Home Blog Page 1502

Qaraxyo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Ugu yaraan todoba qarax ayaa caawa laga maqlay xaafado ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho kuwaasoo geystay khasaare nafeed iyo burbur.

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu xiray guryo iyo dhismayaal ku yaalla xaafada Galmudug oo ka mid ah xaafadaha sanadihii la soo dhaafay ka abuurmay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyadan oo daryankooda laga maqlay meelo badan ayaa markii hore loo malaynayey iney yihiin madaafiic hoobiyeyaal ah.

Miinooyinka qaarkood oo lagu qarxiyey guryo la degan yahay oo aagaas ku yaala ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen illaa afar qof oo ay ku jiraan caruur.

Wararka ayaa sheegaya in dhismayaal kale oo ku yaalla ka soo horjeeda masjidka afar Minaaradlaha ay ku xiran yihiin miinooyin aan weli qarxin iyadoo dadkii degenaa ay halkaas ku xaniban yihiin.

Laamaha amaanka DF iyo kuwa miino baarista oo goobtaas gaaray ayaa xiray jidadka gala guryaha halkaas ku yaalla iyagoo la tacaalaya miinooyinka aan weli qarxin ee goobahaas lagu arkay.

Qaraxyada noocan ah ee miinooyinka lagu xirayo guryaha ayaa ka cusub dhegaha dadka Miuqdisho, lamana oga illaa hadda ujeedada laga leeyahay iyo sababta loo beegsanayo dadka degan guryaha miinooyinka lagu xiray.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ugu hadal haayn Badan yihiin Ciidamada kale ee Dowladda.

0

Isniin, 16, Dec, 2024 {HMC} Maxay Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ugu hadal haayn Badan yihiin Ciidamada kale ee Dowladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

NISA oo qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxda AS.

0

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda AS, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda.

“Baraha la xiray oo u badnaa kuwo aan lahayn tixraac iyo taageereyaal ku xiran midna, ayay Khawaarijtu u furteen si dhuumaaleysi ah, iyaga oo isticmaalaya sawirro iyo magacyo aan jirin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa baahisay Jaantuuska Akoonnada la xiray laga soo bilaabo bishii July ilaa December sanadkaan 2024-ka.

Facebook ayaa ugu badan akoonada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, Telegram ayaa ku sii xiga, waxaana u yar Website-yada oo gaaraya shan, sida ku cad Jaantuuska ay soo saartay NISA.

Qoraalka Hay’adda NISA ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA loo magacaabay Jeneraal Saadaq Joon oo ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Hoos ka eeg qoraalka ay caawa soo saartay NISA.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladaha Soomaaliya Masar iyo Eretariya oo qorsheeynaya kulan kale inuu dhaxmaro.

0

Isniin, 16, Dec, 2024 {HMC} Dowladaha Soomaaliya Masar iyo Eretariya oo qorsheeynaya kulan kale inuu dhaxmaro.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xamaas oo codsi udirtay dalalka carabka iyo kuwa islaamka.

0

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Ururka Xamaas wuxuu soo bandhigay War saxaafadeed sitay farriin kulul oo lagu sheegay in waxa ay Israa’iil ku sameynayso Gaza ay yihiin wax uusan aadanaha horey u arag.

Xaaladda ka jirta waqooyiga iyo bartamaha Qasa, waxay ku sheegeen inay tahay mid aan sawir laga bixin karin.

“Waxaa si ku talagal ah loo gubaa Haweenka iyo Carruurta teendhooyinka, goobaha rootiga iyo gargaarka lagu bixinayo oo bambooyin lagu dhufto, qof kasta oo dhaawac ah ciddii iskudayda inay gargaar u fidiso ayaa sidoo kale duqeyn lala eegtaa, halka isbitaallada laga xir xiray dhakhaatiirta, haamaha neeftana ay yihiin kuwo maran, qalliinnada qaar ayaa la sameeya qofka oo aysan ku xirnayn haanta neefta ama aan lagu dhufan irbad suuxisa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

Wuxuu ku soo dhammaaday warsaxaafadeedka Xamaas; “Waxaan si toos ah u codsanaynaa dalalkayga Carabta iyo Islaamka ah, oo ay ku jiraan shucuubta, dawladaha, iyo ciidamada xorta ah, inay si deg deg ah usoo farageliyaan taageerrada iska caabinta iyo dadka marinka Qasa.”

Hogaamiyaha Suuriya oo sheegay in uusan xilligan dooneyn dagaalka Israel.

0

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa Sabtidii sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska ka dib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad.

Sharaa – oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani – ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya.

Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay.

Israa’iil oo sheegtay in aysan ku talo jirin in ay halkaas sii joogto ayaa duulaanka ay ku qaaday dhulka Suuriya ku tilmaantay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudda, waxa ay sidoo kale boqolaal duqeymo ah ku qaadday keydka hubka ee Suuriya.

Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Urdun, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qabsashada Israa’iil ee aagga difaaca ee buuraha Golan.

“Doodaha Israa’iil waxay noqdeen kuwa daciif ah oo aan mar dambe marmarsiinyo u lahayn xadgudubyadii ay dhowaan sameeyeen, Israa’iiliyiintu waxay si cad uga gudbeen xadadka xeerarka Suuriya, taasi oo keeneysa khatar aan loo baahneyn oo ay xaaladdu uga sii darto,” ayuu Sharaa ku yiri wareysi lagu daabacay mareegta TV-ga Suuriya, ee taageera mucaaradka.

“Xaaladda Suuriya oo dagaal ku daashay, ka dib sannado badan oo colaado iyo dagaal ah, ma ogolaaneyso iska hor imaadyo cusub, mudnaanta marxaladdan waa dib u dhiska iyo xasilloonida, oo aan la gelin khilaafyo horseedi kara burbur kale.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in xal diblomaasiyadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga iyo xasiloonida iyo islamarkaana “dhaq-dhaqaaqyo militari oo aaan laga fiirsan” aan baahneyn.

Dowladdaha Soomaaliya, Masar iyo Eretariya oo Yeelanaayo Kulankii Sadaxaad.

0

Axad 15,Dec,2024 {HMC} Wada-hadal dhinaca Taleefanka ayaa dhexmaray Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Masar Dr. Badr Abdel-Atti.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirkooda iyo danaha ay wadaagaan.

Labada Wasiir ayaa wadaagay warbixinno ku aadan heshiiska Ankara ay ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo Wasiirka Arrimaha dibadda Masar muujiyay sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa kulmadii saddex geesoodka ahaa ee Asmara oo dhexmaray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya 10-kii Oktoobar 2024

“Labada wasiir ayaa ku heshiiyay in la sii wado iskaashiga iyo wada shaqaynta, iyagoo sidoo kale qorsheynaya in la qabto kulan saddex-geesood ah oo ay yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya si loo fuliyo qoddobadii hore loogu heshiiyay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.12.2024}

Axad,15 Dec, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

11 dead in French territory of Mayotte from Cyclone Chido

0

Sunday 15,Dec,2024 {HMC} At least 11 people have died after Cyclone Chido caused devastating damage in the French territory of Mayotte in the Indian Ocean, France’s Interior Ministry said Sunday.

The intense tropical cyclone has now made landfall on the east coast of Africa, where aid agencies are warning of more loss of life and severe damage in northern Mozambique.

The ministry said it was proving difficult to get a precise tally of the dead and injured in Mayotte amid fears the death toll will increase. A local hospital reported that nine people were in critical condition there and 246 others were injured.

The tropical cyclone blew through the southeastern Indian Ocean, also affecting the nearby islands of Comoros and Madagascar. Mayotte was directly in its path and suffered extensive damage Saturday, officials said. The local prefect said it was the worst cyclone to hit Mayotte in 90 years.

French Interior Minister Bruno Retailleau said Saturday night after an emergency meeting in Paris that there were fears that the death toll in Mayotte “will be high” and the island had been largely devastated.

Prime Minister François Bayrou, who took office Friday, said public infrastructure on Mayotte had been severely damaged or destroyed, including the main hospital and the airport. He said many people living in precarious shacks in slum areas have faced very serious risks.

Chido brought winds more than 220 kph (136 mph), according to the French weather service, making it a category 4 cyclone, the second strongest on the scale.

Mayotte has a population of just over 300,000 spread over two main islands about 800 kilometers (500 miles) off Africa’s east coast. It is France’s poorest island and the European Union’s poorest territory. In some parts, entire neighborhoods were flattened, while residents reported many trees had been uprooted and boats had been flipped or sunk.

The French Interior Ministry said 1,600 police and gendarmerie officers have been deployed to “help the population and prevent potential looting.”

More than 100 rescuers and firefighters have been deployed in Mayotte from France and the nearby territory of Reunion, and an additional reinforcement of 140 people was due to be sent Sunday. Supplies were being rushed in on military aircraft and ships.

French President Emmanuel Macron said he was closely monitoring the situation, while Pope Francis offered prayers for the victims of the cyclone while on a visit Sunday to the French Mediterranean island of Corsica.

Chido continued its eastern trajectory and made landfall early Sunday in Mozambique on the African mainland, where emergency officials had warned that 2.5 million people could be impacted in two northern provinces, Cabo Delgado and Nampula. Landlocked Malawi and Zimbabwe are also preparing to be affected, with both countries warning they might have to evacuate people from low-lying areas because of flooding.

In Mozambique, the United Nations Children’s Fund said Cabo Delgado province, home to around 2 million people, had been hit hard.

“Many homes, schools and health facilities have been partially or completely destroyed, and we are working closely with [the] government to ensure continuity of essential basic services,” UNICEF said. “While we are doing everything we can, additional support is urgently needed.”

UNICEF Mozambique spokesperson Guy Taylor said in a video posted by the group from Cabo Delgado’s regional capital that alongside the immediate impact of the cyclone, communities now face the prospect of being cut off from schools and health facilities for weeks.

December through to March is cyclone season in the southeastern Indian Ocean and southern Africa has been pummeled by a series of strong ones in recent years.

Cyclone Idai in 2019 killed more than 1,300 people in Mozambique, Malawi and Zimbabwe. Cyclone Freddy left more than 1,000 dead across several countries last year.

Cyclones bring the risk of flooding and landslides, but also stagnant pools of water may later spark deadly outbreaks of the waterborne disease cholera as well as dengue fever and malaria.

Studies say cyclones are getting worse because of climate change. They can leave poor countries in southern Africa, which contribute a tiny amount to global warming, having to deal with large humanitarian crises, underlining their call for more help from rich nations to deal with the impact of climate change.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay 15-12-2024

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY