Home Blog Page 1446

Masar oo war ka soo saartay heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Arbaco 01, January 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri.

Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso.

Colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha gobolka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay badda ugala hadli lahayd dalalka jaarka ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Bartamihii bishii December ayey dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiskii Ankara ee uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la filayo inuu qaboojiyo xiisadaha sii kordhaya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay “ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay madax-bannaanidda, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah” iyo “tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Burundi oo eedayn culus ujeedisay Dowladda Soomaaliya.

Arbaco 01, January 2025 {HMC} Burundi ayaa ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidamada loo qoondeeyey oo ay ku tilmaantay “khiyaano” dhinaca Soomaaliya uga yimid.

Xiisada ayaa soo ifbaxday markii Soomaaliya u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay inay ku biiriso howlgalka cusub.

Warqad ku taariikheysneyd 26-kii December oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiijiyay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciidamada Qaranka Burundi ay dib uga laabtaan howlgalka.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan ka dib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay la-dagaalanka Al-Shabaab.”

Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfircoon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyadoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari.

Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u sheegay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: “In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.”

Hawlgalka cusub, oo la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan.

Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.

Xuutiyiinta oo gantaallo ku weeraray Israel

Arbaco 01, January 2025 {HMC} Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.

Wafdi ka socda beesha Mudulood oo Baledweyne u tagay Xal u helista Xiisadii ka dhalatay Askartii Ceelbaraf Lagu dilay.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Wafdi Odayaal ah oo uu hoggaaminaayay Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan si ay u xaliyaan xiisadii ka dhalay dilkii askarta

Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si kooban uga wabixiyay ujeedka safarkooda ee Baledweyne.

Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ah Ugaaska beesha Xawaadle ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin sidii xal looga gaari lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.

“Imaam soo dhawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuisuf.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax kasoo qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, islamarkaana ayagoo kusii jeeda gobolka Hiiraan maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ay ku dileen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {31.12.2024}

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu ka yiri Madaxweyne Cagjar Dagaalkii Dacawaleey iyo Eeda Loo jeediyay Ciidamada Liyuu Boolis.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar Ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda Deegaanka Dacawaleey oo uu dhawaan ka dhacay Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Boolis ah iyo Dadka deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 31-12-2024.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

ATMIS mentorship program empowers Somali girls.

0

Talaado 31 Dec 2024 {HMC} For 14-year-old Ilhan Jimcaale Abdi, a student at Dhobley Primary School, life has taken a dramatic turn for the better.

Since receiving hygiene kits, Ilhan has experienced a profound transformation that has boosted her confidence and enabled her to concentrate on her education.

“Before the ATMIS Female Engagement Team introduced us to the program, we stayed at home. We had a negative perception of education but now this has changed, and we attend school regularly. We’re thankful to ATMIS for enabling us to stay in school via this program,” Ilhan says.

“I can now focus on my studies and dream about my future,” she adds with a wide smile on her face.

Ilhan is among 270 girls at Dhobley Primary School who have benefitted from a three-year mentorship program led by the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) Female Engagement Team (FET) and the Dhobley Women’s Association.

The mentorship sessions focus on personal hygiene and self-care. Each participant learns how to manage her menstrual cycle and receives a hygiene kit containing essential products such as sanitary pads, soap, and other materials necessary for maintaining proper hygiene.

“Through our continuous mentorship and educational programs, we are not just providing girls with hygiene kits but giving them the knowledge and encouragement to confidently care for their health and also make them aware that they can achieve anything they desire through education,” says Capt. Valarie Shikuku, the ATMIS Kenya Defence Forces (KDF) Gender Officer.

For many girls in Dhobley, menstruation has historically hindered their education, with many missing school during their periods due to a lack of resources, knowledge, and societal stigma. However, the collaboration between the ATMIS FET and Dhobley Women’s Association is addressing these challenges.

“ATMIS has helped us a lot with our education, providing learning materials and personal hygiene kits and for all this, we’re thankful,” says Ikhlaas Ibrahim Arte, a student and beneficiary.

Under the program, the ATMIS KDF Female Engagement Team and the Dhobley Women’s Association have been raising awareness and providing practical support to girls and women in the local community. The initiative has empowered women and girls in Dhobley, ensuring that girls can attend school without the fear of embarrassment related to menstruation.

“Last year, many girls returned to school with increased confidence, and this year, even more girls are joining our programs, motivated by the knowledge that they won’t miss class because of menstruation,” says Fatima Abdi, chairperson of the Dhobley Women’s Association.

“By providing access to menstrual hygiene products and fostering a supportive environment, we’ve removed a major barrier to their education,” she adds, referring to the low enrollment rates for girls in Somalia’s Federal Member States (FMS) due to social, economic and cultural reasons.

As part of the program, the ATMIS KDF Female Engagement Team and the Dhobley Women’s Association recently held a mentorship session at Dhobley Primary School to commemorate World Children’s Day. They engaged the girls on personal hygiene, and self-care – critical topics that directly influence their school attendance and academic success.

The mentors also donated balls, football kits and books to boys at the school to create awareness about girls’ right to education and destigmatize menstruation.

“We extend our heartfelt appreciation to the ATMIS Female Engagement Team for their remarkable efforts in raising awareness among our female students. The valuable information and guidance they provide has greatly empowered our students, equipping them with the knowledge to care for themselves better,” said Sadia Madobe, a teacher at Dhobley Primary School.

Through the mentorship program, the ATMIS KDF Female Engagement Team and the Dhobley Women’s Association aim to increase enrolment of girls and minimize school dropouts.

The goal is to increase girls’ transition to higher education, boosting the number of women professionals and fostering long-term economic empowerment. This will create a generation of girls and women who are equipped to lead, thrive, and contribute to prosperity of their communities.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Faarax Cabduqaadir oo ka Hadlay Dagaal AS.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Wasiir Faarax Cabduqaadir oo ka Hadlay Dagaal AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Odowaa Oo gaaray Deegaan ay Gadood ka Sameeyen Ciidamada Xooga Dalka.

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Taliye Odowaa Oo gaaray Deegaan ay Gadood ka Sameeyen Ciidamada Xooga Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.