Home Blog Page 1492

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-12-2024.

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbindoonaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 18-12-2024

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY 

Sheekh Muuse Cadde: Jaamici, daaci, iyo caalim aad loo jeclaa

Arbaco  18, DEC 2024 {HMC} Allah u naxariistee waxaa shalay dalka Netherlands ku geeriyooday Sheekh Muuse Nuur Muuse (Sheekh Muuse Cadde) oo ka mid ahaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee aadka loo yaqanno.

Sheekha ayaa la sheegay in dhaqwaanahan uu xanuunsanayey oo caafimaadkiisu uusan fiicnayn.

Sheekh Maxamed Guriceel wuxuu ka mid yahay culimada qurbaha ku nool, Sheekh Muusena ay aqoonta fiican isu lahaayeen.

“Sheekha inta aan ka aqaanno wuxuu u badnaa inuu dadka u mariyo tafsiirka iyo siirada” ayuu yiri Sheekh Maxamed. Wuxuu intaa ku daray inuu ahaa nin aad uga warqaba dadka oo mar walba dhaqamadooda iyo bii’ada ay ku nool yihiin la socda.

“Waxa lagu xusuusan karo shiikha waxaa ka mid ah wacyi gelinta bulshada, dadka da’da yar iyo kuwa da’da weyn iyo dabaqaadka bulshada oo dhan qof isku xiriiriya ayuu ahaa” ayuu sii raaciyey isagoo ka hadlayey waxa uu ku xusuusan doono.

Sheekh Cabdiraxmaan Mire oo isna culimada aadka u taqaaney Sheekh Muuse Cadde ka mid ah ayaa sheegay in muddo aad u dheer uu yaqaannay, kulammo badanna ay ka wada qayb galeen, “kulammada aan ka wada qayb galnay waxay ahaayeen kuwo lagu weynaynayey nebi Maxamed NNKH” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray “wuxuu ahaa nin caalim ah, waayo arag ah, weliba aqoonyahan ah oo aqoontiisu ay aad u sarrayso oo ay gaarsiisan tahay heer jaamacadeed. Wuxuu kaloo ahaa nin aad u yaqaanna taariikhda Islaamka. Wuxu kaloo ahaa nin wakhtigiisa galiyey inuu umadda diinta gaarsiiyo, Gaar ahaan dadka Soomaaliyeedna uu u ilaaliyo dhaxalkoodii diineed ee ay dhaxleen” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlayey waxa Sheekh Muuse Cadde lagu xusuusan karo.

Wuxuu ku tilmaamay qof aftahan ah oo hadalka si fiican u hela. “Wuxuu ahaa nin dadka hadalka deeqsiiya iyo geesi aan xaqa ka baqin. Wuxu kaloo ahaa qof xabiib ah oo weji furan oo qofka la kulma uu ka maqsuudayo cilmigiisa iyo dabeecadiisa, sharafkiisana uu dareemayo ayuu ahaa” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Mire.

Sheekh Muuse Cadde ayaa la filayaa in lagu aaso Soomaaliya sida uu BBC u sheegay Sheekh Aadan Macallin Sugow, Guddoomiyaha golaha sare ee culimada oo Sheekh Muuse ay si gaar ah saaxib u ahaayeen.

“Waxaan qorshaynay in maalinta Jimcaha salaad janaaso ah lagula tukado sheekha dalka Netherlands, ayna ka soo qayb galaan culumada ku nool Yurub, ka dibna dalkii loo qaado Sabtida, Axaddana Xamar laga dajiyo” ayuu yiri Sheekh Aadan oo BBC u warramay.

Wuxuu intaa ku daray in meydka loo sii gudbin doono isla Axadda deegaankii uu sheekhu ku dhashay. “Waxaa meydka la gayn doonaa Muqdisho maalinta Axadda ah, ka dibna marka janaasaada lagu tukado, waxaa loo sii duulin doonaa tuulada ay waalidkiis ku aasan yihiin oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, oo ah deegaanka Xujuba Cabdulle ee tuulada Maxaa Siciid ee degmada Cadale, halkaasoo uu ka dardaarmay in lagu aaso” ayuu sii raaciyey Sheekh Aadan.

Dadka Tuuladaas ku aasan waxaa ka mid ah awoowgiis Sheekh Muuse Sheekh Ibraahim, Adeerkiis Sheekh Cali Sheekh Muuse, iyo waalidiinta Sheekh Muuse cadde.

Sheekh Aadan wuxuu sheekh Muuse ku tilmaamay nin wakhtigiisa inta ugu badan ku bixiyey fidinta diinta “muddo 50 sano ka badan ayuu ku hawlanaa fidinta diinta islaamka, wuxuuna kutubta ka akhrin jiray masaajidkii 4ta Jardiino. Sheekhu wuxuu ka baxay iskuulkii Jamaal Cabdi Naasir, wuxuuna tacliinta sare ka qalin jabiyey jaamacadda Al Azhar” ayuu yiri.

Sheekh Muuse oo dhashay 1945 waxaa quraanka soo baray Macallin Maxamed Macallin Axmed Hilowle oo ay walaalo ahaayeen Dr Xuseen Sheekh Axmed (Kadare), wuxuuna kutubta ka daalacday Xaaji Muxudiin Raage Xaayow iyo Sheekh Xuseen Cadde, sida uu sheegay Sheekh aadan Macallin Sugow.

{DAAWO MUQAALKA} Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Sweden.

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Nimco Bashiir Daa’uud, oo 28 jir ah, ayaa lagu dilay dalka Sweden xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe oo Geeriyooday

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe oo Geeriyooday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe oo Geeriyooday

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe oo Geeriyooday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Waa kuma Janaraalkii hoggaaminayay ciidamada ilaalinta nukliyeerka Ruushka ee la Dilay.?

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC}  Qoraalka sawirka,Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Kirillov ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada bishii Abriil 2017. Sida laga soo xigtay warbaahinta ay maamusho dowladda Ruushka ee Tass, wuxuu ka baxay machadka Militariga ee Kostroma ee hubka Kiimikada.

Shalay, Adeegga Ammaanka ee Ukraine (SBU) ayaa Kirillov xukumay isagoo maqan, kaddib markii lagu eedeeyay inuu Ukraine u adeegsaday hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, sida ay werisay warbaahinta Kyiv Independent.

Adeegga Ammaanka ee Ukraine waxay sheegtay in Ruushku adeegsaday hubka kiimikada ku dhawaad 5,000 oo jeer oo uu hogaaminayay Kirillov.

Waxa uu ciidamada qalabka sida ee USSR ka tirsanaa tan iyo 1987. 1991 wuxuu ka qalin jabiyay machadka milatariga ee Kostroma gaar ahaan Difaaca Kiimikada.

Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1994 wuxuu ahaa taliyaha Kooxda Galbeedka ee Ciidamada.

Tan iyo 1995, wuxuu si isdaba joog xilal uga qabanayay qeybaha kala duwan ee ciidamada. Wuxuu soo noqday taliyaha guutada ilaalinta shucaaca, kiimikaada iyo bayooloji gaar ah.

Laga soo bilaabo 2005 ilaa 2007 wuxuu wax ka bartay Akademiyada Ilaalinta Ciidanka ee NBC. Tan iyo 2009, waxa uu ka soo shaqeeyay jagooyin kala duwan sida Taliyaha Ciidanka Ilaalada NBC ee Ruushka ee Ciidamada Qalabka Sida.

Bishii Sebtembar 2014, Kirillov waxaa loo magacaabay madaxa Akadeemiyada Difaaca ee Timoshenko.

Tan iyo Abriil 2017, General Kirillov wuxuu ahaa madaxa NBC oo qaabilsan Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka.

Ka qaybqaadashada tooska ah ee ficilada militariga ee ka dhanka ah dowladaha madaxbanaan, Igor Kirillov ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta caalamiga ah.

Febraayo 23, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta Kanada. Oktoobar 19, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta ee Ukraine. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay Ingiriiska 8 Oktoobar 2024.

16-kii Diseembar 2024, Ukraine waxay dacwad ku soo oogtay Kirillov isagoo xaadir ahayn. Dawcwadda lagu soo oogay ayaa salka ku haysaa isticmaalka hubka kiimikada ah ee la mamnuucay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka Gobalka Sanaag oo si kulul uga hadlay Dagaalka ka socda Ceerigaabo.

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Haweenka Gobalka Sanaag oo si kulul uga hadlay Dagaalka ka socda Ceerigaabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Yusuf ” Sabolnimada waxa lagu yareyn karaa in barnamijyo shaqo abur ah dalka laga hirgeliyo”

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Wasiir Yusuf ” Sabolnimada waxa lagu yareyn karaa in barnamijyo shaqo abur ah dalka laga hirgeliyo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay nooca maamulka ay u baahan tahay Suuriya.

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Madaxweynaha Dalka turkiga Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in loo baahan yahay maamul loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Suuriya kadib markii xilka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Erdogan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan dib u soo celinta dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye ee dalkaas ka socda 13-kii sano ee la soo dhaafay. Hadalkan ayuu ka sheegey shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo ku sugan magaalada Ankara.

Dowladaha reer galbeedka ayaa si tartiib tartiib ah u furaya wadiiqada maamulka cusub ee Dimishiq ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), inkastoo ay sii wadaan inay u aqoonsadaan koox argagixiso ah.

Erdogan ayaa sheegay in gobolka aysan ka jirin meel ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray ururada argagaxisada, isagoo si gaar ah ula jeeday kooxda Daacish iyo kooxaha Kurdiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa horay u muujiyay muhiimadda ay leedahay geedi-socod isbedel oo loo dhan yahay oo ka dhaca dalka Suuriya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ku dhawaaqo in 1 bilyan oo Euro oo dheeri ah sanadkan 2024 lagu biirin doono kaalmada qaxootiha Suuriyaanka ah iyo sidii looga gargaari lahaa arrimaha caafimaadka, waxbarashada qaxootiga jooga Turkiga ee reer Syria,” ayry tiri Von der Leyen.

Erdogan ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dadka Suuriyaanka ah ee ka soo qaxay dagaalka, kuwaas oo malaayiin ka mid ah ay tageen Turkiga.

Von der Leyen ayaa sheegay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada Suuriya isagoo diiradda saaraya dib u dhiska iyo in wadahadalka cunaqabateynta looga qaadayo Dimishiq uu billaaban karo marka “horumar dhab ah laga gaaro kala-guur nabadeed,” lagu arko dhulka.

Waxa ay intaas uu ku darey in 1 bilyan oo Euro oo dheeraad ah la siin doono si loogu taageero soo noqoshada iskood ah ee Suuriyaanka, iyo in Turkiga laga caawiyo maamulka xuduudaha iyo socdaalka.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-12-2024.

0

Arbaco 18 Dec 2014 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA