Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo ka dhan ah AS Ka wado Sh/Dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo ka dhan ah AS Ka wado Sh/Dhexe.
Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in Waaxda Caddaaladda (DOJ) ay waddo baaritaan ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota.
Trump ayaa warkan ku faafiyay bartiisa Truth Social, isagoo qoray: “Waaxda Caddaaladda (DOJ) iyo Congress-ku waxay baarayaan ‘Xildhibaanad’ Ilhaan Cumar, oo Soomaaliya ka timid iyadoo waxba haysan (eber ah), haddana la sheegayo inay haysato hanti ka badan 44 milyan oo dollar. Waqtiga ayaa wax walba sheegi doona.”
Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu ku qaado Ilhaan, waana tusaalihii ugu cusbaa ee muujinaya madaxweynaha oo beegsanaya dadka ay siyaasadda isku hayaan, isagoo adeegsanaya awoodda baaritaan ee dowladda.
Xiisadda u dhaxaysa labadooda ayaa sii kordhay xilli saraakiisha socdaalku ay sii
wadaan roondada iyo howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Minneapolis, oo
ah deegaanka ay Ilhaan wakiilka ka tahay.
Ilhaan ayaa Isniintii u muuqatay mid aan dhibsan hadalka Trump. Qoraal ay soo
dhigtay barta X (Twitter), ayay Ilhaan ku sheegtay in Trump uu isku dayayo inuu
dadka “kaga jeediyo fashilkiisa.”\
“Waan ka xumahay, Trump, taageeradaadii way sii dumeysaa waanad argagaxsan
tahay,” ayay qortay. “Si sax ah, waxaad guuldarrooyinkaaga ku qarinaysaa beenta
iyo aragtiyada shirqoolka ah ee aad aniga iga faafinayso. Baaritaanno socday
sannado badan waxba lagama helin. Dableydaada kala bax Minnesota.”
Afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in aysan wax og
Hantida Ilhan ayaa si weyn kor ugu kacday sannadkii la soo dhaafay, waxaana
Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiilada, James Comer (R-Ky.), uu
dhawaan u sheegay wargeyska New York Post inuu qorsheynayo inuu bilaabo
baaritaan ku saabsan waxa sababay kororka degdegga ah ee hantideeda.
Sida lagu sheegay macluumaad maaliyadeed oo la diiwaangeliyay sannadkii hore,
kororka hantida Ilhaan ayaa asal ahaan ka yimid dhanka seygeeda—mana ahan
lacag ka soo gashay shaqada dowladda. Waxay shaacisay in seygeedu uu saamiyo
ku leeyahay shirkad maalgashi (venture capital) iyo mid khamriga sameysa
(winery), kuwaas oo qiimahoodu u dhexeeyo $6 milyan ilaa $30 milyan
.
Dhaqan ahaan, ilaha dhaqaalaha iyo hantida xubnaha Congress-ka iyo xaasaskooda
ayaa lagu shaaciyaa qiyaas ballaaran (ranges), ee ma ahan tiro lacageed oo go’an.
Ilhaan ayaa horey u beenisay eedeymaha ku saabsan wax isdabamarin, waxayna
sheegtay in Trump uu qabo “waali naxdin leh” oo ku saabsan iyada.
Talaado 27, Jan 2026 {HMC}. Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda socdaalka ee Maraykanka ayaa la filayaa inuu ka baxo magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, arrintan oo laga yaabo inay wax ka beddesho Aqalka Cad, ka dib markii toddobaadkii hore ay saraakiisha federaalku toogasho ku dileen muwaadin labaad oo Maraykan ah.
Iyadoo Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino iyo qaar ka mid ah wakiillada socdaalka ay baxayaan, sarkaalka dhanka xadka Tom Homan wuxuu bilaabi doonaa inuu hoggaamiyo dadaallada dhulka ee magaalada Minnesota ka dib markii toogashadii Alex Pretti ee Sabtidii ay sii kordhisay xiisadda.
Go’aanka Madaxweyne Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu muujiyo xiisaha maamulka ee ah inuu dib ugu laabto tallaabo federaali ah oo gardarro badan oo ka dhan ah socdaalka ee waddanka oo dhan.
Inkastoo lagu dhawaaqay arrintan, haddana dabagalka dhanka online-ka ee beegsiga muhaajiriinta ayaa muujinaya in dadaalka maamulka uu wali sii socdo.
Bovino wuxuu ahaa wejiga hawlgalka markii Pretti—oo ahaa kalkaaliye haystay kamarad lagu arkay isagoo sawiraya saraakiisha—uuna la galay iska horimaad sababay in dhowr jeer lagu toogto waddo ku taal Minneapolis. Taliyaha ilaalada xudduudaha ayaa sii huriyay xaaladda ka dib toogashada, isagoo ku sheegay in Pretti uu damacsanaa inuu “xasuuqo” saraakiisha federaalka.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay u toogteen ninkaasi iyagoo is difaacaya ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen inuu bastoolad haystay, uu ka horyimid isku dayo hubka looga dhigayay maalintii Sabtida. Marqaatiyaal, mas’uuliyiin maxalli ah iyo qoyska dhibbanaha ayaa su’aal geliyay sheegashadaas, iyagoo xusay in Pretti uu gacanta ku hayay taleefan, ee uusan wadan hub. Dhanka kale, waalidkiis ayaa ku eedeeyay maamulka inay fafinayaan “been laga yaqyaqsado” oo ku saabsan wixii dhacay.
Toogashada ka hor, Bovino wuxuu hormuud u ahaa habka adag ee maamulka Trump ee fulinta socdaalka ee dhowr magaalo, isagoo si firfircoon arrintaas uga hadli jiray baraha bulshada, si joogto ahna u duubi jiray weerarrada isagoo soo dhigi jiray muuqaallo xayeysiin ah oo muujinaya ficillada saraakiishiisa.
Homan ayaa u ololeeya fulinta adag ee socdaalka ee Trump. Laakiin sidoo kale khibrad ayuu u leeyahay doorkan—Homan wuxuu ka soo shaqeeyay socdaalka iyo mastaafurinta intii uu jiray maamulkii dimuqraaddiga ahaa ee Barack Obama.
Gudaha Minneapolis maalintii Isniinta, xiisadda iyo niyad-jabka ka dhashay joogitaanka saraakiisha federaalka ayaa ahaa mid aad u sarreeya, in kasta oo ay soo baxday warka sheegaya in Bovino iyo qaar ka mid ah saraakiisha ay baxayaan. “Dad badan ayaan awoodin inay shaqeeyaan hadda, ma awoodaan inay guryahooda ka baxaan, way baqayaan,” ayuu yiri George Cordero oo deggan St Paul, oo ah magaalada mataanaha la ah Minneapolis.
Pretti wuxuu ahaa qofkii labaad ee deggan Minneapolis oo ay dileen saraakiisha socdaalka federaalka tan iyo markii ay gobolka soo galeen; Renee Nicole Good, waxaa dilay sarkaalka Ilaalada Socdaalka iyo Kastamka (ICE) 7-dii Janaayo. Carada badan ee magaalada iyo tan siyaasiyiinta labada dhinacba waxay ku wajahneyd Bovino iyo saraakiisha ilaalada xudduudaha ee loo soo diray Minneapolis oo ay weheliyaan saraakiisha ICE sida uu amray Trump. Isku darka, waxaa magaalada jooga in ka badan 3,000 oo saraakiisha socdaalka ah.
Wararka qaar ee warbaahinta Isniintii ayaa soo jeediyay in Bovino laga qaaday xilkiisii, laakiin afhayeenka Amniga Gudaha Tricia McLaughlin ayaa taas gaashaanka u daruurtay, iyadoo tiri madaxa ilaalada xudduudaha “waa qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxda Madaxweynaha iyo qof Mareykan ah oo weyn”.
Carol Engelheart, oo ah kalkaaliso hawlgab ah oo u dhalatay Minneapolis, ayaa sheegtay inay dareen aad u xooggan ka qabto dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay. “Waxaan u baahannahay inaan daneyno dalkan, waxaan u baahannahay inaan hubinno inaan weli leennahay dastuur, haddii dadku is abaabulaan oo ay istaagaanna, tan waan ka guulaysan karnaa,” ayay tiri, iyadoo dhaleeceynaysa ficillada saraakiisha socdaalka ee magaalada.
Dhanka kale, duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Madaxweyne Trump, wuxuuna ka codsaday inuu soo afjaro howlgalka socda ee ay wadaan wakiillada federaalka ee ka dhanka ah soogalootiga sharci darrada ah – taasoo keentay xarig ballaaran oo dadka lagula kacay iyo dilka labo qof oo rayid ah.
Mr Trump qudhiisa ayaa bogaadiyay wada hadalka waxa uuna sheegay in horumar laga gaaray. Waxaa si weyn loo soo tebiyay in madaxii howlgalka ballaaran ee musaafurinta, Gregory Bovino, laga soo saari doono Minneapolis.
Waxaa sii kordhaya isu soo baxyada lagu xusayo Alex Pretti oo wakiillada federaalku ay toogteen Sabtidii, iyadoo dadky ay weli ku sugan yihiin goobta uu dilku ka dhacay. Weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in goobta ay haatan noqotay meel lagu muujiyo murugada magaalada.
Talaado 27, Jan 2026 {HMC}. Afhayeenka aqalka cad, Karoline Leavitt, ayaa ka hadashay dilkii ka dhacay Minnesota dhammaadkii usbuuca.
Waxay sheegtay in dilka Alex Pretti Sabtidii uu hadda uu baaritaan xoogganay ku waddo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) iyo Hay’adda Baarista Federaalka (FBI) — waana baaritaano socda oo aan weli la soo afjarin.
Dhanka kale Iska caabbinta Minnesota ee ka dhanka ah kororka saraakiisha socdaalka ee federaalka ah kuma koobna oo keliya mudaharaadyada waddooyinka, balse sidoo kale waxay ka socotaa maxkamadaha.
Garsoore federaal ah ayaa dhageystay doodaha xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, kuwaas oo ka hortagaya kuna murmaya dastuur-waafaqsanaanta kororka wakiillada federaalka ee loo diray Minneapolis iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka.
Dhanka kale Madaxa Ilaalada Xuduudaha, Dan Bovino, iyo qaar ka mid ah wakiilladiisa ayaa ka tagi doona Minneapolis kaddib markii Alex Pretti la toogtay Sabtidii, sida ay sheegtay CBS News oo wada shaqayn la leh BBC-du.
Tani waxay ka dambeysay cadho xooggan ay ka dhalatay sida saraakiisha sare ee federaalka, oo ay ku jiraan Bovino iyo Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ay uga jawaabeen toogashada.
Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Naciim Qaasim, Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ayaa u sheegay taageerayaashiisa khudbad telefishin laga baahiyay iyo isu-soo-bax uu ku taageerayay Iiraan: “Haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ka bilaabaan Iiraan, annagu dhexdhexaad kama ahaan doonno.”
Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa yiri:“Waxaan u aragnaa hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan mid annagana nagu wajahan, waxaana leenahay awood buuxda oo aan ku qaadno tallaabo kasta oo aan ku aragno inay ku habboon tahay ka hortaggeeda.”
Khudbadda Naciim Qaasim ayaa si toos ah looga baahiyay Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Wuxuu intaas ku daray:“Arrinta Iiraan kama nihin dhexdhexaad, waxaana ku dhawaaqi doonnaa tallaabadeenna waqtiga ku habboon,” isaga oo ka digay in dagaal cusub oo lagula kaco Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu “dab qabsan doono guud ahaan gobolka.”
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dhanka afka ah oo u dhaxeeyay saraakiisha Iran iyo dowladda Lubnaan oo ka dhashay hub ka dhigis lagu sameeyay kooxdan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan alaabihii laga saaray bakhaarka dekedda Muqdisho ee saameynta ku yeeshay hawlaha ballaarinta dekedda si buuxda loogu soo celiyey Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).
Dowladdu waxay mas’uuliyad buuxda ka qaaday dhacdadan, waxayna WFP siisay bakhaar weyn oo ku habboon kaydinta iyo qaybinta alaabta si hufan.
Dowladda ayaa sidoo kale ballanqaaday in la xoojiyo isuduwidda iyo wadaagga macluumaadka lala yeesho deeq-bixiyayaasha caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyin la mid ah mustaqbalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa ka go’naanshaheeda mabaadi’da gargaarka bini’aadantinimo, daahfurnaanta, iyo iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya dadka Soomaaliyeed.

Isniin 26 Jan 2026 {HMC} Trump ayaa shaaca ka qaaday wadahadalkii u horreeyay oo telefoonka uu kula yeeshay guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, isagoo ka codsaday inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaaladda ka taagan Minnesota, xilli uu gobolkaa wajahayo rabshadaha ka dhashay dilal ay geysatay ICE , oo howlgallo lagu baacsanayo dadka soogalootiga ah ka wada Minnesota.
Trump wuxuu yiri, wicitaanku wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, isla markaana ay u muuqatay inay isku aragti yihiin. Wuxuu sheegay inuu u sheegay guddoomiye Walz in Tom Homan oo ah agaasimaha
hay’adda socdaalka iyo kastamka Mareykanka uu la soo xiriiri doono, isla markaana dowladda federaalku ay doonayso in la soo qabto dhammaan dadka dambiyada galay ee ay hay’adaha hayaan.
Trump wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Minnesota uu arrintaas si ixtiraam leh u fahmay, isla markaana ay mar kale wada hadli doonaan waqti dhow.
Wuxuu intaa ku daray in Guddoomiye Walz uu ku faraxsan yahay in Tom Homan uu tagayo Minnesota.
Monday 26 Jan 2026 {HMC} Somalia’s Minister of Defense, Ahmed Moallim Fiqi, said the Somali National Army (SNA) has achieved major gains following two weeks of fighting in the Jabad Godane area, east of Xawaadleey in the Middle Shabelle region, against Al-Shabaab militants.
Speaking at a press conference on Monday evening, the minister said government forces killed between 120 and 150 Al-Shabaab fighters during the two-week clashes.
He added that in a separate battle that began last night and continued until monday afternoon, government troops killed 50 Al-Shabaab militants, including six senior leaders who had been directing the fighting over the past two weeks. More than 200 other fighters were wounded in that engagement, he said.
Minister Fiqi described the developments as a major blow to Al-Shabaab, noting that the group had recently claimed it would capture the Middle Shabelle region and advance toward the capital, Mogadishu.
He emphasized that the areas where the fighting took place are of strategic importance to the security of Mogadishu and to a site where the Turkish government plans to establish a satellite launch facility.
Isniin 26 Jan 2026 {HMC} Ciidamada Turkiga ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga qayb qaatay hawlgal milatari oo ka dhacay Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaallamay Ciidanka Xoogga Dalka si ay u iska caabiyaan weerar ay AS ka fulisay gobolka Shabeellaha dhexe.
Dagaalka oo socday ku dhowaad saddex saacadood ayaa ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee degmada Warsheekh, halkaas oo Turkigu qorsheynayo inuu ka dhiso xarun dayax-gacmeed (satellite launch center).
Qiyaastii 10 askari oo Turki ah, kuwaas oo watay gaadiid gaashaaman iyo hub casri ah, ayaa si toos ah uga qayb qaatay dagaalka, iyagoo taageero muhiim ah siiyay ciidamada Soomaaliyeed ee la dagaalamayay AS.
Dad deegaanka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadkii AS ee weerarka soo qaaday ay dib ugu gurteen aagga Hawadley ee ku dhow goobta.
Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aan dagaalka laga samayn hormar muuqda isla markaana uu ka dhashay qasaare gaaray Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka Gorgor iyo Danab.