Home Blog Page 142

Wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan oo fash ku dhamaaday. kadib markii ay Iran Diiday Sharuudaha Mareykanka.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Warbixinno isa soo taraya oo ka imanaya Mareykanka ayaa muujinaya in wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay fashilmeen.

Sababta ugu weyn waxay tahay in Iiraan ay doonayso heshiis caddaalad ku dhisan, halka Mareykanku uu ku adkeysanayo shuruudo u muuqda kuwo ka tarjumaya danaha Israa’iil, ee aan ahayn heshiis labada dhinac u siman.

Iiraan ma bixin wax tanaasul ah oo waaweyn, waxayna sheegtay in dalabyada Mareykanku ay yihiin arrimo gudaha u gaar ah Iiraan.

Arrintan, marka la eego sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalalka, waa dood leh sal adag.

Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: maxaa loo hadli waayay hubka nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaal ee Israa’iil, kuwaas oo khatar ku ah guud ahaan gobolka, isla markaana loo adeegsaday weerarro ka dhan ah dalal Carbeed iyo Iiraan? Maxaa xitaa dood looga dhigi waayay arrintaas?

Sida uu toddobaadkii yiri Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney: “Haddii aadan miiska cuntada joogin, adiga ayaa ah cuntada miiska lagu cuni doono.” Oraahdan waxay si cad u muujinaysaa sida awoodda iyo go’aamada caalamiga ahi u shaqeeyaan.

Mareykanka wuxuu u muuqdaa mid doonaya in Bariga Dhexe laga dhigo gobol aan lahayn awood weerar, si dalalku ay u noqdaan daawadayaal kaliya marka la duqeeyo, iyagoo aan awood u lahayn inay iska difaacaan, tusaale ugu dhow waa weerarkii Israa’iil ka geysatay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, markaa oo jawaabta ay noqotay kana keliya cambaarayn hadal ah.

Jawaabta Iiraan waxay ku saleysan tahay mabda’ ah “haddii la i weeraro, waan is difaacayaa”. Tani waa xaalad cusub oo gobolka ka soo muuqatay, tan iyo dagaalkii Masar ay hoggaaminaysay, kaas oo ku dhammaaday heshiiskii Camp David.

Heshiiskaas ka dib, Masar waa laga saaray isku-duubnidii militari ee Carabta, taas oo noqotay guul istaraatiiji ah oo Israa’iil gaartay.

Tani si cad ayaa looga arkay duullaankii Lubnaan 1982, markaas oo Lubnaan iyo ururradii Falastiiniyiinta lagu laayay indhaha Carabta hortooda, iyada oo aan jirin faragelin Carbeed oo mideysan.

Tan iyo xilligaas, isku-duubnidii Carabta way burburtay, arrinta Falastiinna waxay ka baxday inay noqoto arrin si wadajir ah Carab iyo Muslim u wada qaadaan.

Inkasta oo taas ay dhacday, Israa’iil ma joojin gardarradeeda.

Siyaasaddeedu waxay ku dhisan tahay ballaarin, degsiimooyin sharci-darro ah, iyo quursi ay u hayso Carabta, taas oo weli hurinaysa colaadda gobolka.

Dhinaca kale, Iiraan waxay muujisay ad-adayg iyo is-ixtiraam qaran, iyadoo keligeed u istaagtay cadaadis militari oo aad u weyn, kana imanaya quwadaha ugu awoodda badan dunida, isla markaana ay la socdaan taageero reer galbeed oo dhinac u janjeerta.

Dad badan waxay tan u arkaan muuqaal haybad, degganaan iyo kalsooni qaran, dal aan si sahal ah uga tanaasulin mowqifkiisa, kana adkeysanaya cadaadis kasta.

Dhaqanka aan xasilloonayn ee Donald Trump oo Shiinaha u Abuuray Fursad Muhiim ah.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Sida durba la dareemayo, dhaqanka aan xasilloonayn ee Donald Trump iyo qaabka uu ula dagaallamayo xulafada Mareykanka waxay dunida gelinayaan marxalad cusub.

Dalal badan ayaa maanta ka fikiraya in ay ballaariyaan xiriirkooda, isla markaana ay dib u eegaan nidaamka dhaqaale iyo maaliyadeed ee caalamka, nidaam muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka. Isbeddelkan sii xoogeysanaya, waddadiisu si cad waxay u sii maraysaa Shiinaha.

Arrintan waxaa tusaale cad u ah booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ee Shiinaha, iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska , Keir Starmer ayaa si toos ah u sheegay in aysan macquul ahayn in la iska indha-tiro Shiinaha, maadaama uu yahay dhaqaalaha labaad ee ugu weyn dunida, isla markaana Ingiriisku uu u baahan yahay iskaashi istaraatiiji ah oo muddo dheer ah, joogto ah, kana dhammaystiran dhammaan dhinacyada.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa isna si daahfuran u qirtay in xiriirka Shiinaha iyo Ingiriiska sanadkii la soo dhaafay uu ahaa mid qalqal galay, balse wuxuu xusay in xaaladda caalamiga ah ee maanta jirta ay tahay mid adag oo caqabado badan leh, taas oo ka dhigaysa wada-hadalka iyo iskaashiga laba dal mid lama huraan ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Shiinaha iyo Ingiriiska, maadaama ay yihiin laba dal oo miisaan culus ku leh dunida, kana tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga, si ay door muuqda uga qaataan xasilloonida iyo jihaynta nidaamka caalamka. Madaxweynaha Shiinaha ayaa intaa ku daray in waqtiga booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska uu yahay mid astaan leh, isla markaana uu rumeysan yahay in iskaashiga labada dal uu gaari doono heer ka sarreeya kii hore, lana furi doono bog cusub oo xiriirkooda ah.

Isbeddelladan dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee socda ayaa si toos ah u saameeyay hoos u dhaca dollarka Mareykanka iyo kororka qiimaha dahabka. Sababtu waa kalsooni-darro sii kordheysa oo caalami ah oo laga qabo dhaqaalaha Mareykanka, gaar ahaan marka la eego siyaasadaha qalafsan iyo farriimaha is khilaafsan ee ka imanaya Washington.

Ugu dambeyn, Trump oo isku muujiyay badbaadiyaha dhaqaalaha Mareykanka, ayaa maanta u muuqda inuu si dadban u noqday mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee qalalaase dhaqaale oo iman kara. Qalalaase aan kaliya saameyn doonin Mareykanka, balse laga yaabo inuu si buuxda dib ugu qaabeeyo nidaamka dhaqaale ee dunida.

Mareykanka oo Israa’iil iyo Sacuudiga kala tashanaya weerar lagu qaado Iran.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Warbixin lagu daabacay shabagga wararka Axios ayaa sheegtay in labada saraakiil ee sare ee Mareykanka ay kulmayaan madaxda ammaanka iyo difaaca ee Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya si ay uga wada hadlaan xaaladda ku saabsan Iiraan, iyadoo ay jirto welwel sii kordhaya in Mareykanku uu weerar ku qaado Iiraan.

Kulamada oo ka dhacay Washington, DC, ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku qiimeynayo khiyaarada u furan ee ku aadan dagaal milateri ee ka dhan ah Iiraan, iyadoo la rumeysan yahay in Trump weli go’aan kama dambeys ah aanu gaarin.

Saraakiisha Israa’iil ayaa la sheegay inay la wadaageen Washington macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Iiraan gudaheeda, halka Sacuudi Carabiya ay dhinaca kale diiradda saareyso xalka diblomaasiyadeed si loo ka fogaado dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Sacuudi Carabiya aysan oggolaan doonin in hawadaheeda ama dhulkeeda loo isticmaalo howlgal milateri oo ka dhan ah Tehran, iyadoo Sacuudiya waxay isku dayaysaa inay u gudbiso fariimo u dhexeeya Washington iyo Tehran si loo dejiyo xiisadaha.

Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan jirin diblomaasiyad rasmi ah oo toos ah oo dhexmartay Washington iyo Tehran, isla markaana Iiraan ay ku hanjabtay in wax kasta oo tallaabo milateri ah loo qaado ay jawaab adag ka bixin doonto.

{DAAWO MUQAALKA} Waryay arkii ugu DambeeSomali iyo Caalamka 29/01/2026.

0

Khamiis 29 January 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Shir Gudoomiyay Kulanka Amniga Booliska Caasimada.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hogaanada , Fadhiyada madaxa banaan , Qeybaha, Talisyada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo looga hadlay Amniga , xoojinta Howlgalada ka dhanka ah maandooriyaha, Tahriibta sharci darada ah iyo u diyaar garowga Bisha barakaysan ee Ramadan oo foodda inagu soo haysa.

Saraakiisha soo xaadirtay kulanka ayaa Warbixino la xiriira shaqada ay hayaan looga dhagaystay waxayna si faah faahsan sharaxaad uga bixiyeen howlaha loo idmaday ee hortabinta u leh shaqada maadama uu kulankan yahay mid si joogta ah isla xisaabtan Saraakiisha loogu sameeyo si loo helo hufnaan si howlkarnimo ku jirtana loogu adeego Bulshada .

Taliyaha ayaa Saraakiisha uga Mahadceliyey dedaalka shaqo iyo isku xirnaantooda oo hadda sabab u noqotay in laga talaabo dal dalooladii ku imaan jiray shaqada iyo habacsanaantii mararka qaybtood sababta u noqon jirtay hoos u dhaca Amniga , waxaana uu faray in markasta xoojiyaan midnimada iyo wada shaqeynta dhexdooda .

Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale uu dib ugu qarxay dagaal Waqooyiga dalka Itoobiya

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale uu dib u qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga gobolka Tigray ee TPLF.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Tsemlet oo ku yaalla dhanka Galbeedka Tigray, waxaana isku haysta maamullada Tigray iyo Amxaarada.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, dagaalkan wuxuu sababay in gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobolka, waxaana muuqata in xaaladdu ay kasii darayso.

Gobolka Tigray waxaa hadda ka taagan xaalad dhinaca nolosha ah, waxaana dadku wajahayaan gaajo maadama Hay’adihii caalamiga gaar ahaan USAID ay jarteen gargaarka Bani’aadanimada ahaa.

Dagaalkan cusub ayaa cabsi ku abuuray dadka rayidka ah, iyadoo laga baqayo inay dib ugu laabtaan colaaddii dhiigga badan ku daatay ee horay u dhex martay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigrayga intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday oo cafis u fidisay Axmed Madoobe .

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay burisay dacwadda ciqaabeed ee loo heystay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), taasi oo la soo saarey 27/11/2024.

Sida ku cad warqad ka soo baxday Maxkamadda oo nuqul kamid ah ay heshay ayaa lagu tilmaamay in go’aanka laalida waaranka uu yimid ka dib markii codsi gal-xirid ah u soo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Maxkamaddu waxay gabi ahaanba xirtay galka dacwaddii loo heystay Axmed Madoobe ee aheyd khiyaano qaran, ku xadgudbida midnimada dalka iyo la wadaagida xogta qaranka ee dalal Shisheeye” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Go’aankan oo soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2026, waxaa ku saxiixan Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Shuceyb Macallin Aadan.

Maxkamadda Markii ay gaartay go’aankaasi waa laba maalmood ka dib markii doorasho aan la isku raacsaneyn uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, taasi oo dowladda Federaalka ku tilmaamtay mid baalmarsan sharciga.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli Axmed Madoobe oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo kulanka uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Somaliland oo ujawaabtay dowladaha Turkiga, Jabuuti iyo Soomaaliya.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} – Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay dano gaar ah oo dhaqaale awgeed uga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Waxay si gaar ah ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland.

Waxay sheegeen in Turkigu yahay waddankii ugu horreeyay ee dunida Islaamka ka mid ah ee aqoonsada Israa’iil, balse heshiisyo dhaqaale oo uu la galay dowladda Soomaaliya awgeed uu aad uga xumaaday aqoonsiga Somaliland, isaga oo moodayay in heshiisyadaas uu ku heli karo kheyraadka Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay isku dayday in ay hagaajiso xidhiidhka kala dhexeeya Jabuuti, balse dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muujinaya “xaasidnimo” iyo dagaal toos ah oo ay kula jirto aqoonsiga Somaliland. Wuxuu xusay in dadka reer Jabuuti ay yihiin dad wanaagsan, hase yeeshee maamulka hadda talada haya uu aaminsan yahay in Somaliland la burburiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa yidhi: “Jabuuti haddii ay jacayl u hayso midnimo Soomaaliyeed, 1977 ayay xornimada qaadatay, maalintaasna waxay haysteen fursad ay Soomaaliya ugu biiri karaan. Iyagoo arkayay dhibaatada ka jirtay ayay diideen inay ku biiraan. Haddii ay jacayl dhab ah u qabeen Soomaalinimada, way ku biiri lahaayeen.”

Sidoo kale, waxay si adag u dhaliileen dowladda Soomaaliya, madaxda hadda talada haysa, iyo qaar ka mid ah madaxdii hore u soo hoggaamisay Soomaaliya, iyaga oo sheegay in qorshayaasha lagu burburinayo Somaliland laga soo abaabulo Muqdisho, balse maamul-goboleedyo qaar aanay arrintaas ku jirin, isla markaana aanay wax xumaan ah kula kicin Somaliland.

Waxay intaas ku dareen in Somaliland ay iyadu gacanta ku hayso marinka biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana aanay jiri doonin wax go’aan ama heshiis ah oo ka dhaca iyada oo aanay qayb ka ahayn. Waxay uga digeen dowladda Soomaaliya in ay heshiisyo la gasho dowlado shisheeye oo ku saabsan kheyraadka Somaliland.

Dowladda Israa’iil, oo ah dowlad reer Galbeedka xulafo la ah isla markaana inta badan aan laga jeclayn dunida Islaamka, ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee aqoonsata Somaliland. Arrintaas ayaa dhalisay diidmo xooggan oo ka timid dowladda Soomaaliya, oo u aragta in lagu xadgudbay midnimadeeda dhuleed.

Sidoo kale, marka laga yimaado diidmada dowlada caalamka, dowladaha si gaar ah uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxaa ka mid ah Jabuuti, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo xidhiidh dhaqaale iyo istiraatiiji ah la leh dowladda Soomaaliya, isla markaana aan danahooda ka dhex arkin aqoonsiga Somaliland.

Cabinet Appoints Gen. Ibrahim Mohamed Mohamud as Army Chief; Hails “Crushing Victory” in Jabad-Godane with Over 550 Militants Neutralized

0

Thursday 29, Jan 2026 {HMC} The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia has unanimously approved the appointment of General Ibrahim Mohamed Mohamud as the new Commander of the Somali National Army (SNA). The decision was reached during the Cabinet’s weekly session held in Mogadishu on Thursday, presided over by Prime Minister H.E. Hamza Abdi Barre.

General Ibrahim Mohamed Mohamud assumes command with a distinguished service record spanning over 18 years within the national military establishment. The government highlighted his professional qualifications, noting that he holds a Master’s degree in military science. This combination of field experience and academic depth is expected to bring a renewed strategic focus to the army’s leadership as the country enters a critical phase of its modernization and liberation efforts.

A significant portion of the Cabinet session was dedicated to assessing the national security landscape. The Council issued a strong statement of commendation to the Somali Armed Forces for their recent tactical successes in the war against Khawaarij terror groups. The Cabinet specifically hailed the historic victory achieved in the Jabad-Godane area, describing it as a devastating blow to the insurgents. Security briefings presented to the Ministers confirmed that the operation resulted in the neutralization of more than 550 militants, including 80 foreign fighters who were serving as leaders and combatants for the terror network.

In addition to security developments, the Council took decisive administrative actions to address transnational crime and governance. The Cabinet appointed a high-level inter-ministerial committee, comprising representatives from six ministries and the Office of the Attorney General, to lead the national strategy against human trafficking. Furthermore, the Ministers approved the Charter of the Organization of International Mediation submitted by the Ministry of Foreign Affairs, as well as the Marine Transport Registration Regulation presented by the Ministry of Ports and Marine Transport to regulate the maritime sector.

Source Sonna

Ports Minister Hails Cabinet Approval of New Maritime Registration Regulation; Reform to Secure Somali Flag Reputation

0

Thursday 29, Jan 2026 {HMC} The Minister of Ports and Marine Transport of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, has formally welcomed the unanimous decision by the Council of Ministers to approve the new Marine Transport Registration Regulation. Speaking in Mogadishu on Thursday, the Minister described the passage of this regulatory framework as a definitive step toward modernizing the nation’s maritime administration and resolving historic challenges within the sector.

The newly endorsed regulation establishes a comprehensive and unified legal structure for the registration of vessels operating under the Somali flag. Minister Nur emphasized that this legislation is designed to enforce rigorous safety standards, enhance monitoring protocols, and protect the integrity and reputation of the Somali national flag in international waters. Furthermore, the framework ensures that Somalia fully complies with binding international maritime conventions, signaling a return to global compliance standards.

Highlighting the strategic significance of the move, the Minister noted that this reform serves as a clear indication of the Federal Government’s commitment to addressing systemic issues through robust institutional building. By formalizing the registration process, the Ministry aims to eliminate irregularities that have previously plagued the sector, thereby fostering a transparent environment attractive to legitimate maritime commerce.

In his statement, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur extended his gratitude to the nation’s top leadership for their foresight and sustained support in advancing good governance. He asserted that these corrective measures are essential for restoring international confidence in Somalia’s maritime capabilities and are expected to contribute significantly to the country’s broader economic trajectory.

Source Sonna