Home Blog Page 1496

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.12.2024}

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Qaliif Abdi

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Gaadiid iyo Maxaabiis lagu kala qabsaday Dagaaladii Galabta dhacay Ceeyrigaabo.

0

Talaado 17 Dec 2024 {HMC} Dagaal aad u xoogan ayaa galabta ka qarxay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag, kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay maxaabiis ay kala qabsadeen, hase yeeshee khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka galabta weli lama oga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 17-12-2024.

0

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Nin taageere weyn u ah Madaxweyne Cirro oo Loo Diiday In uu Yimaado Soomaaliland

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} Soomaaliland ayaa diiday inuu Magaalada Hargaysa ka soo dago, Liibaan Al-Cadala, oo ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Cirro, kaasi oo amar madaxweyne lagaga reebay diyaaradda uu la socday oo uu kasoo raaci lahaa Dalka imraadka Carabta.

Kadib markii uu soo baxay amarka ka dhan ah Al-Cadala, ayaa waxa Garoonka diyaaradaha hargeysa rabshado  ka dhigay, taageerayaal tiro badan oo dooneeynaayay inay soo dhaweeyaan.

Ninkan lagu magacaabo Al-Cadaala, oo Yurub ka yimid, ayaa sheegay in laga soo dajiyay diyaaradda Fly Dubai, kadib markii ay soo gaartay waraaq ka socota madaxweynaha oo lagaga joojinayo safarkiisa Magaalada Hargaysa.

“Warqad ayaa la i tusay sheegaysa in madaxweynaha cusub ee dalka haystaa uu diiday inaan kasoo dago madaarka magaalada Hargaysa,” ayuu yidhi Al-Cadala. “Alaabtaydii waa la kala daadiyay, diyaaradiina waa layga dajiyay, waxaas oo dhanna waxa ka masuul ah madaxweynaha cusub ee dalka haysta.”

Al-Cadaala, waxa uu codsi gaar ah u diray madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka codsaday in uu ka taageero sidii uu Magaalada Hargaysa u iman lahaa. waloow uu si weyn uga soo horjeedi jiray Madaxweyne Biixi.

Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maxkamadaha Soomaaliland ay danbiyo kala duwan u haystaan, sidaas darteedna ay diideen inuu Magaalada Hargaysa kasoo dago.

Guuleed Dafac oo ah sharci yaqaan reer Soomaaliland ah ayaa sheegay inay sharci darro tahay in qof muwaadin ah loo diido inuu dalkiisa yimaado, taa beddelkeedana ay mudnayd in wixii danbi ah ee uu galay lagu qaado kadib marka uu yimaado.

Al-Cadala oo taageero weyn u ahaa Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Soomaaliland Cabdiramaan Cirro, ayaa baraha bulshada ku faafin jiray hadallo uu ku aflagaadaynayo qaybo kamid ah bulshada, isaga oo marar badan bulshada ugu baaqay inay dagaal lagalaam Xukuumadii Muuse Biixi.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh Muxuu ka yiri Arimaha Dhulka Muqdisho.?

0

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Ayaa war Ka soo saaray Arimaha Dhulka Caasimada ee Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 17-12-2024

0

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

Former Somalia central bank governor Ali Abdi Amalow dies at 82 in U.S.

0

Tuesday 17,Dec,2024 {HMC}.  The Central Bank of Somalia issued a statement mourning Amalow’s death, extending condolences to his family and the Somali people.

“The Central Bank of Somalia offers its heartfelt condolences to the family, relatives, and the entire Somali nation on the passing of Dr. Ali Abdi Amalow, who served as Governor of the Central Bank from 1990 to 1991,” the statement read.

Dr. Amalow was born in 1942 in the central Somali town of Bulo Burte. He completed his primary education there before securing a scholarship to study in Egypt, where he finished his secondary education in 1955. He returned to Somalia in 1963, only to receive another scholarship, this time from the Somali government, to pursue higher education in the United States. He earned his degree in economics and management from the University of Chicago in Illinois.

His career at the Central Bank spanned decades. Starting at junior levels, Amalow steadily rose through the ranks, holding positions such as Director and General Director before assuming the top post as governor. His tenure was marked by his deep understanding of Somalia’s economy and ability to navigate unprecedented challenges.

Tributes have poured in since news of his death broke. Dr. Abdirahman Dahir Osman, Somalia’s former Minister of Education, praised Amalow’s contributions, calling him “a man of unwavering principle and vision.”

Dr. Amalow is survived by his wife, children, and grandchildren.

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan & Ergayga Shiinaha u qaabilsan Afrika?

0

Talaado 17,Dec,2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay Ergayga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Ninka lagu magacaabo Xue Bing oo caasimadda soo gaaray.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin hordhac ah ka bixisay safarka Ergaygaan & kulanka uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay sheegtay in diiradda la saaray ka faa’iideysiga fursadaha Maalgashiga, xoojinta xiriirka labada Dal iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan bogaadiyay doorka Dowladda Shiinaha ay ka qaadaneyso dhinac istaagga Soomaaliya sida Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Diblumaasiyadda, Ganacsiga iyo Waxbarashada si cagta loo saaro mustaqbal fog ee dalalkaan.

Xue ayaa dhankiisa sheegay in ugu horreyn uu ka mahadcelinayo soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxa uu dhankiisa ballanqaaday in Dowladda uu wakiilka ka yahay ee Shiinaha ay horumar ku sameyn doonto waxyaabaha ay kawada hadleen Madaxweyne Xasan.

Soomaaliya & Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir kor u dhaafay 60 sano, Xukuumadda Beijing ayaa safka hore kasoo gashay Dalalka Dowladda Federaalka ku gacansiiyay la tacaaladda xaaladaha bani aadamnimo ee Dalka soo maray iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ruushka oo ka hadlay dilkii sarkaalkii sare ee ciidamada ilaalada nukliyeerka Ruushka.

0

Talaado 17,Dec,2024 {HMC}  Guddiga baarista ee dalka Ruushka ayaa ka hadlay dilkii maanta loo geystay hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka, kaas oo lagu dilay qarax.

Ruushka ayaa dilka Lt Gen Kirillov ku tilmaamay “argagaxisanimo”

Svetlana Petrenko oo ah afhayeen u hadasha dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaas lagu tilmaamay inay tahay ” fal argagaxisanimo”, khaarijin, ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka,

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ukraine ay sheegatay inay ka dambeysay dilka Lt Gen Kirrilov hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka, oo saacado ka hor lagu dilay qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Warkan waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu yahay Markabka Xaafulka ku haayay BIyaha Soomaaliya Oo La qabtay.

0

Talaado, 17, Dec, 2024 {HMC}  Maxuu yahay Markabka Xaafulka ku haayay BIyaha Soomaaliya Oo La qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA