Home Blog Page 1505

MW Xasan Sheekh oo furay Shirweynaha meertada 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo 35 sano kaddib Dalka lagu qabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, ka qaybgalayaasha ayuu hor dhigay ka faa’iideysiga fursadaha muuqda sida Cilmi baarista iyo sare u qaadista Waxbarashada.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya in ka badan 400 oo Ergo oo isugu jira Aqoonyahanno Soomaaliyeed, Cilmi Baarayaal Caalami ah iyo qaar kamid mas’uuliyiinta Jaamacadaha Geeska Afrika oo madasha talooyinkooda dhex keenay.

Inta uu shirkaan socdo waxaa lagu soo bandhigi doonnaa daraasaadka lagu sameeyay Soomaaliya iyada oo laga eegayo dhinacyada kala duwan, waxaa kale oo madasha laga shaacin doonnaa ka gudubka caqabadaha jira.

La soco wixii kasoo kordha

Duufaan ku dhufatay Jasiiradda Mayotte iyo Faransiiska oo gurmad degdeg ah u diray

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC) Dowladda Faransiiska ayaa gurmad isugu jira Ciidamo iyo Gaadiidka lagu qaado dhaawacyada u dirtay Jasiiradda Mayotte kaddib markii duufaan xooggan ku dhufatay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay xaaladdaan culus waxa uu amray in la diro 250 gaadiid oo isugu jira Dab damis iyo kuwa gurmadka degdega ah ee ambalaasta loo yaqaan.

Ciidan qaadkood suga amniga iyo qayb kale oo kaalin ka qaata gurmadka ayuu u diray Jasiiraddaan oo sanadihii lasoo dhaafay martigelineysay Tahriibayaal badan oo Soomaali qayb ka tahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay weli si dhab ah looma shaacin inkasta oo ay jiraan warar meelaha qaar lasoo dhigay oo muujinaya khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay degmada Deyniile ee Muqdisho.

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC)   Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay koox burcad aheyd ugu geysteen gudaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Daahir Cabdulle oo loo yaqiinay Falfaliirshe.

Burcada dilkaan u geystay wiilka dhalinyarada ahaa ayaa dooneysay iney ka dhacaan Mobeel uu watay wiilka dhalinyarada oo kusii jeeday hoygiisa oo ku yaala xaafada Miriqmiriq ee ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wiilkaan dhallinyarada ah ee loo dilay in laga qaato Mobeelkii uu watay ayaa la sheegay inuu nin ka shaqeeya baabuurta dhagaxyada dhismaha qaada, waxaana la tilmaamay in xillga la dilayay uu ka baxay shaqo maalmeedkiisii.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilka dhallinyarada ah, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, hayeeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankaas.

Ugu dambeyntii habeen hore ayay aheyd markii sidan oo kale dil loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj, kaasoo lagu dilay xaafada lagu magacaabo iga dabagey ee ku taala degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dagaal maalintii labaad ka Socda Magaalada Ceerigaabo.

0

Axad,15,Dec, 2024 (HMC)  Dagaal maalintii labaad galay ayaa ka soconaya magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ay ku dagaalamayaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii qaar kamid ah ciidamada SSC Khaatumo ay si qarsoodi ah u soo galeen magaalada maalmihii u danbeeyay, isla markaana magaalada hub la soo geliyay.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada Somaliland ay qabteen qaar ka mid ah dagaalyahannada ku sugan xaafadaha qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha rasmiga ah ayaan weli la xaqiijin.

SSC Khaatumo oo dagaalka war kasoo saartay ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland ay weerareen shacabka magaalada, isla markaana, ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, Khaatumo waxay dhanka kale sheegtay in ay difaacayaan magaalada.

Booliiska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha lagu diriray shalay iyo maanta, waxaana jira shacabka qaar oo ka qaxay magaalada.

Somaliland ayaa dhawaan kusoo rogtay magaalada bandow kadib markii ay soo korodhay nabadgelyo-darro. SSC Khaatumo ayaa rabta in qaybo kamid ah magaalada ay ka taliso, halka Somaliland-na ay diidantahay.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada”Waxaan ku guuleysanay in aan shirkan qabano muddo 35 sanno kadib”.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada”Waxaan ku guuleysanay in aan shirkan qabano muddo 35 sanno kadib”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh “Burburkii dowladnimada waxa uu sababay in ay baaba’do aqoontii bulshada”.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh “Burburkii dowladnimada waxa uu sababay in ay baaba’do aqoontii bulshada”.+

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad kala socotaa Safarka Madaxweynaha Faransiiska ee Itoobiya?

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Maxaad kala socotaa Safarka Madaxweynaha Faransiiska ee Itoobiya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Bashiir “Dadka Soomaaliyeed Ma aaminsana Calanka Buluuga ah”

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Shiikh Bashiir Axmed Salaad “Dadka Soomaaliyeed Ma aaminsana Calanka Buluuga ah qolo walba Calan Gaar ah ayeey sameeysatay”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mukhtaar Roobow “AS laba buug iyo taleefan intey geed la hoos fariistaan ayey shacabka handadaan.”

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Mukhtaar Roobow “AS laba buug iyo taleefan intey geed la hoos fariistaan ayey shacabka handadaan.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Australia says ‘Bali Nine’ drug smugglers have returned home

0

Sunday 15,Dec,2024 {HMC}  Australia says the five remaining members of the “Bali Nine” drug ring have returned home after almost 20 years in Indonesian prison.

Prime Minister Anthony Albanese wrote on social media: “I am pleased to confirm that Australian citizens, Si Yi Chen, Michael Czugaj, Matthew Norman, Scott Rush and Martin Stephens have returned to Australia this afternoon.”

He thanked Indonesia’s President Prabowo Subianto “for his compassion”.

The high-profile case began in 2005 when Indonesia caught nine young Australians trying to smuggle 8.3kg (18lb) of heroin out of Bali.

The eight men and one woman were arrested at an airport and hotel in Bali after a tip-off from Australian police.

The case made news worldwide when two of the gang’s ringleaders, Andrew Chan and Myuran Sukumaran, were executed by firing squad in 2015 – sparking a row with Australia, which abolished the death penalty.

After the executions, Australia recalled its ambassador to Indonesia, although he returned to Jakarta five weeks later.

Other members of the Bali Nine were handed life terms in prison.

The case put a spotlight on Indonesia’s strict drug laws, some of the most stringent in the world.

One of the nine, Tan Duc Thanh Nguyen, died of cancer in 2018. Shortly afterwards, Renae Lawrence, then 41, the only woman among the group, had her sentence commuted after spending almost 13 years in prison.

Australia’s government said of the five men’s return: “The men will have the opportunity to continue their personal rehabilitation and reintegration in Australia.”

It expressed “deep appreciation” to Indonesia for allowing them to return home on humanitarian grounds.

Australian broadcaster ABC has reported that the men are effectively free to live unhindered in Australian society.