Home Blog Page 141

Ciidanka xoogga dalka oo Xubno ka tirsan As kudilay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka AS ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ku dilay afar xubnood oo ka mid aha Maleeshiyaadka As ee ku dhuumaaleysanaayay deegaanka Mubaarak.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Afarta xubnood la dilay xili ay ku howlanaayeen aasida miinooyin ay doonayeen inay waxyeelo ugu geystaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada wadooyinka deegaankaas.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Qaranka ay ka go’an tajay ciribtirka kooxda As ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu socodka wadooyinka.

Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka ee ka socda gobolada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Ilhan Omar oo Qudbad jeedisay Ayaa sheegtay in Trump uu qabo xanuunka waallida xusuusta .

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Ilhan Omar ayaa soo jeedisay in Donald Trump uu qabo xanuunka waallida xusuusta (dementia) isla markaana uu si xad-dhaaf ah ugu mashquulsan yahay iyada, kaddib weerarradii afka ahaa ee ugu dambeeyay ee madaxweyne Trump ku qaaday.

Trump ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday xildhibaanadda Minnesota khudbad uu jeediyay Talaadadii, saacado kaddibna Omar waxaa lagu buufiyay dareere ur xun leh intii ay ka qayb-galaysay kulan dadweyne oo ay si kulul uga hadlaysay tallaabooyinka ICE ay ka wadaan Minneapolis.

“Qofka i weeraray waxa uu si gaar ah uga caroodey in amarka Trump ee masaafurinta Soomaalida uusan shaqeynin oo ah in Soomaali badan la masaafuriyo,” ayay Ilhan Omar u sheegtay wariyeyaasha.

Ilhan Omar waxay intaa ku dartay in aflagaaddada iyo hanjabaadaha ay la kulanto ay kiciyeen cambaareynta joogtada ah ee Trump si fagaare ah ugu sameeyo.

“Haddii uusan Donald Trump xilka hayn, isla markaana uusan sidaan iigu mashquulsanayn, ma ahaan lahayn meesha aan maanta joogo—inaan bixiyo kharash amni, ama in dowladdu ka fikirto inay i siiso ilaalin,” ayay tiri.

“Waa yaab in xalay oo keliya uu masraxa ka hadlayay wax yar ka hor intaan la i weerarin, isagoo iga hadlaya. Markii la weydiiyay weerarkayga, wuxuu yiri: ‘Anigu kama fikiro iyada.’

“Miyaanu xasuusan? Ma qabaa waallida xusuusta? Sidee ayaad 20 ama 30 daqiiqo masrax kaga hadashaa adigoo magacayga ku celcelinaya, ka dibna isla markiiba u tiraahdaa: ‘Ilhan kama fikiro iyada’.”

Waxay sheegtay in tirada hanjabaadaha ay heshay ay si weyn hoos ugu dhacday xilligii madaxweynenimada Biden, balse hadda ay hesho hanjabaadaha dilka ugu badan ee xildhibaan kasta oo Congress-ka ka tirsan.

“Mar kasta oo madaxweynaha Mareykanku doorto inuu hadallo naceyb ah igu weeraro aniga iyo bulshada aan metelo, hanjabaadaha dilka ah si xowli ah ayay u kordhaan,” ayay raacisay.

Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Omar isu-soo-bax saacado ka hor inta aan la weerarin.

Trump wuxuu marar badan weerar ku qaaday muhaajiriinta Soomaalida ah, kuwaas oo ah tiro muhiim ah oo ka mid ah dadka Minneapolis. Wuxuu ku tilmaamay “qashin,” wuxuuna dalbaday in Ilhan Omar oo ku dhalatay Soomaaliya la masaafuriyo ama la xiro.

Iiraan oo samaysay Dhoolatus ciidan & Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hanjabaya.

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Dalka Iiraan ayaa bandhig Militari ka sameeyay Gacan Biyoodka Hormuz si Xukuumadda Tehran ay u muujiso awooddeeda Ciidan inta uu gaarsiisan yahay, jawaabta ay ka bixin karto weerarada Maraykanka & Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee Gobolka ku leedahay.

Sida uu baahiyay Teleefishinka Press TV ee laga leeyahay Dalka Iiraan, Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay kahortagga iyo ka jawaabista Daan-daansiga Maraykanka, Israa’iil iyo xulufadooda ay wadaan.

Iiraan ayaa tilmaamtay in ay wax badan ka baratay weerraro horay uga dhacay Dalkeeda oo ay ku fashiliyeen Israa’iil iyo Maraykanka, Tehran ayaa shaacisay in ay dhinac weliba iska soo dhistay marka la eego awooddeeda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in haddii ay buuxiso ay ka badbaadi doonto weerarrada Washington iyo xulufadeeda ay la damacsan yihiin Dalkaas sida uu hadalka u dhigya.

Wasiirka Difaaca Maraykanka ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Maraykanka ay u diyaarsan yihiin fulinta amar weliba oo kasoo yeero Madaxweyne Donald Trump, waxaana uu intaas ku daray in ay diyaar noqdeen oo heegan buuxa galeen.

Iiraan ayaa dhowaan soo afjartay dibadbaxyo laga soo abaalay dibadda, waxa ay shaacisay in ujeedkii laga lahaa uu fashilmay laguna doonayay in dalkaas looga dhex abuuro qalqal siyaasadeed mid amni iyo in lagu dhex dhuunto Dadkaas.

Trump oo waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag.

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya .

Trump wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.

Isagoo hadalkiisa sii adkaynaya, wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay.

Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada.

Way og yihiin waxa sugaya.”
Hadalladaas intii uu jeedinayay, Trump wuxuu si gef iyo yasid leh u yiri: “Soomaaliya, runtii xitaa ma aqaan… ma aha dal,” hadal si cad u muujinaya aragti halis ah oo ku wajahan jiritaanka iyo. madaxbannaanida Soomaaliya.

Falanqeyn
Inkasta oo burcad-badeedda Soomaaliyeed aysan hadda si firfircoon uga howlgalin xeebaha dalka, haddana hadallada Trump waxay muujinayaan isbeddel halis ah oo ka yimid hanjabaad hadal ah una guuraya ficil militari.

Arrintan waxay xusuusinaysaa qaabka Mareykanku ula dhaqmay Venezuela, halkaas oo lagu marmarsiyooday daroogo iyo amni, balse ugu dambeyn lagu soo rogay cunaqabatayn, go’doomin badeed iyo cadaadis militari illaa uu Mareykanka la wareegay maamulka dalkaa, markii la soo afduubay madaxweynihii talada hayay.

Haddii Soomaaliya lagu dabaqo qaab la mid ah Venezuela, waxaa suuragal ah:
•In xeebaha Soomaaliya lagu kordhiyo kormeer militari oo shisheeye.
•In la beegsado doonyo si qalad ah loo tuhmo.
•In la wiiqo sumcadda iyo madaxbannaanida badda Soomaaliya.
Khatarta Kalluumaysatada;
Kalluumaysatada Soomaaliyeed ayaa halis toos ah wajihi kara, maadaama:
•Doonyahooda yaryar si fudud loogu khaldi karo burcad-badeed.
•Dhaqdhaqaaq kasta oo badeed lagu fasiri karo “u-dhawaansho markab”
Tani waxay si gaar ah u khatar gelinaysaa nolosha iyo dhaqaalaha kumannaan qoys oo ku tiirsan kalluumaysiga.

Waxaa jira arrin kale oo ay tahay in la xuso, waa loollanka caalamiga ah ee Soomaaliya dhexda uga jirto;

Hadallada Trump ee ku wajahan Soomaaliya laguma eegi karo oo kaliya dhinac amni ama burcad-badeed.

Marka si qoto dheer loo falanqeeyo, waxay u muuqdaan qeyb ka mid ah loollan istaraatiiji ah oo caalami ah, kaas oo si gaar ah ula xiriira kheyraadka dabiiciga ah iyo booska juqraafiyeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya sanadihii u dambeeyay waxay gashay heshiisyo waaweyn oo istaraatiiji ah oo ay la saxiixatay Turkiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
•Soo saarista shidaalka iyo gaaska
•Maareynta iyo horumarinta kalluumaysiga
•Iskaashi amni iyo milatari oo sii xoogeysanaya

Heshiisyadan ayaa si cad u muujinaya in Soomaaliya ay u leexanayso ku-tiirsanaanta Turkiga oo hadda noqday saaxiib istaraatiiji ah oo toos ah uga shaqeeya badda, berriga iyo hawada Soomaaliya, taa beddelkeeda Mareykanka muddo dheer wuxuu Soomaaliya u arkayay goob amni, balse ma ahayn goob dhaqaale oo si toos ah uu uga faa’iideysto, wuxuuna u arkaa mid aan la aqbali karin in khayraad uu u arkayay kaydkiisa si fudud Turkiga ama dhinac kale inay Soomaaliya ku wareejiyo , maaddama muddo dheer uu maalgelin iyo taageerro kale siinayay Soomaaliya , xaalad markii lagu daro sida Israa’iil ay khatar istaraatiji ah ugu aragto saameynta Turkiga ee Soomaaliya , waxay si dhab ah u muujinayaan in Mareykanka uu soo faragelin karo xaaladda Soomaaliya.
Maxaa la gudboon dawladda Soomaaliya ?

Muddo dheer oo ay aamusnaan dooratay Dawladda Soomaaliya ,markan marxalad hadal ka gudubtay oo hanjabaad gaartay ayay ka wajahaysa Trump, sidaa darteed waa lama huraan waqtigan in ;

•Si rasmi ah Soomaaliya uga jawaabto hadallada Trump, kana difaacdo sharafka, jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka.

•La xiriirto Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo caddeeyo in burcad-badeeddu aysan ahayn dhibaato hadda jirta.

•Adkeyso diiwaangelinta iyo aqoonsiga doonyaha kalluumaysiga, si looga hortago khalad militari.

•Dalbato dammaanad caalami ah oo ilaalinaysa kalluumaysatada iyo biyaha Soomaaliya.

•Si cad u muujiso in Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu dabaqo xaalad la mid ah Venezuela, taas oo dhaawacaysa madaxbannaanida qaran.

Haddii aan si taxaddar leh oo degdeg ah loo wajahinin hadalladan, waxaa jirta khatar ah in Soomaaliya lagu jiido mashruuc amni oo shisheeye, laguna marmarsiyoodo burcad-badeed magac ahaan jirta, balse aan si dhab ah u howlgalin.

Tani waxay halis gelin kartaa badda, kalluumaysatada, iyo guud ahaan madaxbannaanida Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeyso Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya.

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi, caasimadda Jamhuuriyadda Hindiya, si uu uga qeyb galo Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya (Indian Arab Meeting of Foreign Ministers).

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkaasi wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, ballaarinta iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta iskaashiga Koonfur-Koonfur (South-South Cooperation).

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee India Gandhi kusoo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Odowaa, masuuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, iyo Dr. Suresh Kumar, oo matalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhaxe iyo Iran oo Maanta Heshay 1,000 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

0

Khamiis 29, Jan 2026 {HMC} Ciidanka dalka Iiraan ayaa maanta helay dufcaddii ugu horreysay oo ka kooban 1,000 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah (drones), kuwaas oo loo qaybiyay qaybaha kala duwan ee ciidanka.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda kala dhaxaysa dalka Maraykanka, kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu ugu goodiyay Teheran weerar milatari haddii ay diiddo inay saxiixdo heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Amir Hatami, ayaa sheegay in ciidanka ay xoojinayaan cududdooda istiraatiijiyadeed si ay uga jawaab bixin karaan hanjabaad kasta, isagoo ballan-qaaday jawaab “burburin ah” oo ka dhan ah cid kasta oo soo weerarta.

Dhanka kale, ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay 1-da iyo 2-da bisha Febraayo dhoolatus ciidan oo ay adeegsanayaan rasaasta nool ah ka fulin doonaan marin-biyoodka Hormuz.

Marinkan oo ah midka ugu muhiimsan caalamka ee laga dhoofiyo saliidda, ayaa xudun u ah loolanka juquraafi-siyaasadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo quwadaha reer galbeedka.

BREAKING NEWS: Iran’s IRGC to carry out live-fire exercises in Strait of Hormuz, Press TV reports

0

Thusday 29, Jan 2026 {HMC} Iran’s Revolutionary Guard naval forces will carry out live-fire exercises in the Strait of Hormuz on February 1 and February 2, Press TV reported on Thursday.

The strait is the world’s most vital oil export route, which connects the biggest Gulf oil producers, such as Saudi Arabia, Iran, Iraq and the United Arab Emirates, with the Gulf of Oman and the Arabian Sea.

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamsa oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jabuuti.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jabuuti, Mudane Elyaas Muuse Dawaale, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada maaliyadda iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa wasiirka la wadaagay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay kobaca dhaqaalaha, dib-u-habeynta maaliyadda iyo kaabeyaasha dakhliga dalka oo meel aad u wagaansan soo gaaray sanadihii dambe, kadib dadaalladii ay sameeyeen hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jabuuti, ayaa Ra’iisul Wasaaraha la-wadaagay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta iskaashiga maaliyadeed ee labada dal, wada shaqeynta dhanka mashaariicda horumarineed, iyo sidii loo kobcin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka 27-aad ee Madasha Hindisaha Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), oo ay martigalisay caasimadda Muqdisho isla markaana ay Soomaaliya guddoon ka tahay sannadkan, ayaa xaqiijiyay in ay dowladda Soomaaliya horumar ka gaartay kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhaqaalaha iyo is-dhaafsiga ganacsiga oo ka hirgala gobolka iyo mudnaanta ay Soomaaliya u leedahay ka faa’iideysiga maalgashiga gaar ahaan macdanta,

korontada iyo wax-soo-saarka, taasi oo keenaysa in Gobolka Geeska Afrika uu xaqiijiyo isku filnaansho dhaqaale oo lagaga maarmo kaalmo shisheeye.

Diyaaradda Israaiil ee Arkia oo Laga Mabnuucay Hawada Soomaaliya.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa guud ahaan hawada Soomaaliya u diidday diyaaradda Israa|l ee Arkia, iyada oo shirkadda diyaaraddan ay sheegtey in ay ku khasbanaan doonto in ay ka wareegto hawada Soomaalida, sida uu ku warramay wargeyska Ynetnews.

DFS weli arrintan kama soo saarin war-rasmi ah, waxa se tani imanaysaa xilli weli ay taagan tahay xiisadda Muqdisho & Telaabiib, ka dib aqoonsiga Somaliland.

Soomaaliya ma siinin shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil ee Arkia ogolaansho ay ku duuli karto hawadeeda, taasoo ah tallaabo ku qasbi karta shirkadda diyaaradaha inay beddesho marinkeeda duulimaadka ee Thailand haddii aan la helin oggolaanshaha horraanta Febraayo, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha.

Dib u dhaca ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed ka dib go’aankii dhawaan Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay waddan madax-bannaan,

Tallaabadaas ayaa Soomaaliya si xooggan uga soo horjeesatay. Soomaaliya waxay diiday sheegashada madaxbannaanida Somaliland waxayna u aragtaa inay qayb muhiim ah ka tahay dhulkeeda.

Dhinaca Kale Dowladda Soomaaliya wali war rasmi ah sooma saarin oo arrintaan la xiriirta.

Isha wargeyska Ynetnews.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Xilkaqaadista Taliye Odawaa iyo xogta Taliyaha Cusub.

0

Khamiis 29. January 2026 {HMC} FALANQEYN:- Xilkaqaadista Taliye Odawaa iyo xogta Taliyaha Cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA