Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Axmed Madoobe oo Gobolka Gado u magacaabay Gudoomiye Xilli ay taagan Xiisad Culus.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Deegaanka Goof gaduud
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Deegaanka Goof gaduud
Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.
“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.
Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.
Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.
Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.
Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah.
Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia.
Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah.
Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga.
Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka.
Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007.
Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin.
2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts.
Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah.
2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah.
Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan.
Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen.
2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel.
Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub, isagoo ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay.
“Guddoomiye Amiir ku soo dhawaaw u qidmaynta 4 malyan oo ku nool caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Madaale.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Madaale uusan meel ka aadin bulshada Muqdisho oo uu ahaan doono marjac loo noqdo.
“Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, qorshaheygu waa in aan idiin adeego ee maahan in aan idinka adeegto, waxaa iga og’an in Muqdisho aan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.
Wuxuu sidoo kale balan-qaaday in dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir uu shaqo abuur u sameyn doono, sidoo kale wuxuu balan-qaaday in nadaafadda caasimadda uu wax badan ka bedeli doono.
“Sida Ra’iisul Wasaare Xamsa horay u sheegay siyaasadda iyo u qidmeynta shacabka Muqdisho waan ku cibaadeysa doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta, isagoo shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad aad u dulqaad badan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhulka danta guud oo dadku ay degan yihiin, isagoo sheegay in shaqada danta guud ay dowladdu dadka ku qasbeyso oo dheg aysan jalaq u sii doonin qeyladhaanta dadka diidan shaqada ka socota danta guud.
“Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga wareeji lahaa jidadka Muqdisho, amniga shaqo culus ayey dowladdu ka qabatay, wasiirka amniga waxaan farayaa caawa in dhagaxda laga wareejiyo jidadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Madaxweynihii Xukunka laga tuuray ee Bishaar Al-asad oo ka hadlay xaalada Siiriya.
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Waa kuwee Xildhibaannada Xasaanaddooda ka doortay xilal dowladeed?
Arbaco 18 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Turkiga “uu hayn doono furaha” waxa ka dhacaya Suuriya, halkaasi oo mucaaradka ay taageerto Ankara ay horaantii bishan xukunka ka tuureen dowladdii Bashar al-Assad.
Isaga oo markii ugu horreeyay ka hadlay sida uu u arko doorka dalka ay yihiin xulafada NATO ee colaadda Suuriya, Trump ayaa ammaanay wax uu ku tilmaamay “awoodda militari ee weyn,” ee aan “ku daalin dagaalka” ee Turkey.
Ayada oo taageeraysa fallaagada, “Turkey waxay sameysay afgambi aan saaxiibnimo aheyn, ayada oo aan nolosha dad badan la lumin,” ayuu Trump ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Palm Beach, Florida.
“Hadda, Suuriya waxaa ka jira wax badan oo hubanti la’aan ah ama aan la ogeyn…Waxaan filayaa in Turkigu uu hayn doono furaha Suuriya,” ayuu yiri Trump.
Turkey oo gacanta ku haysa dhul badan oo ku yaalla waqooyiga Suuriya ka dib markii dhowr jeer ay soohdinta ka weerareen maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, ayaa taageero weyn u ahaa kooxaha mucaaradka ee doonayey inay xukunka ka tuuraan Bashaar Al-Asad oo ay taageerayeen Iran iyo Ruushka tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye 2011-kii.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad, Washington iyo Ankara waxay yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dib u curashada kooxda Daacish ee Suuriya. Washington ayaa illaa 900 oo askari ku haysa bariga Suuriya si ay isaga difaacdo mintidiinta.
Mar la weydiiyay waxa uu ka yeeli doono ciidamadaas, Trump ayaa ka gaabsaday, waxa uuna taa beddelkeeda uu farta ku fiiqay awoodda ciidamada Turkiga, isaga oo muujiyay xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
“Erdogan waa qof aan si wanaagsan isu fahanno…Wuxuu dhisay ciidan aad u xoog badan,” ayuu yiri Trump.
Isaga oo u muuqda in uu ka hadlayo taariikhdii Cusmaaniyiinta Turkiga, oo ay ku jirtay gacan ku hayntii Suuriya, Trump waxa uu intaas ku daray: “Waxay doonayeen kumannaan sano, wayna heleen, kuwa galayna [Suuriya] waxaa gacanta ku haya Turkiga, taasina waa caadi.”