Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Maxey tahay sababta Masar iyo Iraan ugu walaacsan yihiin is badelka cusub ee Suuriya?.
Maxaa ka jira in hogaamiyaha Suuriya uu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghaistan oo kale?
Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka waddankaas, iyo inuu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghanistan oo kale.
Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo nidaamka ka jiraa waddanka Afghanistan.
Waxaa uu sheegay inuu rumeysanyahay waxbarashada haweenka.
“Muddo ka badan sideed sano, waxaan jaamacado ku lahayn magaalada Idlib”, ayuu yiri Sharaa, oo ka hadlayay gobolka waqooyi-galbeed ee Suuriya oo xoogagga mucaaradka ay maamulayeen tan iyo sanadkii 2011-kii.
“Waxaan u maleynayaa in tirade haweenka dhigta jaamacadaha ay tahay boqolkiiba 60”, ayuu intaas raaciyay.
DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.12.2024}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Moalim Muse
Farsamadii ::Muuse Ali Herow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Waa kuma Janaraalkii hoggaaminayay ciidamada ilaalinta nukliyeerka Ruushka ee la khaarajiyay
Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Qoraalka sawirka,Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).
Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).
Kirillov ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada bishii Abriil 2017. Sida laga soo xigtay warbaahinta ay maamusho dowladda Ruushka ee Tass, wuxuu ka baxay machadka Militariga ee Kostroma ee hubka Kiimikada.
Shalay, Adeegga Ammaanka ee Ukraine (SBU) ayaa Kirillov xukumay isagoo maqan, kaddib markii lagu eedeeyay inuu Ukraine u adeegsaday hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, sida ay werisay warbaahinta Kyiv Independent.
Adeegga Ammaanka ee Ukraine waxay sheegtay in Ruushku adeegsaday hubka kiimikada ku dhawaad 5,000 oo jeer oo uu hogaaminayay Kirillov.
Waxa uu ciidamada qalabka sida ee USSR ka tirsanaa tan iyo 1987. 1991 wuxuu ka qalin jabiyay machadka milatariga ee Kostroma gaar ahaan Difaaca Kiimikada.
Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1994 wuxuu ahaa taliyaha Kooxda Galbeedka ee Ciidamada.
Tan iyo 1995, wuxuu si isdaba joog xilal uga qabanayay qeybaha kala duwan ee ciidamada. Wuxuu soo noqday taliyaha guutada ilaalinta shucaaca, kiimikaada iyo bayooloji gaar ah.
Laga soo bilaabo 2005 ilaa 2007 wuxuu wax ka bartay Akademiyada Ilaalinta Ciidanka ee NBC. Tan iyo 2009, waxa uu ka soo shaqeeyay jagooyin kala duwan sida Taliyaha Ciidanka Ilaalada NBC ee Ruushka ee Ciidamada Qalabka Sida.
Bishii Sebtembar 2014, Kirillov waxaa loo magacaabay madaxa Akadeemiyada Difaaca ee Timoshenko.
Tan iyo Abriil 2017, General Kirillov wuxuu ahaa madaxa NBC oo qaabilsan Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka.
Ka qaybqaadashada tooska ah ee ficilada militariga ee ka dhanka ah dowladaha madaxbanaan, Igor Kirillov ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta caalamiga ah.
Febraayo 23, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta Kanada. Oktoobar 19, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta ee Ukraine. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay Ingiriiska 8 Oktoobar 2024.
16-kii Diseembar 2024, Ukraine waxay dacwad ku soo oogtay Kirillov isagoo xaadir ahayn. Dawcwadda lagu soo oogay ayaa salka ku haysaa isticmaalka hubka kiimikada ah ee la mamnuucay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Trump oo amaan kala dul dhacay Erdogan
Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa amaanay doorka uu Turkiga ku lahaa isbedelka ka dhacay dalka Suriya.
Mar uu hadal jeediyay isago ku sugan barxadda Mar-a-Lago ee gobolka Florida, yaa waxaa uu ridistii Bashaar-al-Assad ku tilmaamay “xukun qab dagaal lagula wareegay” oo Turkigu hogaaminayo.
Dhanka kale, Donald Trump, ayaa madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ugu yeeray “hogaamiye aad u caqli badan”.
Trump ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ficillada arxan darrada Bashaar al-asad isagoo ku tilmaamay inuu yahay “dilaa”.
“Waxaan aaminsanahay in madaxweynaha uu yahay nin xariif ah oo adag, Turkigu wuxuu kula wareegay Suuriya qaab saaxibtinimo ka fog iyadoo aanay dad badan ku dhiman, waxaan dhihi lahaa Asad waxaa uu ahaa kawaanle marka la eego waxa u uku sameeyay carruurta Suuriya”, ayuu yiri Trump.
{DAAWO MUQAALKA} Askartii Dishay Gacal Cilmi Hagar oo lagu Maxkamadeeyay Dagmada Buulo-burte.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Maxkamadeynta laba ka mid ah Ciidanka Nabad sugida NISA oo lagu qabtay dhageysigooda dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Heerka saboolnimada Soomaaliya oo la soo bandhigay.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.
Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caamaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xogsugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.
Eng Saalax ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.12.2024}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Muse Ali Herow
Farsamadii ::Abdirahman Maolim Muse
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Soomaaliya ka dhisaayo saldhig dayax-gacmeed.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka sameynaya xarun lagu tijaabiyo gantaalada, sida uu sheegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Talaabadan hadii ay hirgasho waxay sare u qaadeysaa barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee Wadanka Turkiga.
“Mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona shaqo abuur iyo dakhli soo gala qaranka,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Meesha Soomaaliya ay ku taallo oo ah cirifka bari ee dhul weynaha Afrika ayaa ku habboon in loo toogto dhinaca Badweynta Hindiya iyada oo meesha ka saareysa in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay iyo waddamada kale, sidda wargeyska Bloomberg uu sheegtay bishii Sebtembar.
Xarunta laga dhisayo Soomaaliya waxay horumarin doontaa rajada Turkiga ee ah inuu ku biiro tartanka hawada sare ee caado ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka.
Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya,iyadoo dalka Afrikaanka ah uu isku dayayo inuu dib u dhis ku sameeyo sanado badan oo dagaal beeleed ah.
“Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in ay martigeliso tartanka hawada sare ee dayax gacmeedka Turkiga ay xitaa aad uga muhiimsan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruucu dhalin doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta laga dhisayo mashruuca.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Diyaaradii ugu horeysay oo ka duushay Magaalada Dimishiq kadib ridistii Bashaar Al-Asad
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dimishiiq ee wadanka Suuriya ee ayaa Arbacadii maanta dib u bilaabay hawlihii duulimaadka ka dib markii ay dhacday horaantii bishan dowladdii uu mdaxweynaha ka ahaa Bashaar Al-Asad.
Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Syrian Airlines oo ka soo duushay garoonka Caasimada Dimishiq,waxaana ay ku wajahneed Magaalada Xalab oo kamid ah magaalooyinka Dalkaas
Talaabadan ayaa calaamad u ah duulimaadkii ugu horreeyay ee labada magaalo – oo ah tii ugu weyneydee dalkaasi – tan iyo burburkii taliskii Bashaar Al asad.
Bashaar Assad, hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u baxsaday Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa ay la wareegeen dalka 8-dii December, taasoo soo afjartay taliskii xisbiga Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963.
Horraantii toddobaadkan, shaqaalaha madaarku waxa ay diyaarado ku sawirayeen calanka saddexda xiddigle ee madaxbannaanida oo astaan u noqday kacdoonkii 2011-kii oo madaxda cusub ee dalku ay qaateen. Wuxuu bedelay midkii jiray xilligii al-Assad.



