Home Blog Page 1498

{DAAWO MUQAALKA} “Dadkeena jooga, Cayn Sanaag ama Sool waan difaacaynaa” Hogaamiye Firdhiye.

0

Talaado, 17, Dec, 2024 {HMC} “Dadkeena jooga, Cayn Sanaag ama Sool waan difaacaynaa” Hogaamiye Firdhiye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waa Imisaa Tirada Shacab ay Israel ku xasuuqday Gaza?

0

Talaado, 17, Dec, 2024 {HMC} Waa Imisaa Tirada Shacab ay Israel ku xasuuqday Gaza?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland weli ma jiraa?

0

Talaado, 17, Dec, 2024 {HMC} Heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland weli ma jiraa?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somaliland oo war ka soo saartay heshiiska ay Ankara ku gaareen Soomaalia iyo Itoobiya.

0

Talaado 17,Dec,2024 {HMC} Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas.

Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cirro si halkaas ay uga sii ambaqaadaan dhamaystirka heshiiska.

“Heshiiskaas waxa uu quseynayay qiyamka dalka iyo umadda Somaliland, mana ahan wax si dhibyar u dhamaaday, isfahankii waa la saxiixay khubaro labada dhan ah ayaa shaqaynayay, waxyaabihii markii hore la saxiixay ayaa isku hagaajin u baahan, sidii labada dal iyo labada dadba uu ugu cuntami lahaa ayaynu ka shaqeenaynay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xafiiska baneeyey ee Somaliland.

Waxa uu intaa ku daray in isfahanka oo la doonayay in labada dhinacba ay ka faa’iidaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto, ayna haystaan sharciyad adag oo heshiiskaas ah aysanna jirin wax caqabad ah oo ku hor gudban.

“Ma jiraan wax caqabad ah oo ku hor gudban heshiiskaas, annaga iyo Itoobiya xiriirkeenii sidii hore weeye, ka shaqaynta MOU-gaas iyo xeerarkii ku yaalay heshiisyadii iyo waxyaabaha aan u baahanahay inay ka muuqdaan ayuun baa la iskugu noqnoqonayay,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in warqadaha heshiiskaas ay wasaaraddiisa ku wareejisay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo xukuumaddiisa.

“Waxaan ku wareejinay madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisa oo halkaas ka sii ambaqaadi doona iyaguna waxa ay is yiraahdaan ama ka badali doona ama ku kordhin doona,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland uusan khusayn wada xaajoodkii todobaadkii hore dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara uuna dhex dhexaad ka ahaa madaxweyne Erdogan.

“Kulankaas nama quseeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen ama aysan ku heshiin anaga nama quseeyo, dal xor ah ayaan nahay, aayahiisa ka tashada, oo baddiisa aan looga talin karin,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay ka laabatay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya dhex maray.

“Madaxbannaanida Soomaaliya waa wax u gaar ah anaga Somaliland ayaa nahay, marka Muqdisho ayaga xor ha ka noqdaan argagaxisada, marnaba awood umaleh in uu ka taliyo ama uu sheegto badda iyo dhulka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda xafiiska sii banaynaya ee Somaliland.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in tan iyo markii ay Itoobiya la saxiixdeen is afgaradka ay wada xiriirayeen meel fiicanna wax u marayaan.

“Had iyo jeer waanu ka xiriirnaa arimahaas, si joogto ah ayaan uga xiriirnaa in la sii adkeeyo oo laga sii wada hadlo, oo la sii wado, dowladda cusub ee madaxweyne Cirrana uu halkaasi ka sii ambaqaado,” ayuu raaciyay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadlay kadib heshiiskii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo dad badan shaki geliyeen halka uu ku danbeeyay.

“Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore,” ayuu yiri wasiirka warfafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

QATAR oo dib u billaabaysa howlaheeda shaqo ee Safaarada Suuriya.

0

Talaado 17,Dec,2024 {HMC} Safaaradda Qatar ee Suuriya ayaa Talaadada maanta ah dib u billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Khaliijka Axaddii, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

“Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda.

Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.

Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye.

Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Qatar marna dib uma soo celin xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya intii uu xukunka hayay Asad, kaas oo xukunka looga tuuray 11 maalmood kadib markii jabhadaha mucaaradka ay weerar culus ku qaadeen magaalooyinka waa weyn kadibna caasimadda Dimishiq.

Doha ayaa sheegtay in soo laabashada kadib 13 sano oo hakad ah ay tahay “muujinta mabda’a ay Dowladda Qatar ay ku garab taagan tahay kacdoonka shacabka Suuriya” iyo sidoo kale “diidmada qayaxan ee dhammaan siyaasadaha cadaadiska ee nidaamkii” Asad.

Mar sii horreysay, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Qatar in wafdi ka socda Qatar ay ku sugan yihiin Suuriya ayna la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.

Waftiga “waxay u yimaadeen Dimishiq si ay u dhamaystiraan hannaanka lagama maarmaanka u ah furitaanka safaaradda Qatar,”, ayuu yiri Ansari.

Kulamadooda, “Wafdigu waxay dib u xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda shacabka Suuriya…ka dib guushii kacdoonkooda,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ansari ayaa sheegay in wafdiga Qatar ay sidoo kale “kala hadleen dhinaca Suuriya sidii loo fududeyn lahaa qulqulka gargaarka bini’aadanimo ee Qatar, waxayna qiimeeyeen baahiyaha walaalaha Suuriya inta lagu jiro marxaladan muhiimka ah”.

Toddobaadkan, sarkaal Qatari ah ayaa sheegay in Qatar “ay la aas-aastay marinkii ugu horreeyay ee xiriir” kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ee hormuudka ka ahayd riditaankii dowladdii hore.

Sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa intaas ku daray “in diiradda xiriirka HTS iyo kuwa kale uu yahay baahida loo qabo in la ilaaliyo xasiloonida iyo hay’adaha dawliga ah ee Suuriya inta lagu jiro xilliga kala guurka”.

Dawlado kale oo kasoo horjeeday taliska Asad oo ay ku jiraan Turkiga iyo Maraykanka ayaa iyaguna sheegay inay xiriir la sameeyeen Hayat Tahrir al-Sham.

Trump oo shaaciyay hoggaamiyihii ka dambeeyay in Bashaar xilka laga tuuro

0

Talaado 17,Dec,2024 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa maanta si cad shaaca uga qaaday in Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayib Erdogan uu yahay shaqsiga sababta u ahaa in talada laga tuuro lana eryo Madaxweynihii dalka Suuriya Bashaar Al-assad.

Trump ayaa sheegay in wax kasta oo ka dhacay dalka Suuriya in uu diyaariyay Madaxweyne Erdogan, waxa uuna caddeeyay Madaxweynaha dalka Mareykanka in Erdogan dejiyay kaartada lagu soo afjaray xukunkii dheeraa ee Bashaar Al-assad.

“ Erdogan waa nin aad u caqli badan oo xoog badan oo xukunka ka tuuray Asad oo qabsaday Suuriya.. Aad baan u fahmay Erdogan— Turkigu waa xoogga ka dambeeya shaqada Suuriya” ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Waxa uu intaasi kusii daray Madaxweynaha Mareykanka” Erdogan waxa uu dhisay ciidan aad u xooggan. Turkiga waa awood sare, Erdoganna waa qof aan si fiican ugu raacsanahay. Erdogan waxa uu leeyahay cudud ciidan oo aad u xoog badan, ciidankan ma aha kuwo lagu burburiyo dagaallo ama kuma daalin dagaallo— Erdogan waxa uu dhisay ciidan aad u xoog badan oo waxtar leh.Qofna ma garanayo natiijada kama dambaysta ah ee Suuriya, laakiin waxaan qabaa in Turkiga uu yahay cidda guuleysatay”

Dowladda Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ay taageereysay mucaaradka sunniga ee la wareegay talada dalka Suuriya meeshana ka saaray xukunkii dheeraa ee Madaxweyne Bashar Al-assad oo hadda magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Ruushka uu ku nool yahay.

Superb South Sudan U-17 captures 3-0 win against Somalia in CECAFA Qualifiers

0

Monday 16, Dec 2024 {HMC} The South Sudan U-17 football squad basked in glory after a decisive 3-0 win against Somalia during their opening match of the CECAFA U-17 African Cup of Nations Qualifiers 2024, held at Nakivubo Hamz Stadium, Uganda on December 15, 2024.

This impressive victory propels the Junior Bright Stars to the top of Group B, signaling a promising start to their tournament journey.

From the first whistle, South Sudan exhibited dominance, netting two crucial goals in quick succession during the first half—one at the 38th minute and another just before halftime at the 45th minute.

The team’s tactical prowess was evident as they secured a third goal after the interval, cementing their comprehensive victory and showcasing a commendable level of teamwork.

Not only did this win earn South Sudan a crucial three points, but it also imbued the squad with confidence for the challenges ahead.

Looking forward, the Junior Bright Stars are set to face Sudan on December 18, 2024, and are determined to carry this victorious momentum into the next match, aiming for a strong position heading into the next stage of the qualifiers.

The standout performance of South Sudan’s youth team highlights a positive trend in the nation’s football development, creating optimistic expectations for a fruitful run in the tournament.

SOURCE FootBoom

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-12-2024.

0

Isniin, 16, Dec, 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.12.2024}

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda oo shaacisay magacyada saraakiil katirsan AS oo la dilay

0

Isniin 16,Dec,2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa hay’adda nabbadsugidda Qaranka ,ayaa howlgalo wadajir ah ay fuliyeen waxa ay ku dileen xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa ay ku jireen saraakiil katirsanaa kooxdaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda fuliyeen howlgallo lagu naafeeyay kooxda Al Shabaab laguna gaarsiiyay khasaarooyin xooggan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in howlgal ciidanka ka fuliyeen deegaanka Xawaadley iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw lagu dilay ku dhawaad 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay in xubnahaasi la dilay ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Afhayeenka ayaa sheegay in saraakiisha lagu dilay howlgalka ka dhacay Xawaadley ay ku jiraan Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana howlgalladaasi ciidanka u fuliyaan qaab kaddis ah , iyadoona ciidanka dib uga soo laabtaan salshiyada ay ka duulaan.