Home Blog Page 1494

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Qaladiid”Mafaxweyne Xasan waa lagula Xisaabtamaa wixii ka Dhacay Raaaskaambooni”

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Qaladiid”Mafaxweyne Xasan waa lagula Xisaabtamaa wixii ka Dhacay Raaaskaambooni”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shan hoggaamiye oo ka tirsan dalalka Carabta oo xukunka laga tuuray tan iyo 2011-kii

0

Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Shan hoggaamiye oo ka tirsan dalalka Carabta oo xukunka laga tuuray tan iyo 2011-kii

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-18-2024}

Arbaco  18, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiyare & Sahra Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Arbaco 18 Dec 2014 {HMC} waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

0

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xilka kala wareegay Axmed Siciid Maxamed, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno katirsan Xukuumaddiisa & Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeeray dhismaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya, waxa uu halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgalla Hay’addaan oo uu warbixin ka dhageystay Agaasimihii laga baddelay.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ah Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu wax badan kusoo kordhin doonno howsha Hay’addaan isla markaana uu sii wadi doonno howlihii u socday Axmed Siciid.

Dhuxulow ayaa la eegayaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay horumar muuqda sameyneysay, waxaana horyaalla howlo badan oo laga sugayo Hay’addaas.

 

Israa’iil “Hoggaamiyaha cusub ee Suuriya Waa ‘yeey xiran dharka idaha’..”

0

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Dalka Suuriya waxaa dhawaan ka dhacay isbadal weyn oon horey loo saadaalin, waxaana talada dalkaasi si fudud kula wareegay xoogagga mucaaradka sunniyiinta, kuwaa oo ka adkaaday ciidankii ka amar qaadanayay Madaxweyne Bashaar Al-assad.

Isbadalka ka dhacay dalka Suuriya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxa ayna hoggaanka mucaaradka ee hadda la wareegay talada Suuriya sheegeen in aysan rabin in dagaallo kale galaan ama duullaan ku qadaan dalalka dariska la ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda maamulka Israa’iil ,haweeneyda lagu magacaabo Sharon Haskel ayaa ku tilmaantay hoggaamiyaha talada Suuriya la wareegay, Axmed Al-Sharac (Julani) in uu yahay ‘yeey xiran dharka idaha’..

Waxa ayna intaasi ku dartay Wasiirka in hoggaamiye Julani uu is -dabaalinayo uuna qaniini doono Israa’iil, marka la gaaro waqtigiisa, iyada oo tilmaantay in ninkan yahay mid caqli badan oo xaalada hadda jirta raba in uu is-dabaalis uga gudbo.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirkan katirsan maamulka Israa’iil ayaa kusoo aadaya xilli hogaamiyaha cusub ee dalka Suuriya Axmed Al-Sharac (Julani) shaaciyay inan Israa’iil laga weerarri doonin dhulka Suuriya, sidoo kale nabbad kula joogi doonaan dariskooda.

Doowladda oo Dalka Kusoo Celisay Dhallinyaro Badan oo Naftooda halis Galiyay

0

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana muwaadiniintan Soomaaliyeed laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dhallinyaradan laga soo celiyay dalka Liibiya ayaa maanta dowladda Soomaaliya waxa ay ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dhallinyaradan Soomaaliyeed ee maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda kusoo laabtaan, waxa ayna dowladda Soomaaliya uga mahadceliyeed dedaalka ay ku bixisay sidii dalka ugu soo laaban lahaayeen.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ee dalkooda lagu soo celiyay ayaa nafsadooda galiyay halis badan, waxa ayna tahriib ku mareen dhul saxaro ah iyo goobo kale oo nafta halis galin kara, waxaa sidoo kale gacanta ku dhigay magafayaal aan nixin oo xabsiyo gaar ah ku silcin jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in ay dalka dib ugu soo celiso dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo tahriib ku tagay dalka Liibiya iyo dalal kale lagu xiray xabsiyo kuyaalla dalalkaasi ay tageen laguna dhibaateeyay.

Somaliland oo War Kasoo Saartay Dagaal ka dhacay Ceerigaabo

0

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC}  War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka cusub ee Somaliland , ayaa looga hadlay dagaal maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Ceyrigaabo ee gobolka Sool, kaa oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo maamulka SSC Khaatumo.

Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland, ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay boogaadin u dirtay ciidamada Qaranka Somaliland, oo sheegeen in ay jab xooggan gaarsiiyeen ciidamada huwanta ah ee kasoo horjeeda dagaal shalay kula galeen magaalada Ceerigaabo.

”Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa ciidamada Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan marnaba gorgortan ka geleyn waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya jiritaanka , wada jirka bulshada iyo amniga guud ee deegaannada Somaliland, waxa ayna digniin u direen dadka doonaya in ay soo weeraraan dhankooda.

Dagaalka ka dhacay magaalada Ceyrigaabo ayaa labada dhinac mid kastaahi guulo ka sheegtay, waxaana dagaalka oo socday maalmihii lasoo dhaafay dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo dad shacab ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Baydhabo.

0

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Baydhabo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Xildhibaano waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Gaza ceasefire talks heat up again amid deadly Israeli attacks

0

Wednesday 18, Dec,2024 {HMC}   Israel, Hamas and international stakeholders are engaged in what are seen as the most serious talks in months over a potential ceasefire deal in the besieged Gaza Strip, where dozens of Palestinians continue to be killed by Israeli attacks daily.

Hamas said in an official statement on Tuesday that in light of “positive” talks held in Doha with mediation from Qatar and Egypt, reaching a ceasefire and prisoner exchange agreement “is possible if the occupation stops imposing new conditions”.

Sources quoted in Israeli media have also been expressing increasing optimism in recent days that the strongest diplomatic push for a ceasefire deal since August could yield results.

“This optimism is cautious because we’ve been here before and the efforts were scuttled at the last minute because of new conditions and different considerations,” said Al Jazeera’s Nour Odeh.

“Right now, as we understand, the discussions are down to the details, to the names of who will be released from Gaza and also who is being released from the Palestinian side. The outgoing and incoming United States administrations have a vested interest in the deal, even if it doesn’t lead to the end of the war.”

In the US, Israel’s top military and political backer, President Joe Biden promised this week he will continue to work to get the remaining captives out of the territory, while President-elect Donald Trump has said there will be “all hell to pay” if they are not released by the time he takes office in January.

US Central Intelligence Agency (CIA) chief Bill Burns is expected in the Qatari capital, Doha, on Wednesday to discuss the latest developments and will meet Sheikh Mohammed Prime Minister Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, according to US-based outlet Axios.

Source Al-Jaziira