Home Blog Page 148

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Somaliya iyo Caalamka 27/01/2025.

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo bilaabay bixinta Shatiyada Caymiska.

0

Talaado 27 Jun 2026 {HMC} Sida uu ku sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliy, Bankiga ayaa si rasmi ah u billaabay bixinta shatiyadii ugu horreeyay ee la siiyo shirkadaha bixiya adeegga Caymiska Islaamiga ah ee loo yaqaan

“Takaful”. Tallaabadan taariikhiga ah waa mid lagu nidaaminayo adeegga caymiska dalka, kaas oo waafaqsan mabaadi’da caymiska shareecada Islaamka iyo hannaanka korjoogteyta adeegga caymiska ee casriga ah.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo yeeshay shir aan caadi aheyn.

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay ajandeyaasha horyaalla Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa taabanaya masiirka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn oo ku soo aaday xilli uu gaba gabo yahay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.

Aadan Madoobe ayaa Guddiyada joogtada siiyay warbixin la xiriirta howlaha golaha shacabka horyaalla, isagoo ku baaqay in la xoojiyo shaqada qaranka.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday ajendayaasha horutabinta u leh Golaha iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Golaha la horgeeyo ajandayaasha, si loogu coddeeyo.

Go’aanka ka soo baxay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Baarlamaanka loo soo gudbiyay wax ka badalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka dalka.

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana ay xildhibaannada qaar ku doodayaan in dib loo dhigo Qorshaha wax ka badalka Dastuurka.

DFS oo shaacisay in 150 xubnood As looga dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad bixiyay howlgalo mudo ka badan laba todobaad ka socday deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgalada ka socday mudada labada todobaad ah gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaa deegaanka Jabad Godane iyo nawaaxigiisa in lagu dilay ilaa 150 xubnood oo ka tirsan As .

“Ilaahey fadligiis iyo geesinimada ciidanka Qaranka waxaa suura gashay in howlgalo socday mudo ka badan laba todobaad oo ay garab naga siiyeen saaxiibada Caalamka in aan ku guuleysanay in cadawga Khawaarijta aan ka nadiifino deegaanka Jabad Godane, waxaana howlgaladaas looga dilay tiro u dhaxeysa 120 ilaa 150 oo ay ku jiraan lix horjooge ” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale xusay in howlgaladii ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islanarkaana looga dilay in ka badan 200 oo xubnood.

Wuxuu bogaadiyay guulahii ciidamada is kaashanaya ee Danab iyo kuwa Jubbaland guushii ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay Kudhaa, isagoona ku tilmaamay guulaha ciidanadu ka gaareen Jabad Godane iyo Kudhaa iney muujineyso awooda ciidanka Qaranka.

“Guulahan waxay cadeyn u tahay in ciidamada Qaranka ay ku filan yihiin difaaca dalka, waxay fariin cad u tahay kuwa shirarka narkey qabtaan dhihi jiray ciidankii waa burburay ciidan wax iska difaaci kara ma jiro” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa dowladaha Turkiga iyo Maraykanka uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada howlgalada fuliyay oo ay ku caawiyeen duqaymo dhanka cirka ah iyo taageerrada agabka ciidan ay adeegsanayeen.

Xamse Cabdi Barre Oo Sheegay in dhul dad leeyihiin in Cagafyo loo keensado oo laga qaaday “

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay cabashada sii kordheysa marba marka ka dambeysa ee kasoo yeereysa dadka ka cabanaya in dhulkooda ay qaadanayaan shaqsiyaad lagu sheegay in ay yihiin ganacasto iyo dad kale kuwaas oo si qasab ah u barakcinaya.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in sharci daro ay tahay in Cagaf la dul geeyo dad deegaan ah, iyadoo ujeedka laga leeyahayna uu yahay sidii looga boobi lahaa dhulkaas.

“Lama aqbalaayo in dad dhul ay leeyihiin inta dad ganacsato ah iyo ciddii ay rabto ha ahaatee in Cagafyo loo keensado oo laga qaato, buuq farabadan ayaa jira oo dadku ku leeyihiin Dhul baan lahaa, waa la iga qaaday oo waa la iga jabiyay, waxaa la rabaa in dadkuna ilaahay ka cabsadaan oo ay iska ilaaliyaan dhulka aysan lahayn” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa faray Dowladda Hoose ee Xamar iyo Hay’adaha kale ee shaqadoodu tahay arrintaan in si deg deg ah wax uga qabtaan cabashada dadka ku nool Muqdisho oo noqotay mudooyinkii dambe mid sii kordhaysa.

“Waa dulmi arrintaan haddii ay jirto, waxaan faraynaa hay’adaha ku shaqada leh oo koow ka tahay Dowladda Hoose ee Xamar in dadka cabashadoodu la fiiriyo oo loo ilaaliyo dhulkooda iyo hantidooda” ayuu yiri Raysal Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka lagu eedeynayo in rag ganacsato ah ka iibsatay dhulalka laga barakiciyay qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Soomaaliya Oo Shaaciyay in oggolaaneyn in Falastiiniyiin loosoo barakiciyo dhulka Soomaaliya

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si adag u beeniyay una diiday warar iyo soo jeedinno ku saabsan in shacabka Falastiin losoo barakiciyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Somaliland.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Al-Jazeera Isniintii, ayuu wasiirku ku sheegay in ay gabi ahaanba wax aan la aqbali karin tahay in Falastiiniyiinta lagu qasbo inay ka haajiraan dalkooda ama loo raro dhul kale, gaar ahaan in la geeyo Somaliland ama halkaas laga dhiso saldhig ciidan.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marna oggolaan doonin wax kasta oo keeni kara barakicin ama degsiin qasab ah oo lagula kaco shacabka Falastiin, isagoo xusay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad oo ku dhisan taageerada xuquuqda shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dalkooda.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeynayso taageerada saaxiibbadeeda iyo beesha caalamka si loo helo dal Soomaaliyeed oo mideysan, nabdoon, isla markaana xasilloon.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa mar kale adkeeyay in dalku uusan marna ka mid noqon doonin qorshe kasta oo wax u dhimaya shacabka Falastiin ama ku xadgudbaya xuquuqdooda, isagoo ku tilmaamay fikradahaas kuwo ka hor imanaya mabaadi’da bani’aadannimo, akhlaaqda iyo sharciga caalamiga ah.

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo war kasoo saartay Natiijada Raashiinkii laga dhacay Dekada Muqdisho.

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} DFS oo war kasoo saartay Natiijada Raashiinkii laga dhacay Dekada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo ka dhan ah AS Ka wado Sh/Dhexe.

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo ka dhan ah AS Ka wado Sh/Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo kudhow inuu weeraro iiraan

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Mareeykanka oo kudhow inuu weeraro iiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Madaxweyne Trump oo shaaciyey in baaritaan lagu haayo dhaqaalaha Ilhaan Cumar,

0

Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in Waaxda Caddaaladda (DOJ) ay waddo baaritaan ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota.

Trump ayaa warkan ku faafiyay bartiisa Truth Social, isagoo qoray: “Waaxda Caddaaladda (DOJ) iyo Congress-ku waxay baarayaan ‘Xildhibaanad’ Ilhaan Cumar, oo Soomaaliya ka timid iyadoo waxba haysan (eber ah), haddana la sheegayo inay haysato hanti ka badan 44 milyan oo dollar. Waqtiga ayaa wax walba sheegi doona.”

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu ku qaado Ilhaan, waana tusaalihii ugu cusbaa ee muujinaya madaxweynaha oo beegsanaya dadka ay siyaasadda isku hayaan, isagoo adeegsanaya awoodda baaritaan ee dowladda.

Xiisadda u dhaxaysa labadooda ayaa sii kordhay xilli saraakiisha socdaalku ay sii
wadaan roondada iyo howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Minneapolis, oo
ah deegaanka ay Ilhaan wakiilka ka tahay.

Ilhaan ayaa Isniintii u muuqatay mid aan dhibsan hadalka Trump. Qoraal ay soo
dhigtay barta X (Twitter), ayay Ilhaan ku sheegtay in Trump uu isku dayayo inuu
dadka “kaga jeediyo fashilkiisa.”\

“Waan ka xumahay, Trump, taageeradaadii way sii dumeysaa waanad argagaxsan
tahay,” ayay qortay. “Si sax ah, waxaad guuldarrooyinkaaga ku qarinaysaa beenta
iyo aragtiyada shirqoolka ah ee aad aniga iga faafinayso. Baaritaanno socday
sannado badan waxba lagama helin. Dableydaada kala bax Minnesota.”
Afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in aysan wax og

Hantida Ilhan ayaa si weyn kor ugu kacday sannadkii la soo dhaafay, waxaana
Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiilada, James Comer (R-Ky.), uu
dhawaan u sheegay wargeyska New York Post inuu qorsheynayo inuu bilaabo
baaritaan ku saabsan waxa sababay kororka degdegga ah ee hantideeda.

Sida lagu sheegay macluumaad maaliyadeed oo la diiwaangeliyay sannadkii hore,
kororka hantida Ilhaan ayaa asal ahaan ka yimid dhanka seygeeda—mana ahan
lacag ka soo gashay shaqada dowladda. Waxay shaacisay in seygeedu uu saamiyo
ku leeyahay shirkad maalgashi (venture capital) iyo mid khamriga sameysa
(winery), kuwaas oo qiimahoodu u dhexeeyo $6 milyan ilaa $30 milyan

.
Dhaqan ahaan, ilaha dhaqaalaha iyo hantida xubnaha Congress-ka iyo xaasaskooda
ayaa lagu shaaciyaa qiyaas ballaaran (ranges), ee ma ahan tiro lacageed oo go’an.
Ilhaan ayaa horey u beenisay eedeymaha ku saabsan wax isdabamarin, waxayna
sheegtay in Trump uu qabo “waali naxdin leh” oo ku saabsan iyada.