Home Blog Page 1451

Fanaanadda Luul Jaylaani oo ku geeriyootay Minneapolis

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani.

Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.

Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha.

Bishii April 2021, Luul waxay ka mid noqotay dad badan oo caan ah oo Soomaaliyeed oo dhibane u noqday xanta dil, kadib markii la sheegay in ay geeriyootay.

Warkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, iyadoo markii dambe la sheegay inay nooshahay oo ay wanaagsan tahay.

Wareysi muuqaal ah oo ay siisay Radio Muqdisho ayay xilligaas ku tiri “Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan noolahay.” Waxa ay sidoo kale sheegtay in warkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay dhammaan qoyskeeda iyo saaxiibadeeda adduunka oo dhan.

Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.

Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is weydaartay

0

Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah.

Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, halka wasaaradda Ruushku ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda.

Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka.

Zelenskyy waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.

FESOJ oo 25 Wariye tababar ugu soo Xirtay Muqdisho.

Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta soo gabagabeysay tababar muhiim ah oo loo qabtay Wariyayaasha xubnaha ka ah ururka, kaas oo Muqdisho ka socday saddex cisho.

Tababarkan, oo diiradda lagu saaray anshaxa saxaafadda, soo saarista warbixinnada maqalka iyo muuqaalka, iyo badbaadada dijitaalka ah, ayaa waxaa ka qayb-galay 25 wariye oo ka kala socda gobollada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Benaadir.

Tababarka waxaa lagu baray Wariyeyaasha xirfadaha soo saarista warbixino sax ah, ilaalinta xogta bulshada, iyo badbaadada suxufiyiinta, gaar ahaan marka ay ka shaqeynayaan meelaha khatarta ah.

Waxaa sidoo kale la baray tiknoolajiyadda iyo software-yada casriga ah ee warbaahinta, iyo sidii loo ilaalin lahaa amniga dijitaalka ah, iyadoo laga hortagayo khataraha sida hacking iyo malware.

FESOJ iyo BBC Media Action ayaa iska kaashaday tababarkan, oo ay maalgeliyeen Midowga Yurub. Guddoomiyaha FESOJ, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi, ayaa sheegay in tababarkan uu suxufiyiinta ka caawinayo in ay soo saaraan warbixino mas’uuliyad leh iyo kuwo ku saleysan anshaxa saxaafadda.

Xoghayaha Guud ee FESOJ, Farah Omar Nur, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta ku saabsan khataraha dijitaalka iyo xatooyada xogta.

FESOJ waxay rajaynaysaa in tababarkani uu sii xoojin doono xirfadaha suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo badbaadadooda shaqo.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.12.2024}

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

Goorma ayeey dhaceysaa doorashada Dalka Suuriya?

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Hogaamiyaha Suuriya ayaa Axaddii sheegay in muddo afar sano ah ay qaadan karto xilliga la qaban doono doorasho ka dhacdo Suuriya, isaga oo intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan sidi loo kala diri lahaa kooxdiisa islaamiga ah ee hogaaminaysay kacdoonka dalkaasi ee xakunka looga tuuray dowladdii taliskii Bashar Al Asad ee muddada dheer dalkaasi xakumayay.

Ahmad al-Sharaa, oo hoggaamiya Jabhadda Xayat Taxrir Al Sham, oo ah kooxda majaraha u heysa dhaq dhaqaaqyada hadda la wareegay awoodda Suuriya, ayaa hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka laga leeyahay Sacuudiga ee Al Carabiya.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo ay xakunka hayaan, ka gadaal marki ay sidi biriqdi oo kale gobollada dalka oo dhan uga xureeyeen dhammaan ciidanki dowladdii waqtiga dheereyd ee reer Asad, taas oo Suuriya xakumay muddo ka badan 50 sano.

Kacdoonkaasi ayaa soo billowday sannadki 2011-ki, waxaana ku dhintay tobnaan kun, halka malaayiin kale ay qaxeen ama barakacaeen.

Axmed Al Sharca wuxuu sheegay in ay waqti qaadan doonto doorasho xor ah, iyadoo oo loo baahan yahay buu yiri ciidamo kala duwan, wadahadallo siyaasadeed iyo in dib loo qoro dastuurka Suuriya.

Wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha dalka ay aad u liitaan loona baahanyahay dib u dhis cusub loo lagu sameeyo Suurya.

Xigasho VOA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Nuur dheere oo Meel fagaaro ah kula hadlay Ciidankii Ka soo Baxay Furumaha

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC}  Gudoomiyaha dagmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) ayaa meel fagaaro ah kula hadle Ciidamadii dhawaan ka soo baxay aaga hore ee dagaalka kadib markii ay ka caroodeen Askar dil loogu geystay Deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha dhaxe.

Nuur dheere ayaa la dar daarmay Ciidamada waxaana uu baaq u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} DFS Oo Shaacisay Xiliga la helayo warbixinta sahminta Shidaalka Soomaaliya.”

0

Isniin 30, Dec 2024 {HMC} DFS Oo Shaacisay Xiliga la helayo warbixinta sahminta Shidaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Fasaxday in Canshuurta laga daayo Gaadiidka xamuulka DD Soomaalida.

0

Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Puntland oo Fasaxday in Canshuurta laga daayo Gaadiidka xamuulka DD Soomaalida.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta ay Puntland ugu Fasaxday Canshuurta laga qaado Gaadiidka Dowlad Deegaanka.?

0

Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Sababta ay Puntland ugu Fasaxday Canshuurta laga qaado Gaadiidka Dowlad Deegaanka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa shaqada looga joojiyay Taliyaha Ciidanka Badda?

0

Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Maxaa shaqada looga joojiyay Taliyaha Ciidanka Badda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA