay ?

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo kulan gaar ah la qaatay Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay waxa ay kawada hadleen xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway oo wafdigaan hoggaaminayay ayaa Warbixin la xiriirta xaaladaha bani aadamnimo ee Dalka ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA.

Xubnaha ka socday Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday in ay kaalintooda ka geysan doonnaan samatabixinta Dadka ku dhibaateysan Gobollada Dalka kuwaas oo wajahaya duruufo dhanka Nolosha ah si looga hortago halis intaas ka weyn oo ay la kulmaan.

Hay’adda SoDMA oo Dowladda Federaalka Soomaaliya mas’uul uga ah maaraynta musiibooyinka iyo kahortagga aafooyinka ayaa gacanta ku heysa kaalmo ka kala timid Dalal kala duwan oo cilaaqaad wanaagsan la leh Soomaaliya.

 

{DAAWO SAWIRADA} Xamse Abdi bare oo Dhagax-dhigay xarunta Fatwada Diinta

Isniin 6, Janaury 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul-Iftaa, waxaana rajeynayaa in uu mashruucani noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ,ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

{DAAWO MUQAALKA} Ganacasato Soomaaliyed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Ganacasato Soomaaliyed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Waxaan qirayaa in Wasaaradda Warfaafintu ay shaqo weyn u heyso Qaranka”. Saalax Axmed Jaamac.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} “Waxaan qirayaa in Wasaaradda Warfaafintu ay shaqo weyn u heyso Qaranka”. Saalax Axmed Jaamac.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Waxan tusinay Ra’iisul Wasaare kuxigenka qeybaha Warbahinta Qaranka oo aan casriyeyn ku sameynay”.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} “Waxan tusinay Ra’iisul Wasaare kuxigenka qeybaha Warbahinta Qaranka oo aan casriyeyn ku sameynay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Hiloowle ‘Xawaadle iyo Abgaal waa dad wada dhashay wiilashii la dilayna waa ka xumaaden..”.

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Nabadoon Hiloowle ‘Xawaadle iyo Abgaal waa dad wada dhashay wiilashii la dilayna waa ka xumaaden..”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-01-2025}

0

Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasin ali ahmed iyo shukri baryare

Farsamadii ::Muuse xerrow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOSKA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Faarax Waare.” Askarta Ceelbaraf Lagu Dilay Abgaal iyo Xaawadlane Kama Hadal.”

0

Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Nabadoon Faarax Waare.” Askarta Ceelbaraf Lagu Dilay Abgaal iyo Xaawadlane Kama Hadal.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA