Home Blog Page 1437

Booliiska K/ Koonfureed oo isku dayaya inay soo xiraann madaxwaynaha dalkaasi

Jimco 3 Jan 2025 {HMC} — Booliiska Kuuriyada Koonfureed ayaa u suurtagashay in ay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada iyaga oo isku dayaya in ay soo xiraan madaxweyne Yoon Suk Yeol oo horey xil ka qaadis lagu sameeyay.

Balse waxa ay sheegeen in ay is hortaag ku sameynayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada, ka dib markii uu iska hor imaad uu dhexmaray cutub ka tirsan ciidamadaasi.

Qareenka Yoon ayaa sheegay in kiis ka dhan ah amarka lagu soo xirayo ee “sharci darada ah” ay u gudbinayaan maxkamad.

Isra’il oo Gaza Duqeymo ku dishay 54 Falastiiniyiin ah

Jimco 3 Jan 2025 {HMC} —  Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku rusheeyeen qeybo kala duwan oo Gaza lagu dilay, ugu yaraan 54 qof oo Falastiiniyiin ah.

11 ka mid ah dadka la dilay oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa lagu duqeeyay teendhooyin ku yaalla xaafadaha baraka cee degmada Al-Mawasi, halkaas oo ay Isra’il u asteysay aagga bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa sheegtay, in mid ka mid ah duqeymihi shalay ee Gaza lagu dilay, agaasimihi guud ee Qeybta Booliska ee Gaza, Maxmuud Salaax iyo kaaliyihiisa Xusaam Shawxan.

War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in deegaanka Al Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yunis ku dileen Xusam Shawxan oo ay sheegeen in uu Xamas ma’uul uga ahaa amniga guud ee koofurta Marinka Gaza.

Weeraro kale oo cirka ah oo ay Isra’il ka fulisay Gaza Khamiistii shalay, ayay ku dishay ugu yaraan 43 Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ee ku taalla Khan Yunis, dhismooyin ku yaalla xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, kaamba Shati iyo xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza.

Duqeymihi ugu danbeeyay ee Isra’il ee ay Gaza ku qaadday xalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof, bartamaha Gaza iyo degmada Xeytuun, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka.

{DAAWO MUQAALKA} Waakee Wadanka Sanadkii lasoo dhaafay fuliyay xukunka dilka toogashada ee ugu badan Aduunka?

0

Jimco 3 Jan 2025 {HMC} Waakee Wadanka Sanadkii lasoo dhaafay fuliyay xukunka dilka toogashada ee ugu badan Aduunka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Saraakiisha Boliiska Soomaaliya oo kulan ka yeeshay Sidii Loo Xakameyn Lahaa Hubka Sharci darada ah

0

Khamiis 2 Jan 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada, Taliyayaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee todobaadlaha ah kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay Xakameynta Hubka sharci darada ah ,ka hor tagga Dhibaatada ay geystaan Khawaariijta, Diiwaangelinta Hantida Ciidanka Boliiska oo ay ku jiraan Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Agabka kale si meesha looga saaro isticmaalka hantida Dawladda ee aan munaasibka aheyn.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo Saraakiisha Dawladda uga mahadceliyey shaqada ay hayaan ayaa amray in dedaal xoogleh la geliyo sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci darada ah ee Magaalada Muqdisho lagu dhexwato , waxaanu uu Hogaanka Isgaarsiinta faray in iyaguna dib u eegis ku sameeyaan adeegyada isgaarsiinta Ciidanka si loo helo Isgaarsiin hufan oo amaan ah .

 

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {1.2.2025}

Khamiis 2, Janaury 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 02-1-2025.

Khamiis 2 Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 02-1-2025.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan “Wadadii Guusha ayaan ku soconaa ee yaa nala Mashquulinin”

Khamiis 2 Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.

Somalia Assumes Seat at the United Nations Security Council.

0

Thuesday 2, Jan 2025 {HMC} FM Ambassador Ahmed Mohamud Fiqi presided over a ceremony today at the Ministry of Foreign Affairs headquarters in Mogadishu to commemorate Somalia’s official assumption of its seat at the United Nations Security Council and the start of its duties on the global platform.

The ceremony brought together FM Ambassador Ahmed Mohamud Fiqi, the Permanent Secretary, directors, and ministry staff.

In his remarks, FM Ambassador Ahmed Mohamud Fiqi underscored the historic significance of this milestone, the concerted efforts behind its achievement, and Somalia’s priority agenda for its term.

He expressed deep gratitude to Somalia’s leadership, led by His Excellency the President, and acknowledged the vital contributions of the nation’s delegations to the African Union in Addis Ababa and the United Nations in New York.

 

He also commended the ministry’s diplomats and staff for their dedication to advancing Somalia’s international standing.

This achievement marks a pivotal moment in Somalia’s global engagement, reinforcing its commitment to peace, security, and progress on the world stage.

Muhaajiriin badan oo ku dhintay xeebaha Dalka Tunisia.

0

Khamiis 2 Jan 2025 {HMC}  27 muhaajiriin ah oo isugu jiray dumar iyo caruur ayaa dhintay ka dib markii labo doonyood oo ay la socdeen ay ku gaddoomeen xeebaha dalka Tunisia. 83 kale ayaa la badbaadiyey, sida saraakiisha difaaca madaniga ah ee Tunis ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Rakaabkii la badbaadiyey iyo kuwii dhintay ayaa laga helay jasiiradaha Qarqana ee bartamaha dalka Tunisia. Waxay ku sii jiideen Qaaradda Yurub, waxayna dhammaantood ka soo jeedeen dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, sida uu sheegay Zied Sdiri oo ah madaxa difaaca madaniga ah ee magaalada Safaaqis.

Baarista ayaa wali sii socotay si loo eego haddii ay jireen rakaab kale oo wali maqan, sida uu sheegay ciidanka Illaalada Qaranka ee Tunisia.

Dalka Tunisia waa bar-bilow muhiim ah oo ay maraan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay tagaan Yurub. Dadkan ayaa safarkooda Yurub ka billaaba jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, taas oo 150km oo kaliya u jirta dalka Tunisia.

Sanad walba, tobanaan kun oo qof ayaa isku daya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka ee khatarta badan, taas oo ay ka dhaceen shilal maraakiib, iyada oo cimilo xumi ay uga sii darto.

18-kii bishii December ee inna dhaaftay, ugu yaraan 20 muhaajir oo reer Afrika ah ayaa ku geeriyooday magaalada Safaaqis, iyada oo 5 kalena la waayey.

12-kii December, ciidanka ilaalada xeebaha ayaa bad-baadiyey 27 muhaajir, halka 15 kale ay geeriyoodeen.

Ilaa bilowgii sanadka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Tunis ayaa sheegtay in 600-700 oo muhajir ay dhinteen ama lagu la’yahay maraakiibta gaddoontay. Tiro ka badan 1,300 ayaa iyaguna dhintay ama la waayey sanadkii 2023-kii.

XIGASHO VOA

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo kulan isla xisaabtan la qaatay hoggaan ciidan

0

Khamiis 2 Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta Deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira, asigoona xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye Amiir ayaa xusay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, asigoona faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, kor u qaadista Dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada Gobolka Banaadir.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—