Home Blog Page 144

Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin yo walxo qarxa oo AS ay ku lahaayeen Deegaanka Jabad Godane.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay As ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka kooxdaas kaddib howlgallo isdaba-joog ah.

Howlgalkan oo ka mid ah hawlgallo amni oo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo waxyaabo qarxa, kuwaas oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka iyo carqaladeynta amniga.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in goobta laga helay miinooyin dhulka lagu aaso, walxo qarxa, iyo qalab kale oo loogu talagalay falal amni-darro ah, kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo ciidamada iyo shacabka deegaanka.

Ciidamada Xoogga ayaa si buuxda u sugey aagga, iyagoo hubiyay in aanay jirin khatar kale oo ka iman karta walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin farsamo oo lagu burburinayo keydka miinooyinka.

Shirkii 27-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa shir-guddoomiyay kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli ay Soomaaliya hayso Guddoonka Madasha.

kulankaan waxaa si rasmi ah u soo xaadiray Wasiiradada Maaliyadda Dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya South Suudaan, halka ay si fogaan arag ah qadka ugu jireen Dowladaha Suudan iyo Kenya. Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, EU, Urur-Goboleedka IGAD, UK iyo Jarmalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga tamarta gobolka, oo ah tiir muhiim u ah isdhexgalka dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika iyo kobaca waara ee gobolka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ahaa shir guddoonka kulanka ayaa faah-faahiyay dood ay si gaar ah madashani u yaalatay in aad loogu lafa guray sidii loo heli lahaa Tamar (Koronto) ay awoodi karaan dadka gobolka Geeska Afrika in ay qiimo jaban ku helaan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in xoogga la saaray sidii loo heli lahaa maalgalinta mashaariicda lagu horumarinayo Tamarta.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Maxay Kawada hadleen Shiinaha iyo UK ?

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa muddo 8 sano ah ka dib magaalada Beijing kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping.

Starmer ayaa ka hor kulanka sheegay in xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo UK yahay mid istiraatiiji ah, isla markaasna uu sii xoojin doono.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo wadahadal iyo iskaashi xilligan dunida wajaheyso dhibaatooyin dhaqaale iyo mid amni.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay fursadaha iskaashi ee jira iyo meelaha ay iska taageeri karaan.

Ra’iisul wasaaraha UK waxaa safarkiisa saddexda maalmood ah ku weheliya wafdi ballaaran oo ka kooban ku dhowaad 50 shirkadood oo kuwa ugu waaweyn UK ah, sida HSBC, British Airways, AstraZeneca iyo GSK. Shiinaha ayaa ahaa dalka afraad ee ugu ganacsiga weyn UK sanadkii 2025, iyadoo ganacsiga labada dhinac uu gaaray $137 bilyan.

Marka laga soo tago arrimaha ganacsiga, labada dhinac ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi ku saabsan sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha dambiilayaasha ah ee dadka sida sharci darrada ah ugu tahriibiya UK.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli uu jiro cadaadis gudaha UK ah oo ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo xaaladda magaalada Hong Kong.

Sidoo kale, xiriirka labada dal ayaa wajahaya caqabado ka dhashay isbeddellada siyaasadeed ee dalka Mareykanka, gaar ahaan dagaalka dhanka canshuuraha ee uu wado madaxweyne Donald Trump.
Booqashadii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Ingiriis ah uu ku tago Shiinaha waxay ahayd sanadkii 2018-kii, markaas oo ay booqatay Theresa May.

Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta Markale kulan Kuyeelanayo Magaalada Muqdisho

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC}Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay maanta mar kale kulan ku yeeshaan Guddiga farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa qorshaha yahay in ay maanta mar kale sii wadaan wada tashiyada la xiriira qaabka uu ku qabsoomi doono shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Madaxdii hore ee hadda Mucaaradka ah, Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Kulankii shalay ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday isfahan iyo in la sii wado shirarka si loo gaaro xal waara.

Gogosha 1 bisha Febraayo la qaban doono ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo muujiyay in ay ka go’antahay sidii loo afjari lahaa tabashada ay qabaan qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka.

Waxaa xusid mudan in hore garab kale oo Mucaarad ah ay dowladda Federaalka ula heshiiyeen, iyadoo tabashooyinka ay qabeen la xalliyay qaar koodna ka qeyb galay Doorashada qof iyo codka aheyd ee dhammaadka sannadkii hore ka qabsoontay Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay oo fasaxay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya

0

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dib u bilaabayso gargaarka bani’aannimo ee ay siin jirtay Soomaaliya, kaasi oo la soo marsiiyo Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).

Qoraal kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan tillaabada Soomaaliya qaaday si loo ilaaliyo gargaarka Bani’aannimo ee loogu talagalay dadka tabaaleysan.

“Dowladda Maraykanku waxay qiraysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda ilaalinta Raashinka WFP oo uu ku jiro midka aan ku deeqnay, Bayaankan kadib, waxaan dib u bilaabi doonnaa bixinta raashinka ee WFP.” ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa xusay in inkastoo gargaarka raashinka dib loo fasaxay, haddana ay sii wadi doonaan dib-u-eegista lagu sameynayo guud ahaan hannaanka iyo qaabka kaalmada ay siiyaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo hufnaanta gargaarka.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya xaqiijisay in ballaarin lagu sameeyay dekadda Muqdisho sababtay in si kumeel gaar ah raashinka looga raro bakhaarka WFP halkaasi ku laheyd.

Ciidanka ICE oo isku dayeen in ay galaan safaaradda Ecuador ee Minneapolis.

0

Arbaco, 28, Jan 2026 {HMC} Wakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa la sheegay in uu Talaadadii isku dayay in uu galo qunsuliyadda Ecuador ee magaalada Minneapolis, balse shaqaalaha qunsuliyadda ayaa ka hor istaagay in uu gudaha u galo, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ecuador.

Isku daygaas gelitaanka ayaa sababay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u dirto Safaaradda Mareykanka ee Quito, caasimadda Ecuador,

“warqad cabasho ah,” iyadoo ku dalbanaysa in dhacdooyinka noocaas ah “aanay mar kale soo noqon,” ayay wasaaraddu ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Bayaanka ayaa watay cinwaan dhacdada ku tilmaamayay “isku day weerar ah oo ay wakiillo ka tirsan ICE ku qaadeen Qunsuliyadda Ecuador ee magaalada Minneapolis, sida ay warrantay Wakaaladda Wararka ee Rueters.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

0

Arbaco, 28, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Spain oo siineysa sharciga deggenaanshaha kumanaan muhaajiriin ay Soomaali ku jirto.

0

Arbaco, 28, Jan 2026 {HMC} Wasiirka socdaalka ee dalka Spain, Elma Saiz, ayaa xaqiijisay in dowladda hantiwadaagga ah ee dalkaasi ay soo saari doonto wareegto sharciyad siinaysa kumanaan muhaajiriin ah, taasoo aan u baahnayn ansixinta baarlamaanka.

Wareegtadan ayaa khusaysa dadka aan dambiyo hore ku lahayn dalka, gaar ahaan kuwa yimid ka hor bilowgii sanadkan 2026, kuna noolaa dalka in ka badan shan bilood ilaa 31 December 2025.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay sahlayso is-dhexgalka bulshada, xoojinta xuquuqul insaanka, iyo ka qaybqaadashada dhaqaalaha dalka.

“Tan waa maalin taariikhi ah oo u gaar ah dalkeenna,” ayay tiri wasiirka Saiz, iyadoo intaa ku dartay: “Waxaan xoojineynaa qaab socdaal oo ku dhisan xuquuqda aadanaha, is-dhexgalka iyo wada-noolaanshaha.”

Soomaali badan ayaa ku nool Spain, qaarna waxay ku tageen dalkaas si sharci darro ah, halka qaar kalena ay hore u heleen sharci deggenaansho. Maxamed Cibaar Diiriye oo deggan Madrid ayaa BBC-da u sheegay in inta badan dadka Afrikaanka ee Spain ku nool aysan sharci heysan, balse tallaabadan cusub ay u sahli doonto inay si rasmi ah uga shaqeystaan dalka.

Cibaar ayaa xusay in Soomaalida dalkaas ku nool ay nasiib u yeesheen in Spain si gaar ah ugu fududeyso sharciyadooda, wuxuuna sheegay in Soomaalida badankood ay yihiin kuwa kasoo galay dhinaca badda.

“Arrintan waa mid aad loo sugayay,” ayuu yiri Maxamed Cibaar Diiriye, isagoo ku daray in dadka soo-galootiga ah ay hadda heli doonaan fursado shaqo iyo ka mid noqoshada bulshada si rasmi ah.

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamsa oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Midoowga Yurub.

0

Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midoowga Yurub, oo uu hoggaaminayay General Seán Clancy guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midoowga Yurub (CEUMC), ayna ka mid ahaayeen safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS) Jonas Jonsson .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan amniga iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga la-wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku suganyihiin kooxaha Khawaarijta ah iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka oo maraya meel aad u sareysa taasi oo ku timid wada-shaqaynta hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay dardargalinta howlaha dimuqraaddiyadda iyo in dadweynaha Soomaaliyeed loo celiyo awoodda si ay u doortaan madaxdooda.

Wafdiga ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’antahay taageerada hey’addaha amniga, tababbarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyaga oo xusay in ay soo dhowaynayaan gogosha ay fidisay Xukuumadda DanQaran, taas oo ay sheegeen in dhinacna uusan haysan wax cudurdaar ah oo uu gogosha kaga maqnaado.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub, sidii ay u garab istaageen midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaalinta, madax-bannaanida dhuleed ee dalka iyo taageerada arrimaha gargaarka bani’aadantinimo.

Soomaaliya oo rasmi ah u shir-guddoomisay fadhiga Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

0

Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Soomaaliya ayaa Isniintii shalay si rasmi ah u shir-guddoomisay fadhiga Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana markii ugu horreysay ee ay xilkan qabato tan iyo sannadkii 1972-kii.

Kulankan heerka sare ah ayaa ahaa dhacdo muhiim ah oo diiradda lagu saarayay Horumarinta iyo xoojinta sarreynta sharciga ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Inkastoo markii hore la qorsheeyay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isagu hoggaamiyo kulanka, haddana socdaalkiisii New York ayaa u baaqday duruufa xagga cimilada ah oo ka jira dalka Mareykanka.

Sidaas darteed, waxaa xilka shir-guddoonka la wareegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle).