Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Ugaaska Beesha Udeejeen Oo u Duceeyay Xawaadle iyo Askartii Ceelbaraf Lagu dilay.
Xiisadda guriga hooyooyinka oo wali taagan iyo R/W Xamza oo tallaabo qaaday.
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada.
Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha.
“Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”.
Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.
“Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.01.2025}
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo maanta maxkamad la soo taagaayo.
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu lacag dhan 50 milyan oo Euro ka aqbalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay.
Sarkozy, oo horey loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.
Sarkozy waxaa hareeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas.
Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay.
Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka.
Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah.
MASAR oo dib uxaqiijisay mowqifkeeda Soomaaliya.
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii Janaayo 2025.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty iyo Fiqi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal.
Badar Abdelatty waxa uu xaqiijiyey taageerada adag ee Masar, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, ee ku aaddan qarannimada, madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasillooni.
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, iyo bixinta kaalmada farsamo si ay u habeeyaan shaqadooda si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda.
Wasiir Fiqi oo dhambaal qoraal ah u diray dhigiisa dowlada cusub ee Siiriya.
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Dawladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyinkii u horreyay oo ay xiriir kula sameynayso dawladda cusub ee Suuriya ka dib markii la riday nidaamkii ay hogaaminayeen reer Asad ee dalkaas xukumayey muddo ka badan 50 sano.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu qoraal rasmi u diray dhiggiisa Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka cusub ee Suuriya.
Fiqi oo waraysi siiyay Al Jazeera ayaa sidoo kale sheegay inuu dhawaan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda Suuriya.
Inta uu ku jiray waraysiga, wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya dib u xusay inay Suuriya ahayd dalka kaliya ee Carbeed ee u furnaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay tagi karaan markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya
“Safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq waligeed lama xirin xilliyo adag, waxaan qorsheynayaa in aan dhawaan booqdo Dimishiq“ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi
Xamas iyo Isra’il oo wali isku mari la’ heshiiska xabbad joojinta
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Isara’il iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.
Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.
Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.
Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.
Wadahadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza, waxana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.
Baraf iyo qabow ba’an oo ku dhuftay Mareykanka
Isniin 6, Janaury 2025 {HMC} Dabeylaha iyo Barafka jiilaalka oo ku dhuftay Mareykanka Baraf wata dabeylo aad u qabow ayaa Axaddii shalay ilaa saakay oo Isniin ah garaacaya gobollada ka mid ah bartamaha iyo bariga dalkan Mareykanka.
In ka badan 60 milyan oo ruux oo ku nool tobnaan gobol, laga soo billaabo Kansas ilaa New Jersey ayay saameyeen dabeylaha xilligan jiilaalka ee wata qabowga daran iyo barafka.
Duufaanta ayaa u soo dhaqaaqday dhanka bartamaha badda Atlantiga, gaar ahaan gobollada Virginia, Maryland iyo magaaladan Washington, D.C ee caasimadda Mareykanka.
D.C, ayaana maanta isu diyaarineysa kulanka weyn ee ay mudanayaasha Koongareeska Mareykanka ku ansixi doonaan sharcinimada natiijada doorashadi madaxtinimada Mareykanka, taas oo uu ku guuleystay Donald Trump.
Afhayeenka Aqalka Wakiillada oo Jamhuuri ah Mike Johnson ayaa Axaddii u sheegay telefishanka Fox News, in cimiladu aysan ka hor istaagi doonin sharci-dajiyayaasha inay gutaan waajibaadkooda.
Warka cimmilada qabow ee Mareykanka iyo kan anisixinta madaxweyne Trump ee Koonagareeska isaga oo intaan ka faah-faahsan ayaad maqli doontaan goor dhaw.
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Howlgalada ka soconaya Buulo-Burde iyo Halgan inta u dhaxeeyso.?
Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Howlgalada ka soconaya Buulo-Burde iyo Halgan inta u dhaxeeyso.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ukraine oo weerar Culus ku qaaday Gobol Horay looga qabsaday.
Isniin 6, Jan 2025 {HMC} Ukraine oo weerar Culus ku qaaday Gobol Horay looga qabsaday.



