Home Blog Page 1503

{DAAWO SAWIRADA} Shirka Amniga Qaranka oo Lagaga Hadlay Istaraatiijiyada Xoojinta Amniga Dalka.

0

Axad,15 Dec, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka .

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM .

Sidoo kale, shirka waxaa lagu lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

DHAMMAAD

FAAH FAAHIN Dagaal maalintii labaad ka Socda Magaalada Ceerigaabo.

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC)  Dagaal ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Ceerigaabo  ee Gobolka sanaag halkaas oo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ay ku dagaalamayaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Sida la sheegay Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii qaar kamid ah ciidamada SSC Khaatumo ay si qarsoodi ah u soo galeen magaalada maalmihii u danbeeyay, isla markaana magaalada hub la soo geliyay.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada Somaliland ay qabteen qaar ka mid ah dagaalyahannada ku sugan xaafadaha qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha rasmiga ah ayaan weli la xaqiijin.

Maamulka SSC  oo dagaalka war kasoo saartay ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland ay weerareen shacabka magaalada, isla markaana, ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, Khaatumo waxay dhanka kale sheegtay in ay difaacayaan magaalada.

Booliiska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha lagu diriray shalay iyo maanta, waxaana jira shacabka qaar oo ka qaxay magaalada.

Somaliland ayaa dhawaan kusoo rogtay magaalada bandow kadib markii ay soo korortay  nabadgelyo-darro.

Dhinaca maamulka SSC Khaatumo ayaa rabta in qaybo kamid ah magaalada ay ka taliso, halka Somaliland-na ay diidantahay.

Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliland oo Markii ugu Horeeysay Kulanyeeshay

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC)  Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha JSomaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).

Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo.

{DAAWO MUQAALKA} Natiijada Ciyaartii dhaxmartay Soomaliya iyo Suudaan.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Natiijada Ciyaartii dhaxmartay Soomaliya iyo Suudaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Askartii Lagu qabtay dagaalkii Raaskanbooni oo ka hadlay Sababtii kentay in la qabto.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Askartii Lagu qabtay dagaalkii Raaskanbooni oo ka hadlay Sababtii kentay in la qabto.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Jasiirad ay ku nool yihiin Soomaali badan oo duufaantii ugu weyneed ay ku dhufatay

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Jasiirad ay ku nool yihiin Soomaali badan oo duufaantii ugu weyneed ay ku dhufatay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

President Hassan Opens Somali Studies Congress In Mogadishu After 35-Years.

0

Sunday 15,Dec,2024 {HMC}  -President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud has on Sunday opened the 15th Somali Studies International Association Congress here in the capital Mogadishu after 34 years, it is jointly organized by the Ministry of Education, SSIA and Somali National University.

The congress brought together more than 300 distinguished participants, including academic researchers, scholars, practitioners, policymakers, civil society members, private sector representatives, students and other invited guests and will run from 15 to 18th of this month.

The theme of the 15th SSIA Congress, titled “Reconstructing and Developing the Somali Nation,ˮ

Expected Outcomes of the Congress:

• The publication of congress proceedings that include all presented research papers, serving as a vital resource for ongoing scholarly discourse and policy development in Somali studies.

• Creation of initiatives aimed at promoting Somali culture, language, and literature, as well as revamping the education system to align with nation-building goals.

• Development of strategies and programs focused on promoting peace, reconciliation, and conflict resolution as part of the broader nation and state building agenda.

• Setting up a mechanism to regularly review and assess the progress made in implementing the congressʼs recommendations, ensuring accountability and sustained focus on nation and state building.

Source SONNA

Maxaa Ka Jiro in Xisbullaah marinkii saadka usoo mari jiray oo xirmay?

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC)  Madaxa ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Naciim Qaasim ayaa sheegay in kooxdooda ay lumisay marinkii ay saadka u marin jireen dalka Suuriya, kadib markii uu afgambiyay madaxweyne Bashaar Al-Asad ku dhawaad ​​todobaad ka hor oo ay weerar ku qaadeen fallaagada.

Xilligii Assad, Xisbullah oo ay Iran taageerto ayaa Suuriya u adeegsan jirtay inay hub iyo qalab kale oo milateri ka soo geliso Iran, iyada oo la sii marinayo Ciraaq iyo Suuriya iyo Lubnaan. Balse 6-dii Diseembar, dagaalyahannada ka soo horjeeda Bashar Asad ayaa qabsaday xadka Ciraaq , waxayna jareen waddadaas, laba maalmood ka dib, fallaagada Islaamiyiinta waxay qabsadeen caasimadda Dimishiq.

“Haa, Xisbullaah waxay lumisay marinkii saadka milatari ee Suuriya marxaladdan” Qassem ayaa ku sheegay khudbad uu telefishanka ka jeediyay maalintii Sabtidii, isagoo aan “Maamulka cusub ayaa imaan kara Suuriya, wadadani waxay ku soo noqon kartaa sidii hore, waxaana raadin karnaa siyaabo kale,” ayuu raaciyay.

Xisbullaah ayaa faragelin ku sameysay dalka Suuriya sanadkii 2013-kii si ay u caawiyaan Bashar Asad dagaalka uu kula jiro fallaagada dooneysay inay xukunka ka tuuraan xilligaas. Toddobaadkii hore, markii ay fallaagadu ku soo dhawaadeen Dimishiq, Xisbullaah waxay soo dirtay saraakiil kormeerayaal ah si ay u kormeeraan ka bixitaanka dagaalyahannadeeda halkaas.

Qassem waxa uu sheegay in Xisbullah “aysan xgo’aan ka qaadan karin ciidamadan cusub ee Suuriya la wareegay ilaa ay xasiliyaan dalka” laakiin waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dadka iyo dawladaha Lubnaan iyo Suuriya ay sii wadayaan iskaashiga.

Waxa kale oo aanu rajaynaynaa ayuu yiri in maamulka cusub ee talada Suuriya la wareegay ay u aqoonsan doonaan Israa’iil cadow, taas oo keeni karta in aan isu soo dhawaano.

Xisbullaah iyo Israa’iil ayaa rasaas isku weydaarsanaayey xadka koonfureed ee Lubnaan muddo ku dhow hal sano kadib weerarkii Qasa , ka hor inta aysan Israa’iil qaadin weerar culus bishii Sebtembar, halkaas oo ay ku dishay inta badan hoggaanka sare ee Xisbullaah.

Jubbaland sends captured SNA soldiers to Mogadishu following Raskamboni clashes.

0

Sunday 15,Dec,2024 {HMC} Jubbaland regional administration transported Somali National Army (SNA) soldiers to Mogadishu on Sunday, marking the second group of captives sent back following last week’s clashes in Raskamboni town, Lower Jubba region.

The soldiers, flown to Mogadishu without their weapons, were captured during intense fighting between Jubbaland forces and federal troops stationed in the border town.

Jubbaland officials have accused the federal government of deploying inexperienced soldiers to destabilize the regional administration. The federal government has yet to issue a statement regarding the return of its troops or their capture during the Raskamboni clashes.

Jubbaland forces seized control of Raskamboni after fierce clashes, claiming that hundreds of soldiers from the elite Gorgor unit surrendered while others reportedly fled into Kenya.

The conflict underscores the ongoing tensions between Jubbaland and the Federal Government, which have been strained since President Ahmed Madobe’s re-election in November 2024. Mogadishu has refused to recognize Madobe’s leadership, accusing Jubbaland of obstructing national unity and resisting efforts to transition Somalia to a universal suffrage electoral system.

 

{DAAWO MUQAALKA} Jubaland oo ciidama ka tirsan DFS diyaarad ka saartay Raaskaabooni

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Jubaland oo ciidama ka tirsan DFS diyaarad ka saartay Raaskaabooni

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA