Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Sababta Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya uu u Gaaray Degmada Maxaas.
{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Muxuyadiin “Goba nimada aas sameysen cid sameyn karto ma jirto waana la idin ku yaqaanay”.
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Nabadoon Muxuyadiin “Goba nimada aas sameysen cid sameyn karto ma jirto waana la idin ku yaqaanay”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor”Sharafta aad nagusoo dhaweyseen waad u dhalateen”.
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor”Sharafta aad nagusoo dhaweyseen waad u dhalateen”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Afhayeenka Howlgalka kasocda gobolka Bari ee Puntland ayaa warbaahinta faah-faahin siiyay.
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Afhayeenka Howlgalka kasocda gobolka Bari ee Puntland ayaa warbaahinta faah-faahin siiyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan “Arinta xalka ah ee uu wado Imaam Daahir waan soo dhaweyneynaa”
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan “Arinta xalka ah ee uu wado Imaam Daahir waan soo dhaweyneynaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Maxeey Yihiin labada Hindise sharciyeed ee uu Madaxweynaha Hirshabelle maanta saxiixay ?
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku saxiixay labada hindise-sharciyeed ee kala ah:-
1. Dhaqan-galka ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2025 ee Dowladda Hirshabeelle.
2. Dhaqan-galka ansixinta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka ee Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay golaha Wadiiradda Hirshabelle iyo golaha Baarlamaanka oo horey u meel mariyay labadan hindise sharciyeed uu maanta saxiixay.
“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo horay u soo ansixiyay miisaaniyada iyo sharciga deegaanka ee aan maanta saxiixay. Hirgelinta sharciyadan waxa ay guul weyn u tahay bulshada Hirshabeelle.” Ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Sannadka curran doonno ee 2025 , ayaa Madaxtooyada maamulka Hirshabelle sheegtay in la ay shaqaalleysiiso shaqaallihii ugu badnaa ee ka mid noqdo shaqaallaha rayidka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Puntlnad oo war kasoo saartay Ajaaniib lagu dilay Dharjaale i
Talaado 31, DEC 2024 {HMC} Dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib , ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah waxa ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari.
Weerarkan ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in khasaaro soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa saldhigga la weeraray.
War kasoo baxay ciidamada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa lagu sheegay in saakay fashiliyeen weerar kooxda Daacish kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ciidamada dileen dhammaan xubnihii kooxda Daacidh ee weerarka soo qaaday.
”Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka howlgalka ee Puntland .
Puntland , ayaa sheegtay in kooxda weerarka soo qaaday ay isugu jireen ajaaniib iyo Soomaali , waxa ayna xuseen dadka ajaaniibta ah ee la dilay ku jiraan kuwa Carbeed iyo xabashi, waxa ayna xuseen ciidamada in ay u ruqaansadeen goobihii ay weerarka saakay kasoo qaadeen kooxda Dacaish.
Weerarkan saakay lagu qaaday ciidamada difaaca Puntland , ayaa imaanaya xilli ciidamada maamulkaasi gobolka Bari ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka hubeysan ee katirsan Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Batroolka oo Soo Gaaray Baladweyne
Talaado 31, DEC 2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, ayaa saakay oo Talaado ah Soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiirka iyo xubnaha la socady waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweryne kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Baladweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana wafdiga wasiirka loo galbiyay gudaha magaalada.
Wasiirka Batroolka iyo xubnaha la socda , ayaa magaalada Baladweyne u tagay xal u helida xiisada ka dhalatay ciidankii kasoo jeeday beesha Xawaadle ee aannada qabiil dhawaan loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Wasiirka , ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha, odayaasha dhaqanka, kuwaa uu kala hadli doono xiisada ka dhalatay dilka askarta loo geestay, iyo sidii looga hortagi lahaa in falal aargoosi ah dhacaan.
Dilka askarta beesha Xawaadle loo geestay kaddib , ayaa furumaha hore ee dagaalka waxaa ka baxay ciidan badan oo kasoo jeeday beessha Xawaadle, kuwaa oo dib ugu laabtay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Hiiraan, iyaga oo gadood ka ahaa falkii walaalahood lagula kacay.
Dowladda Soomaaliya oo horay u shaaciday in 48 saac gudahood kusoo qaban doonto maleeshiyaadkii dilka geestay , ayaan wali ku guuleysan in ay soo qabtaan, waxa ayna dowladda wadaa dedaalo looga hortago in colaad hor leh ka dhalato dilka loo geestay askartaasi.
{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-31-2024}
Talaado 31, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Imaam Daahir “Waxaan u imaanay Baledweyne inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf”.
Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Imaam Daahir “Waxaan u imaanay Baledweyne inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf”.



